SOOMAALI LAGU EEDEEYAY IN UU
TUUG LA DAGAALAMAY
Qisadan waxay ka dhacday Toronto, Kanada waxay booliiska caadi ahaan
dadka kula taliyaan in aysan is-dhaqdhaqaajin haddii uu tuug mindi ama
bustoolad ku qabto si uu u baarto. Waa in aad qaadataa amarka uu tuugga
ku siiyo oo aad gacmaha kor u taagtaa oo inta uu kaa baaranayo aad sugtaa
si aadan naftaada khatar u galinin.
Aragtidaas wada shaqaynta ah ayay tuugada nafteeda aaminsan tahay oo
baqdin badanba kama qabaan in uu qofka is-daafaco ama dagaalamo marka
ay qofka hub ula soo baxaan. Waxayna dadka ka rajaynayaan inay iskala
daadiyaan oo ay howsha dhaca-qaawan ah u fududeeyaan.
Marka ay ka dhamaystaanna waxaa caadi ah in ay goobta ka cararaan, waayo
waxay qiyaasayaan in uu qofkii la baartay uu boolis waci doono oo dhacdadii
iyo calaamadihii qofkaba sheegi doono. Marka ay dadka hubka ku qabanayaan
waxay u badan tahay in ay wajiga dabooshaan si aan loo garan.
Haddaba nin soomaali ah oo aysan sooba gaarin fariinta ah tuug isu dhiibka
ayay galab makhrib ah isagoo meel lacag $60. ah kala baxaya gadaal bustoolad
tuug uga qabtay. Meesha uu lacagta kala baxayo oo ah makiinadaha lacagta
lagala baxo ayaa waxay ku taala meel cidla ah oon aadami oo dhan markaas
ka muuqan.
Tuugii ayaa rajaynayay in uu ninkaas iskala daadiyo oo lacagta uu soo
saarayna gacanta ka saaro, isla markaasna uu gacmaha kor u sii taagto
si uu u sii baarto.
Soomaaligii ayaa markii uu fahmay in bustoolad dhabarka looga hayo durba
is-kala rogay oo tuugii bustooladdii la qabsaday oo afkeedii iska duway
horena ugu booday. Soomaaligii wuxuu durba bustooladdii kala wareegay
tuugii oo darbi meeshaan ah la fuulay. Wuxuu isla markiiba ka dhuftay
mardii wajiga ugu xirnayd si uu u garto waxa uu la dagaalamayo.
Tuugii oo wax uusan filayn Ilaahay ku saliday oo fajacsan ayaa isaga
naftiisa markaan sharcigii u hogaansamay oo iskala daadiyay. Dabadeedna
gacmihii kor u taagay oo goojiyay maaddaama hubkii lagala wareegay,
oo haddana lagu soo foorariyay. Soomaaligii ayaa go’aan ku gaaray
in uu tuugii sidaas ku geeyo booliiska, isagoo ku wada bustooladdii
lagu weeraray.
Markii uu banaanka ula soo baxay ayaa waxaa u yimid dad kale oo kala
garan waayay koodii tuug ah, waxayna waceen booliiskii iyagoo ka cararaya
goobta.
Tuugii ayay nafta qabatay oo doortay in uu ka baxsado soomaaligaan jinni
ee haaysta intii uu booliis ku soo gaari lahaa. Orod ayuu cagta wax
ka dayay tuugii.
Soomaaligii oo aan rabin in uu toogto ayaa ka daba orday si uu u qabto
oo booliiska ugu simo. Laakiin wuu ka dheereeyay, waxaana ugu danbayntii
booliiskii soo gaaray goobtii soomaaligii oo hiraanhiraya oo bustooladdiina
gacanta ku haya. Booliiskii ayaa hareeraha ka maray oo hub ula soo baxay
oo mooday in uu tuugii isaga yahay. Wuxuu in yar uga baxsaday in la
toogto, laakiin nasiib wanaag isagiibaa bustooladdii dhulka iska dhigay
oo gacmaha kor u taagay, waayo aragnimadii uu tuugga ka helay awgeed.
Markii laga qaaday bustooladdii ayaa la waraystay isaga iyo dadkii kale
oo goobta ku soo laabtay si ay u makhraati furaan.
Booliiskii wuxuu markiiba soomaaligii u xiray gardadduub, wuxuuna geeyay
saldhigga booliiska isagoo lagu eedaynayo in gacantiisa hub loogu tagay
iyo in uu tuug si toos ah ula dagaalamay oo iska celiyay, naftiisana
khatar galiyay. Waxaa maalintii danbe la soo furay oo makhraati u noqotay
kaamaradii ku rakibnayd goobtii u horeeysay ee ay ku dagaalameen tuugga
iyo soomaaliga.
Booliiskii ayay cajaa’ib ku noqotay khatarta uu ninkaan soomaaliga
ah is galiyay. Waxaana soomaaligii loo sheegay inuu ku jiro danbi ah
in uu khatar galiyay naftiisa iyo midda shacabkii meelaha joogay, sidaas
darteedna maxkamad loogu gudbinayo si loo xugmiyo.
Laakiin soomaaligii ayaa maxkamaddii u sheegay in uusan waligiiba maqal
tuug ha la isu kala daadiyo, ha la iska celiyo moyee.
Ka dib markii loo makhraati furay in uu ninkaas ka yimid waddan tuugada
aad gacantaada isaga celinayso ayaa waxaa laga garaystay hadalkiisii
waxaana lagu xukumay in uu qaato durus badan oo la xiriirta sida loo
dhaqmo marka ay tuugo ku soo weerarto.
Haaaa … Haaaa ….Qosol weynaa .
Xigasho: Somali Press