Taariikhda qoraalka far-Soomaaliga
Af Soomaaligu waxaa uu ka mid yahay luuqadaha Geeska Afrika kuwa ay
ku hadlaan dadka ugu tiro badani. Dadka Soomaaliyeed ee ku hadlana waxay
ku dhaqan yihiin deegaan aad u baaxad weyn oo u dhexeeya gacanka Tojorra
ilaa iyo webiga Tana ee Waqooyiga Kiiniya.
Inkastoo af Soomaaliga ay ku hadlaan dad tiradaas leh ee ku baahsan
dhulka baaxadaas ballaadhan leh, haddana qoraal rasmi ah oo ay dadka
Soomaaliyeed ku dhaqmaan wuxuu yeeshay 1972 dii. Muddadii intaas ka
horreysay qoraalada ay dadweynaha Soomaaliyeed ku wada xidhiidhaan wuxuu
ahaa luuqadaha Carabiga, Ingiriisiga iyo Talyaaniga.
Si arrintaas loo xaliyo waxaa la isku dayey inay wax ka qabtaan aqoonyahano
Soomaali iyo ajinebi isugu jira. Tusaale ahaan, sannadkii 1961 dii waxaa
la soo hor bandhigey Guddiga Luuqadaha (Linguistic Commission) 18 nooc
oo Af Soomaaliga loo qori karo (scripts). 11 farahaas ka mid ah waxay
ka mid ahaayeen faro cusub oo ay aqoonyahano Soomaaliyeed allifeen.
Toddobada soo hadhayna 4 ka mid ahi waxay adeegsadeen farta Carabiga,
halka ay 3 da kale ku salleysnaayeen qoraalka Laatiinka.
Muddadii ka horreysay 1972 dii oo ahayd, sida aan kor ku soo xusnayba,
markii xukuumada Soomaaliyeed soo saartey go’aankii qoraalka la
aqoonsan yahay ee af Soomaaliga waxaa aqoonyahanada dersa af Soomaaliga
ka dhex alloosnaa dood aad u kulul oo ku aadaneyd nooca qoraalka loo
aqoonsanayo af Soomaaliga (Official Somali Script). Run ahaantii, dhibaatada
taalay ee marnaba suurto gelin weyday in la helo go’aan la isku
raacsan yahay waxay ahayd fikirka iyo aragtiyada ay qeybaha bulshaddu
ka qabeen arrinkaas oo aad u kala fogaa. Aqoonyahanada hormuudka ka
ahaa araa’daa kala duwan waxaa ka mid ahaa: Yaasiin Cismaan Kenediid,
Shire Jaamac Axmed, Ibraahim Xaashi Maxamuud, Xuseen Sheekh Axmed Kadare
iyo qaar kale oo badan. Sidaas daraadeed, waxaa aynu odhan karnaa dadaal
ma yareyn, laakiin waxaa jirtey dood la soo af jari kari waayey.
Waxaa iyana intaas dheeraa sababo kale oo dhawr ah oo loo aaneyn karo
qoraal la’aanta af Soomaaliga. Tan koowaad waxaa la odhan karaa
waxaa aan xil weyn iska saarin hirgelinta qoraalka far Soomaaliga xukuumadihii
gumeysiga ee Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga. Mida labaad waxay
ahayd dadweynaha Soomaaliyeed oo u arkayey in la isticmaalo far aan
ahayn tan Carabiga inay diinta Islaamka lid ku tahay. Tusaale ahaan,
wax yar ka hor Dagaalkii Labaad ee Adduunka waxay Waaxda Waxbarashadda
ee maxmiyada Ingiriiska ee ka jirtey gobolada waqooyi isku dayday inay
hirgeliso qoraal farta Soomaaliga ah oo ku salleysan xuruufta Laatiinka.
Waxa ay taasi dhalisey in kacdoon ballaadhani uu ka dhaco magaalada
Burco. Halkaas oo dhagax lagu dili gaadhey labadii sarkaal oo ka tirsanaa
Waaxda Waxbarashadda. Dadkuna waxayku dhawaaqayeen erayada ah “Laatiin
waa La’ Diin”, taas oo macnaheedu yahay “Laatiin waa
diin la’aan.” Waxaa dagaalo aad u kulul iskaga hor yimid
shacab weynihii mudaharaadka dhigayey iyo ciidamadii booliiska ama amniga.
Taas oo dhalisay in dib looga noqdo mashruucaas isaga ah. Tan saddexaad,
waxaa iyana wax laga saari karaa qoraal la’aanta af Soomaaliga
isticmaalka luuqadda Carabiga oo Soomaalidu aad ugu adeegsan jirtey
dhinacyo badan oo ku aaddan adeegyada bulshadda iyo arrimaha ijtimaacdiga
ah, sida arrimaha shareecada, ganacsiga, iwm. Taas oo malaha dhalisay
inay yaraato baahida loo qabo qoraal af Soomaali.
Haddaba, qoraalkan waxaanu si kooban ugu soo bandhigi doonaa taariikhda
qoraalka af Soomaaliga oo maanta Soomaalida badankeedu aanay wax badan
ka aqoonin, khaas ahaan intii dagaalad sokeeye dhaceen oo qoraalo badan
iyo aqoon badan oo af Soomaaliga ku aaddaniba ay lumeen.
QORAALADA AY SOOMAALIDU ALLIFEEN
(THE NATIONAL SOMALI SCRIPTS)
Sida aynu horey u soo tilmaaney, waxaa Guddiga Luuqada ee 1961 kii la
soo hor dhigay 11 farood (11 scripts) oo luuqada Soomaaliga lagu qori
karo oo ay aqoonyahano Soomaaliyeed allifeen. Guddiga luuqadu waxaa
ay soo bandhigeen 17 qoddob ama shuruudood oo lagu qiimeeyo far kasta
oo la soo hor dhigo (kuwaas oo aynu ku soo qaadaa dhigi doono qeybaha
dambe ee qoraalkan). Hase yeeshee, waxaynu halkan ku soo qaadan doonaa
saddex ka mid ah farahaas oo aan ku eegi doono dhinacyada taariikhda,
sida ay caanka uga noqdeen iyo qoddobo kale oo muhim ah. Laba ka mid
ah farahaas waxay Guddigii Luuqada ee 1961 dii ku tilmaameen inay buuxin
kari waayeen shuruudihii iyo qoddobadii ay u dhigeen inay ku qiimeeyaan
faraha kala duwan ee la soo hor dhigay.
Saddexda far Soomaali ee aynu qoraalkan ku soo qaadanaynaa waxaa ay
kala yihiin:
1. Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifey Cismaan Yuusuf Kenediid 1920
dii. Qoraalkaas waxaa loo yeqaanaa Cusmaaniya,(waxaana loogu magac daray
ninkii allifey oo Cismaan la odhan jirey), waxaa mararka qaarkoodna
la dhihi jirey Far Soomaali (Somali Script).
2. Qoraalka farta Soomaaliga ee uu allifey Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh
Nuur 1933 dii oo loo yeqaano Far Gadabuursi (Gadabuursi Script), waxaana
loogu magac daray qoyskii uu ka dhashay.
3. Qoraalka Far Soomaaliga ee uu allifey Xuseen Sheekh Axmed Kadarre
1952 dii oo iyana loo yeqaano Fartii Kaddariya (Kaddariya Script), waxaana
loogu magac daray ninkii allifey oo Kaddare lagu naaneyso.
CUSMAANIYA (FAR SOOMAALI)
Farta Cismaaniyadu waxaa weeyaan farta ugu da’da weyn uguna caansaneyd
faraha ay Soomaalidu allifeen, amase aynu ugu yeedhi karo Faraha Waddaniga
ah (National Scripts). Cusmaan Yuusuf Keenadiid oo ahaa ninka allifey
fartan waxaa uu dhashay 1898 kii. Waxaa uu ka mid ahaa 4 wiil oo uu
dhalay suldaankii Hobyo Suldaan Cali Yuusuf Keenadiid. Cismaan wuxuu
ahaa nin aqoon u leh Luuqadaha Carabiga iyo Talyaaniga. Waxaa intaa
u dheeraa isaga oo ahaa gabayaa iyo suugaan yahan. Markii hore waxaa
uu Cismaan isku dayey inuu af Soomaaliga ku qoro xuruufta af Carabiga.
Laakiin arrintaas wuu ku qanci waayay. Gaar ahaan markii xarfaha Carabiga
uu ka waayey qaar matali kara dhawaaqyada gaarka u ah luuqada Soomaaliga.
1920 kii Cismaan waxaa uu soo bandhigay far Soomaali uu isagu allifay
oo runtii wax weyn ku soo kordhisay horumarinta af Soomaaliga. Fartanu
waxaa ay markii ugu horreysayba suurtogelisay in la helo shaqalo iyo
xuruuf lagu qori karo dhammaan lahjadaha iyo dhawaaqyada af Soomaaliga.
Intii aan la qaadan Far Soomaaliga aynu hada isticmaalo, waxay farta
Cismaaniyadu ahayd tan ugu caansan faraha af Soomaaliga ah ee jirey.
Waxaa sannadihii lixdamaadkii isticmaali jirey dad lagu qiyaasay 50,000
oo qof. Waxay dadweynaha fartan yeqaana u isticmaali jireen in lagu
wada xidhiidho laguna keydiyo qoraalada af Soomaaliga.
Waxaa jira qoraallo fara badan oo fartan ku qoran oo ay haystaan shakhsiyaad
gaar ahi (private collections), oo ay qaar ka mid ah leeyihiin muhimad
suugaaneed iyo mid taariikheedba. Fartani waxay ka kooban tahay 41 xaraf
oo nooc ka mid ah leeyahay daabacaad (printing and no cursive writing).
Waxaa laga bilaabaa qoraalkeeda dhinaca bidixda (from left to right),
waxayna leedahay qoraalkeeda tirada (numerals). Guddiga Luuqada ee 1961
dii waxaa uu fartan ku tilmaamay inay leedahay 7 qoddob oo faa’iido
ah iyo 10 dhalliilood. Arrintaasina waxay keentay in lagu taliyo inaan
fartan la qaadan.
Macluumaad dheeraad ah oo fartan ku saabsan waxaa laga heli karaa qoraalada
uu diyaariyey B.W. Andrzejewski oo loo yeqaano Macallin Guush oo ku
jira buugga la yidhaahdo Handbook of Somali Studies, oo uu isku dubbariddey
Charles L. Geshekter iyo qoraalo kale oo ay diyaariyeen Manio, Maria:
La Lingua Somala: instrumento D’insegnamento professionale. Alessandria,
Italy: Ocella, 1953 iyo Moreno Mario Martino. Il Somalo della Somalia.
Rome: Instituto Poligrafico dello Stato, 1955.
FARTA KADDARIYA
Fartan waxaa soo saaray Xuseen Sheekh Axmed Kaddare sannadkii 1952 dii.
Xuseen waxaa uu ahaa nin dhallinyar oo aad u firfircoon oo ka tisanaa
shaqaalihii Raadiyo Muqdisho. Markii dambena, waxaa uu noqdey madaxa
qeybta af Soomaaliga ee Akademiyadii Cilmiga iyo Fanka (Somali Academy
of Sciences and Arts).
Farta Kaddariya sida tan Cusmaaniyada maaysan noqon mid caan ah ama
mid ay dad badani aad u yeqaano. Laakiin, waxaa ay leedahay qiimaheeda
taariikhiga ah. Fartan ma yeelan makiinado iyo qalab lagu garaaci karo
(typewriters and printing machines) iyo qoraallo fartan ku soo baxay.
Fartani waxay ka kooban tahay 41 xaraf iyo afar nooc oo loo qoro. Qoraalkeeda
waxaa laga bilaabaa dhinaca bidixda una socotaa dhinaca midigta (from
left to right). Fartan markii loo gudbiyey Guddigii Luuqadaha ee 1961
dii waxaa ay soo jeediyeen in dhawr waxyaabood dib loogu noqdo. Kedib
markii arrimahaas la soo dhammeystireyna waxay guddigi ku qiimeeyeen
inay kaalinta labaad gashay (waxaa ay ku xigtey tan isticmaasha xuruufta
Laatiinka oo kaalinta koowaad gashay oo uu soo gudbiyey Shire Jaamac
Axmed).
FARTA GADABUURSI
Taariikhdu markii ay ku beegneyd 1933 dii Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh
Nuur oo ka dhashay qoyska Reer Ugaas ee qabiilka Gadabuursiga ayaa waxaa
uu allifay Far Soomaali, markii dambena loogu magac daray qabiilkiisa.
Sheekh Cabdiraxmaan waxaa uu ahaa nin wadaad ah oo aqoon fiican u leh
diinta Islaamka. Waxaa uu macallin diinta Islaamka dhiga ka ahaa Waaxda
Waxbarashadda ee Maxmiyadii Ingiriisiga ee Waqooyiga Soomaaliya. Waxaa
uu markii dambe Qaadi ka noqdey magaaladda Boorame, jagadaas oo uu aabbihii
uga dambeeyey. Fartaas uu Sheekh Cabdiraxmaan soo saarey waxay ka mid
ahayd farihii la soo hor dhigay Guddiga Luuqada.
Fartani waxay ahayd mid ay dad aad u tiro yari yeqaanaan, isla mar ahaantaasna,
aysan dadka badankii maqalba. Sidaas darteed, daraasaad badan iyo wax
horumar ah laguma sameyn sida tan Cusmaaniyada. Hase ahaatee, waxay
leedahay qiimaheeda taariikhiga ah. Fartan markii la hor dhigay Guddigii
Luuqada ee 1961 dii, waxay ku tilmaameen inay leedahay 5 qoddob oo faa’iido
ah iyo 12 cilladdood. Taasina waxay keentay in lagu qanci waayo sidii
tii Cusmaaniyada oo kale.
Faraha kale ee ay Soomaalidu alliftey ee la soo hordhigay Guddiga Luuqada
waxaa kala qorey: Cabdulqaadir Cadde Muunye (1961), Mustafe Sheekh Xasan
(1951), Daa’uud Maxamed (1928), Cali Sheekh Cabdullaahi qutbi
(1952), Xuseen Xaashi Halak (1960), Maxamed Jaamac Salaad (1960), Qaasim
Hilowleh (1960) iyo Maxamuud Axmed Maxamed (1961). Farahan wax qoraalo
ah oo badan lagama hayo. Meesha qudha ee lagu xusayna waxaa weeyaan
Warbixintii Guddiga Luuqada ee 1961 kii.
Warbixintaas waxaa ku qoran xuruufaha farahaas iyo shakhsiyaadkii soo
saaray. Hase ahaatee, ma cadda sida xarfaha loogu dhawaaqo. Dhammaan
farahaas kala duwani waxay caddeynayaan sida shakhsiyaad badan oo Soomaaliyeed
ay isugu mashquuliyeen inay allifaan far Soomaalida u gaar ah. Waxa
ay dhammaantood wadaagaan iyaga oo isku dayay inay aad uga fogaadaan
farihii jirey. Arrintaasi run ahaantii waxay keentay wareer badan iyo
xarfaha qaarkood oo isu ekaadaan. Cilladda ugu weyni waxa ay ahayd iyaga
oo aan midkoodna isticmaali karin makiinadihii iyo qalabkii daabacaadda
ee waddanka yaalay.
Axmed Haybe (Axmed Dawlo)
Xigasho: Dawan Press, Muqdisho