.
 

Libaax Nimaan Aqoonin baa lax ka rita

Kol baa waxaa la yidhi, Cigaal Shiidaad wuxuu lahaa adhi fara badan markaa maalinbuu arigii raacay ,kol qorax gaabadkii ah ayuu arigii u soo jeediyey xagii gurigga, meel dhexe isagoo soo wada arigii ayuu Bahal Libaax dadqaad ah dhexda kaga soo dhacay arigiina kala yaaciyey Lax aad u cayillan ayuu dusha kaga dhacay, Cigaal markuu arkay in waxa arigii kala didiyey uu Libaax yahay maba si daahine caguhuu dhulka ka qaaday wuxuu ordaba meel tuulada u dhaweyd ayuu u fadhiistay kuna sugay.
Arigii intiisii kale ayuuna soo hoyey, dadkii tuulada markey arken arigii oo dhaga taagaya iyo cigaal oo fiigsan ayey ku soo yaaceen waxaana la weydiiyey waxa qabsaday, Cigaal baa yidhi libaax baa dhexda nagu helay oo lax buu naga soo reebtay , raggii baa intey ku yara caroodeen hadalkiisa ku yiraahdeen waar wax baqtiyey baad tahaye maxaad libaaxa laxda uga ridi weydey . cigaal oo is difaacaya baa yidhi war miyeydaan maqlina maahmaahda soomaaliyeed ee oraneysa "Libaax Nimaan Aqoonin baa lax ka rita" marka anu Libaax aqoon fiican baan u leeyahay oo kama ridi kareyn!.

WD. M. Busuri
Xigasho: somalipress.com

All rights © reserved to Somali Education
Contact Us: somaliedu@somaliedu.com