CLINTON IYO YOSHI MORRI
Ra'iisul Wasaarihii hore ee Jabbaan Yoshi Morri ayaa
wuxuu qorsheynayey kulan uu la lahaa madaxweyihii hore ee Maraykanka
Mr. Bill Clinton. Madaama uusan luqadda Ingiriiska ku fiicneyn Ra'isul
Wasaaruhu ayaa waxay tarjumaanadiisa u sheegtay in uu hadalka ku bilaabo
How are you? oo la macno ah Sidee tahay? Clintona uu ku jawaabi doona
I am Fine oo ah Waan fiicanahay dabadeedna wuxuu raacin doonaa “And
You?“ Adiguna ? kolkaas waxaad ku jawaabtaa Aniguna sidoo kale
“Me too”. Intaa wixii ka dambeeya howsha anagaa sii wadi
doona ayey tarjumaanadiisii ku yiraahdeen Ra'isul wasaare Yoshi Morri.
Mar alla markii ay kulmeen Ra'isul Wasaarahii iyo Bill Clinton oo ay
markaa la socotay xaaskiisa
Hillary ayaa waxaa uu Ra'isul Wasaaruhu si khalad ah u yiri “Who
are you?” oo macnaheedu uu yahay Kumaa tahay balse uu ula jeeday
“How are you?” Clinton oo yaaban , dhinacyadana fiir fiirinaya
xaaskiisuna ay garab taagan tahay ayaa isagoo kaftamaya ku jawaabay
I am Hillary's husband oo ah waxaan ahay
odaygii Hillary (Xaaskiisa) wuxuuse u raaciyey “And you?”
Ra'isul Wasaaraha oo sugayey ereygaas dambe ayaa ku jawaabay “Me
Too” oo la micno ahayd anigana sidoo kale Clinton oo u fahmay
in uu ra'isul wasaraha leeyahay anigana waxaan ahay odagyii Hillary.
W/D: Maxamed Busuri
Xigasho: Somalipress