Sir-naageed lagama sal-gaaro


Nin hantiile oo ku noolaa mid ka mid ah gobollada Soomaaliya ayaa mar u safray magaalada-madaxda Muqdisho. Intuu joogay magaalada ayuu guursaday gabar reer Muqdisho ah, kadibna magaaladiisii iyo xaaskiisii hore oo aan ka war helin ayuu dib ugu soo laabtay, wuxuuna xaaskiisa deggan Muqdisho u imaan jiray sanadkiiba mar amaba labo mar, waxaana inta badan xaaskaasii Muqdisho deggan uga soo warrami jiray adeerkiis oo ku noolaa magaalada Muqdisho oo warqado u soo qori jiray.

Maalin ayaa adeerkiis waraaq uu soo diray ay gacanta u gashay xaaskiisii uu inta badan la noolaa, waxayna ogaatay ninkani inuu naag kale la qabo iyo guud ahaan sirtii oo dhan. Maalinkii dambe ayaa waxay qortay warqad dheer iyadoo iska dhigeysa adeerkiisii deggenaa Muqdisho, waxayna warqadda ku xustay in xaaskiisii Muqdisho deggeneyd ay goor dhow geeriyootay; waxayna warqaddii ay qortay gacanta ka saartay ninkeedii. Ninkii markuu akhriyay warqadda loo dhiibay ayuu aad uga naxay geerida la sheegay inay ku timid xaaskiisii Muqdisho. Horaa loo yiri ‘Allow nimaan wax ogeyn ha cadaabine’, wuxuu u xirxirtay safar si uu murugada ugala qeyb qaato gabadha reerkooda oo iyaguna ku noolaa Muqdisho. Isagoo qol gurigiisa ka mid ah ku jira, isuna diyaariyay safar ayay xaaskiisii u soo gashay. Waxay ku tiri "Waxaan arkaa inaad mashquul tahay oo aad safar u xirxiratay, waxaan rabaa inaad madaxeyga ii dhigto sababtoo ah waxaan ka shakisanahay inaad xaas kale ila qabto!. Mar kastana waxaad u oroddaa Muqdisho, madaxeyga isii!!". waxayna shuruud uga dhigtay inuu u dhaarto hadduusan xaas kale la qabin si ay ugu qanacdo.

Ninkii oo mooday in xaaskiisii labaad ee Muqdisho ku nooleyd ay geeriyootay oo arrinta warqadda ku qoran ay dhab tahay, ayaa ku dhaartay inuusan xaas kale qabin oo haddii ay jirtona inuu furay saacaddaa wixii ka dambeeya. Markay intaas dhacday ayaa intay aad u qososhay waxay tiri "hadda meeshii aad doonto iska aad, xaaskii Muqdisho degganaana way kaa furantay iyadoo nool oo aan dhiman.” Sidaas ayayna uga furantay xaaskiisii Muqdisho deggeneyd isagoo aan waxba ogeyn!.

Xigasho: Buugga Garaad: Miidda Murtida iyo Madadaalada

All rights © reserved to Somali Education
Contact Us: somaliedu@somaliedu.com