|
. |
||
XASILLOONIDARRADA AF-SOOMAALIGA Afna ma taabbagalo haddii aanu xasilin. Xasilloonidarraduna waa dhibaatada ugu weyn ee hadda Af-soomaaliga haysata. Dad badan oo qoriddiisa xiiseeyana waa arrin walaac ku haysa. Waxaan haddaba qoraalkan wax yar kaga ifini arrintaa aniga oo u kala saaridoona dhibaato ka taagan xagga dhawaaqa iyo mid ka aloosan dhinaca qoraalka. Waxa kale oo aan isku deyi inaan tilmaan yar kabixiyo sida ugu habboon ee loo maarayn karayo dhibaatooyinkaa iyaga ah. 1972kii waxa la qaatay in Af-soomaaliga xuruufta laatiinka lagu qoro. Hayeeshee lama guddoomin in isku si loo qoro. Waxan ujeedaa lama qeexin sida loo kala duwayo qoraalka iyo hadalka. Arrintaasina, runtii, waxay dhalisay in qofkastaa Afka u qoro sida uu isagu ugu hadlo. Tusaale ahaan: 1. Shibbanayaasha: b) B............. M c) C .......... Q d) D ........... dh e) X ......... Kh f) M .......... N g) J ........... Y 2. Shaqallada: a) I ........ U b) 0 ........... A c) U ........ I d) A ............. I Arrintani runtii waxay dhibaato xoog leh ku haysaa dad badan oo afka barta oo shisheeye iyo sokeeyaba leh. Dhab ahaanna, dhibaatadu maaha mid Af-soomaaliga keli ku ah ee waa mid ay afaf badani soo mareen kana soo gudbeen loona baahan yahay inaynu dhugmo gaar ah u yeelanno. Waxa afafkaa ka mid ah Af-carabiga. Tusaale ahaan, dalalka gacanka carabta, dadku xarafka Kaaf ‘?’ waxay ugu dhawaaqaan Jiim ‘?’. Marka ay isbariidinayaanna waxay yidhaahaan ‘Jeef xaalaj???? ????’. Hayeeshee kolka ay qoraal noqoto wa-xay qoraan ‘Keef xaalak???? ????’. Dalka Masar dadkiisu xarafka‘Qaaf ? ’ waxay ugu dhawaaqaan ‘A ? ’ Marka uu haddaba qof Masriyihi doonayo inuu kugu yidhaa ‘waxan ku leeyahay’ wuxuu ku odhanayaa ‘A’ullak’. Hase ahaatee kolka uu qoraal maago waxa uu qorayaa ‘Aqullak ????’. Afka Ruushka haddaan dhankiisa eegno sidaas oo kale ayaan aragtidan mid la mid ah ugala kulmaynaa. Tusaale ahaan dadka u dhashay ama ku barbaaray jamhuuriyadda Ukraa’iin xaraf ka ‘g’ waxay ugu dhawaaqaan ‘H’. Kolka uu qof doonayo inuu ku yidhaa ‘waxan ku hadlaa af-ruush’ wuxuu ku odhanayaa ‘Yaa habaa -ruu baa Ruski’. Hayeeshee kolka ay qoraal tahay waxa uu qorayaa ‘Yaa gafaaruu baa Ruski’. ã( ga ) H( ha ) Af-ingiriiska qudhiisa aragtidan oo kale waan kala kulmaynaa. Tusaale a-haan magaalamadaxda Kanada dad-ka reer Kanada waxay ugu dhawaaqaan ‘Odhowa’. Hase ahaatee kolka la qorayo waa ‘Ottawa’. Ereyada kala ah ‘bottle’, ‘Bottom’ iyo ‘Butter’ waxay ugu dhawaaqaan ‘Bodhol’ , ‘Bodhom’ iyo ‘Badhar’. Sida aan haddaba soo tibaaxay, xasilloonidarradu dhawaaqa oo qudha kuma koobna ee qoridda lafteeda way saamaysaa. Waxa iyana loo baahan yahay in si uun laysku raaco si qoraalku isku mid u noqdo. Tusaale ahaan: Barayaal - Bare-yaal. Addoon - Addoon Addoon(-ka) - Addoon(-ta) Xaddiyo inan bay ummushay. Ereyada shaqalka culus iyo kuwa sha-qalka fudud baa qudhoodu u baahan in qoraalka lagu kala qeexo sida: Dul(-ka) - Dul(-sha) a) Af qoraalka u gaar ah, iyo Waxa haddaba isweydiin leh sida loo xulanayo dhawaaqa la qaadanayo. Qof ahaan waxa aniga ila qumman in laba arrimood mid la yeelo. Waa ta koobaade in la qabto guddi-aqooneed afka aqoontiisa ku talax tagtay kana kooban dhammaan gobollada Af-soomaaliga lagaga hadlo. Guddidaas oo xilkeedu noqon doono inay inoo soo xusho dhawaaqa aan qoraalka u qaadandoonno ayaka oo ka eegaya dhinacyo badan sida: naxwaha, dhaqaalaha, afka quruxdiisa iyo weliba aragtiyo kale oo laga yaabo iney jiraan hayeeshee aanan hadda haabka ku hayn. Waa ta labaade in tirakoob la sameeyo oo dhawaaqa loo bato qoraalka loo qaato iyada oon loo arkayn, kii la doonaba ha la qaatee, in dhawaaqa la qaataa ka wanaag sanyahay kuwa kale een la qaadan. Tusaalooyinka dambe dhawr aqoonyahan baa isku deyey iney wax ka qabtaan. Tusaale ahaan Dr. Yaasiin C. Keenaddiid wuxuu ku adeegsaday buuggiisa la yidhaa Qaamuuska Af-soomaaliga (1976) astaantan soo socota: Dulº (-ka) Dul(-ka) Aniga qudhaydu waxan damcay inaan ku adeegsado buugga la yidhaa Abwaan cusub oo Af-soomaali iyo Af-ingiriisiya (1995) astaan ka geddisan kuwa aan sheegay. Tusaale ahaan: Dul (-ka) Astaamahaasi waxay gaar u yihiin, sida muuqata, ereyada shaqalladoodu culusyihiin iyo kuwa la dhigidda ah oo qudha, kuwaasi oo ayana u baahan in la mideeyo. Kuwa isku dhigidda iyo kala dhihidda ah een soo tilmaamayna waxa habboon oo lagama maarmaan ah in ayana astaamo kuwaa la mid ah ama ka geddisan lagu adeegsado. Tusaale ahaan: Xaddiyo ínan(wiil) bay ummushay. Raadraac Agostini,Francesco, Annarita Puglielli and Ciise Moxamed Siyaad (Eds.) 1985 Dizionario Somalo-Italiano Rome: Cooperazione Italiana allo Sviluppo. Andrzejewski, B. W., The development of a national orthography in Somalia and the modernization of the Somali lang -uage, Horn of Africa ( journal ), Vol.1 No.3, July / September 1987. Cabdiraxmaan C. Faarax "Barwaaqo", Abwaan Cusub oo Af-soomaali iyo Af-ingiriisiya: A Modern Somali-English Dictionary, printed by Ottawa Roman Catholic Separate School Board, 1995. xxix,468 pp. ___Magac Bilaash Uma Baxo: Ujeeddoo yin ka magacyada iyo Naanaysaha Soomaaliyeed, published by the author, Ottawa, September 1998. 1st edition. x, 209pp. Cabdiraxmaan C. Mansuur iyo Axmed Cabdullaahi A., Qaamuus Af Talyaani-Soomaali, Daa bacaaddii Koowaad, 1985. xii,180pp. Cabdiraxmaan Ciise Oomaar iyo Siciid Warsame Xirsi, Af-garad: Qaamuus Ingiriisi-Soomaa -li/English-Somali Dictionary, Mogadisho. D. I. Stepanjenko iyo Maxamed Xaaji Cusmaan, Abwaan Urursan Af-soomaali iyo Ruusha, Ruush iyo Soomaaliya, Moscow, 1969. 319pp. Luling, Virginia, Somali-English Dictionary, Dun woody Press/Wheaton, MD,1987. vi, 605pp. Maxamed Cabdi Maxamed, Eraybixin Soomaali-Faransiis/Lexique Somali-Francis, Besancon, 1987. ix, 128pp. ____Dictionnaire Francis-Somali/Qaamuus Faransiis-Soomaali, 2vol. Paris, 1986. ix, 598pp. Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaa rinta,Eray-bixin, Muqdisho. Waxaa qoraalka soo qaabeeyey Xigasho:SomaliTalk |
||
All
rights © reserved to Somali Education |
||
|
Contact Us: somaliedu@somaliedu.com |