Colaad Bari-weyne caano iguma mireene, ma doorshaan baa uga dhacay?!

Waxaa jiray gobolka Galgaduud ee dalka Soomaaliya mar uu ku noolaa nin la oran jiray Doonaan. Wuxuu ahaa nin sabool ah oo, saboolnimada ka sokow, ay beeshu u taqaan inuu doqon yahay, ha yeeshee ahaa nin fariid ah.

Doonaani ayaa qoys xoolo hodan ka ah amin fiid ah soo martiyey. Qoyska waxaa lahaa Colaad Bari-weyne oo lagu xanto inuu dhabcaal (bakhayl) yahay, markaasna safar kaga maqnaa reerkiisa, wuxuuna Colaad Bari-weyne soo noqday goor habeen ah oo saqdii dhexe ah. Waqtigaas, Doonaani daal iyo gaajo ayuu reerka la ag-jiifay.

Isagoo hurda ayaa Colaad Bari-weyne la soo kor-joogsadey dhiil caano ka buuxaan, wuxuuna si naxariisi ku dheehan tahay ku yiri: “War Doonaan, toos oo caanahaan cab”. Inta caanihii ka qabtay oo marna dhiisha buuxda fiiriyay, marna Colaad Bari-weyne fiiriyay, ayuu oraahda caanka noqotay yiri: “Tolow, Colaad Bari-weyn caano iguma mireene, ma doorshaan baa uga dhacay!". Waxaa la weriyey in dhiil caano ka buuxaan oo Colaad Bari-weyn xaaskiisu dhigaal ahaan ugu sii diyaarisay, markay u soo bixisay oo aaburkii laga qaaday, la arkay doorshaan ku jira! Kaddibna waxay go’aansadeen in ninka martida ah loo geeyo, inta doorshaanka laga saaro, halkii laga daadin lahaa!.

Xigasho: Buugga Garaad: Miidda Murtida iyo Madadaalada

All rights © reserved to Somali Education
Contact Us: somaliedu@somaliedu.com