Shakiga Soddohda
Soddoh ayaa bukootay, una baahatay inay hesho dhaqtar wanaagsan oo ka
daweeya xanuunka haya. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa booqasho
ugu timid islaan kale oo ay saaxiibo ahaayeen. Islaantii bukootay ayaa
la weydiiyay “waxaan maqlay in lagu qalay?” waxay ku jawaabtay
“waa jirtaa in lay qalay, hase yeeshee si wanaagsan iimuusan qalin
diktoorkii hebelkii aan u tagay”.
Islaantii booqashada ku timid ayaa tiri “naa maxaa kuu geeyay
sow kan dhaqtarka ugu weyn magaalada uu qabo gabadhaada, dadkoo idilna
ay isaga u tagaan!” Soddohdii ayaa ku jawaabtay “waa runtaa,
laakiin waxaan ka baqay inuu igu sameeyo qalliin xun oo aan u dhinto,
maadaama aan ahayn soddohdii, si ay isugu haraan isaga iyo inanteyda
oo kaliya!!