.
 

Hadduuba kuleyl u billowday!!

Nin Soomaaliyeed ayaa maalin maalmaha ka mid ah soo xaadiray guri ay ka socoto tacsi, oo xoolo badana lagu qalay. Dadkii adeegayay qaar ka mid ah ayaa mar walba u yeerayay hadba wixii masaakiin ah jidka maraya. Dadkaasi loo yeeray waxaa ka mid ah nin miskiin ah oo markii horeba wax-doon ahaa.

Nasiibdarro wuxuu yimid xilli uu raashiinkii gabaabsi yahay. Nin ka mid ah dadkii adeegayay ayaa intuu daf yiri isugu soo jafjafay raashiin haraa ah oo lagu soo reebay suxuunta. Raashiinkaas la soo reebay waxaa ku darsanaa yaanyo iyo basbaas badan oo ay ku darsadeen dadkii soo reebay. Hase yeeshee ninkii loo keenay waa u suurtoobi weysay inuu si saani ah u cuno. Waxaase waxaasoo dhan kaga darneyd baahida haysay oo neef geel ah dili kartay. Markaasaa markuu in yar qaataba uu biyo ka daba waday.

Ninkii markuu raashiinkii dhameystay ayaa reerkii tacsida ay u talalay waxay ninkii ku yirahadeen “Sheekhow bal u ducee marxuumka in Ilaahay qabriga qabow uga dhigo, cadaabta naartana uu ka koriyo”. Ninkii oo laabta (xabadka) gacanta ku haysta kuleylka basbaaska ku tagay awgiis ayaa yiri “Qabow aaa…..ma kuleylkaad I geliseen baa qabow lagu beddeli karaa. hadduuba kuleyl u billowday!!”

 

All rights © reserved to Somali Education
Contact Us: somaliedu@somaliedu.com