.
 

Muxuu ku furay?

Nin reer miyi ah ayaa guursaday saddex dumar ah. Si uu u ogaado sida ay u kala caqli badan yihiin ayaa wuxuu ku yiri tii ugu horreysay: “subaxa hore marka uu waagu baryo I toosi”. Markuu waagii baryay ayay ku tiri “toos waagii baa baryaye”. Ninkii ba aku yiri “sided baad ku garatay inuu waagii baryay?” waxay ku jawaabtay: “xiddigii yaryaraa baan waayay, waxana circa ku haray kuwa ugu iftiinka badan; waxaa kaloo qaboobay go’ii aan huwanaa iyo anigoo u xiisay inana cabo neecaawda udgoon ee sabaxa.” Wuxuu ku yiri “waxaad la timid wax macquul ah”

Habeenkii xigay ayuu la seexday xaaskiisii 2aad, wuxuuna ku yiri sidii si la mid ah. Markuu waagii baryay ayay ku tiri “Toos waagii waa baryaye”. Wuxuu ku yiri “maxaad ku garatay inuu waagii baryay” waxay ugu jawaabtay: “waxaan ku gartay codka faraha badan ee shimbiraha iyo firaashkii ana ku seexanayay oo qaboobay” wuxuu ku yiri “wax macquul ah ayaad sheegtay.

Habeenkii saddexaad ayaa uu tii 3aad ku yiri sidii oo kale. Markuu waagii baryay ayay ku tiri “war toos wagii waa baryaye”. Wuxuu weydiiyay maxaad taas ku caddeyn kartaa?” waxay ugu jawaabtay: “nafteydaa hurdadii nacday, afkeygiina wuxuu doonay caday, iftiinkiina waan u baahday” Isagoo ana jecleysan habkii ay u soo bandhigtay jawaabteeda ayuu ku yiri “waad iga furan tahay”.

All rights © reserved to Somali Education
Contact Us: somaliedu@somaliedu.com