|
. |
||
|
Nin Kenyan ah oo soo doontay gabadha Clinton
Clinton iyo Chelsea Godwin Kipkemoi Chepkurgor oo 36 jir ah ayaa sheegay inuu sugayay muddo 5 sano kadib markii uu warqad u qoray Clinton, warqaddaas oo uu isku barayay Clinton, uguna sheegayay muradakiisa. Chepkuror wuxuu ballanqaaday inuusan guursan doonin illaa uu ka helo jawaab. "Waan sugayaa intii karaankeyga ah" ayuu yiri Cheprkurgor, oo ah xubin ka tirsan dowladda hoose ee degmada Nakuru ee gobolka Rift Valley ee dalka Kenya. Dadaali Chepkurgor uu ku doonayay inuu codsigiisa ku gaarsiiyo Clinton sanadkii 2000 isagoo markaasi Clinton uu booqanayay dalka Uganda ayaa waxaa horjoogsaday Wasaaradda arrimaha dibedda iyo ammaanka qaranka ee dalka Kenya oo diiday inay Clinton u gudbiyaan warqaddaas isbarashada ah ee ka timid Godwin Kipkemoi Chepkurgor. Chepkurgor oo bartay electrical engineering waxa uu ballanqaaday inuu yarad ahaan u bixinayo 20 neef oo lo' ah iyo 40 neef oo ari ah, taasoo uu sheegay inay waafaqsan tahay dhaqanka Afrikaanka. "In badan ayaan warbaahinta kala socday qoyska Clinton, waxaana aad ii soo jiitay dhaqankooda kiristaanka ku saleysan" ayuu yiri Chepkurgor oo u warramay AFP. "Way fiicnaan lahayd haddaan heli lahaa fursad aan ugu sheego jacaylka aan u hayo gabadhiisa. Waa jacaylkeygii dhabta ee ugu horreeyay, welina waan jecelahay." "Waalidkey diyaar bay u yihiin inay i taageeraan maxaa yeelay waxay ogaadeen siday dhab iiga tahay inaan guursado" ayuu yiri. Sida muuqata Chepkurgor lama uusan kulmin Clinton markii uu bishii July 2005 booqday Kenya, waxaana macquul ah in Chepkurgor uu markan aqbalo inuu noolaado Chelsea la'aanteed!!. Xigasho: AFP |
||
All
rights © reserved to Somali Education |
||
|
Contact Us: somaliedu@somaliedu.com |