|
. |
||
|
Dalka Ingiriiska iyo Qishka loo adeegsado taleefoonada gacanta
Arrintan ayaa ka dhigeysa in falalka sharcidarrada ah ee imtixaannada ee taleefoonada gacanta loo adeegsado inay korortay 15.7% sanadkii 2004, marka la barbardhigo kii 2003dii. Ka sokow ardeydaimtixaannada laga mamnuucay waxaa iyana jira kuwo kale oo baritaan lagu sameeyay kadib markii laga shakiyay inay qish sameynayeen. SMS Arrinta oo ay u muuqata mid walaac ku haysa xafiisyada imtixaanaadka ee dalka Ingiriiska ayaa waxa ay haatan ka shaqeynayaan sidii ay u soo saari lahaayeen siyaasado ka dhan ah qisha ardeydu u adeegsadaan taleefoonnada gacanta. Dadka ka faallooda arrimaha waxbarashada ayaa sheegaya in dhacdooyinka cusub ay muujinayaan qaababka cusub ee ay ardeydu wax ku qishi karaan, haddii aanan si aad loo mamnuucin in ardeydu imtixaanka la yimaadaan taleefoonnada gacanta amaba ay ku adeegsadaan inta imtixaanku socdaan Xigasho: BBCnews.com |
||
All
rights © reserved to Somali Education |
||
|
Contact Us: somaliedu@somaliedu.com |