.
 

SHIIKH CABDULQAADIROW!!

Waayadii ay Sucuudiga shaqooyinku ka furnaayeen, ayaa maalin maalmaha kamid ah waxaa gaadhi xaajiyad ah wada raacay labo nin oo shaqo tag ah, mid wuxuu ahaa reer waqooyi, kan kalena reer koonfur. Hadaba waxay gaadhigii saarnaadaanba mise markay
meel dhaxe marayaan ayuu gaadhigii kula dhacay meel god(xurfad) ah, ka dibna waxaa naxay kii reer waqooyigii ahaa, wuxuunayidhi Yaarasuululaahi!!, markaa sheekh carab ah oo agtiisa fadhiyey baa intuu bahal dhirbaaxo ah ku jiiday, kuna yidhi ilaahaaga ma taqaanid miyaa?!!. Kadibna kii reer waqooyiga ahaa baa iska aamusay isagoo cadhaysan, wuxuu gaadhigii sii socdaba mar labaad hadana meel kale oo god ah buu kula dhacay, dabadeedna kii reer koonfur ahaa baa yidhi Shiikh Cabdulqaadiroow!! markaasaa kii reer waqooyiga ahaa oo cadhaysanaa baa intuu dhirbaaxsho ugu jawaabay, kuna yidhi war kii weynaa baa meel loo la' yahay markaasaad shiikh lasoo ordaysaa.!!!
W/D: Maxamed Busuri
Xigasho: SomaliPress

All rights © reserved to Somali Education
Contact Us: somaliedu@somaliedu.com