.
 

'Ma-goradaaw' Ma god baa loo wadaa?!


Si caadiga ahba is-afgaranwaa ayaa ka dhex dhaca dadka, walow ay af qura ku hadlaan, balse kala lahjad duwan. Sidaasi waxay qabsatay labadan nin ee Soomaaliyeed.
Nin Soomaali oo ku hadla lahjadda ‘Mayga’ ayaa in muddo ahba wuxuu ku noolaa magaalada New York ee dalka Mareykanka. Waxaa magaaladii ugu yimid nin aan aqoon lahjaddaas oo dhowaanahaas ka yimid Soomaaliya. Ninka soo-galowga ah ayaa arkay daar aad u dheer, quruxna loo dhameeyay. Isla markiiba saaxiibkiis ayuu weydiiyay “yaa iska leh daartan quruxda badan?!” Saaxiibkiis ayaa ugu jawaabay “Ma goradaaw” oo ah “Ma aqaanno”. Waxoogaa kadib ayay arkeen baabuur aad u qurux badan, markaasaa ninkii mar kale weydiiyay saaxiibkiis: “yaa leh baabuurkan”. Saaxiibkii ayaa ku jawaabay: ‘Ma goradaaw’.
Ninkii ayaa caado ka dhigtay in wax kastoo uu arkaba uu saaxiibkiis weydiiyo waxa ay yihiin iyo cidda lehba. Saaxiibkiis oo aan isku shiddeyn inuu wax walbaba ogaado ayaa mar walba jawaabtiisa ku soo gaabinayay ‘Ma goradaaw’, taasina waxay keentay in ninkii uu u qaato inuu jiro nin la yiraahdo ‘Ma goradaaw’ oo siduu qiyaastayba ula muuqday inuu yahay mid hodan (taajir) ah.
Maalintii dambe ayaa waxaa soo ag maray baabuur nacash (naxash) - dabcan lagu sido qof meyd ah. Ninkii ayaa saaxiibkiis weydiiyay qofka geeriyooday ee nacashkaas lagu wado. Saaxiibkiis ayaa jawaabtiisa ku soo koobay ‘Ma goradaaw’. Ninkii oo markaani hadal ka soo fuqi la’yahay ayaa yiri “Adduunyooy ma sidaas baad tahay…..Ninkii wixii aan ogaa lahaa ee daar, gawaari….iyo wax kastaba lahaa .….caawa ma god baa loo wadaa!!!!!

All rights © reserved to Somali Education
Contact Us: somaliedu@somaliedu.com