.
 

ALBAABKA SOO XIR

Maalinbaa waxaa isguursaay labo nacas habeen kii aqal galkoodu ahaa ayuu yiri ninkii naa orodoo albaabka soo xir, markaasey tiri adigu maad soo xirtid. Markii ay cabaar isku celceliyeen baa ninkii waxuu yiri anigaa figrad haya !. Waxay gabdhii tiri soodaa figradda aad haayso.
Markaasuu waxuu yiri labadeena qofkii hadla baa soo xiraaya albaabka. Markaasey tiri waayahay. Intii ay aamusnaayeen oo ay isla fadhiyeen ayaa waxaa u soo dhacay tuug. Tuugii ayaa arkay inuusan jirin wax la hadlayo. Markaasuu bilaabay in uu alaabtii wada gurto.
Markii uu waagii baryay baa waxaa u yimid dadkii markaas baa waxa la waydiiyay waxa alaabtii gurtay. Caruusadii baa hadashy oo waxay tiri tuug baa gurtay. Dadkii waxay yiraahdeen oo ma ujeeday. Waxay tiri haa ,aniga iyo ninkeygaba waan uwada jeednay. Markaas ayuu ninkii intuu soo booday yiri adigaa hor hadlay caawana adigaa albaabka xiraaya.
Dadkii intey qosleen bay yiraahdeen naga keena waa labo nacasee

W/D Mohamed Busuri,
Email: mbusuri@hotmail.com
Xigasho: SomaliPress.com

All rights © reserved to Somali Education
Contact Us: somaliedu@somaliedu.com