Khatarta
darawallada mobile-ka ku hadla
Dadka ku hadlaya taleefoonada mobileka iyagoo baabuur wada ayaa la sheegay
inay afar-jibaar halis u yihiin inay shil galaan marka la barbardhigo
dadka aan mobile-ka ku hadlin marka ay baabuurta wadaan.
Darasaddan oo ay dhowaan soo saartay University of Sydney ayaa lagu
sameeyay illaa 400 oo qof oo uu dhaawac ka soo gaaray shil baabuur.
Waxay daraasaddu xustay in darawallada mobile-ka ku hadlaya iyagoo mobile-ka
gacanta ku haysta ay khatar ugu jiraan inay shil galaan 5 jibaar darawalka
aan mobile-ka ku hadlin, halka darawallada mobile-ka ku hadla iyagoo
adeegsanaya fiilo dhagta ugu jirta ay iyaguna 4-jibaar khatar ugu jiraan
inay shil baabuur galaan marka la barbardhigo kuwa aan mobile-ka ku
hadlin. Darasaaddan ayaa meesha ka saartay aragtidii laga qabay in fiilooyinka
dhagaha la gashto ay yareeyaan khatarta darawalladu ugu jiraan inay
shil galaan.
Dalal badan oo dunida ka mid ah ayaa mamnuucay in dadku marka ay baabuurta
wadayaan aysan ku hadlin mobile iyagoo gacanta ku xajisanaya. Dalalkaas
waxaa ka mid ah Germany, Australia, Imaaraadka, iwm, balse daraasaddan
oo lagu daabacay British Medical Journal waxay soo jeedineysaa in mamnuuciddan
la weyneeyo. “daraasaddu waxay sheegtay in mobile-da oo aan gacanta
laguq absan inay fiican tahay, laakiin taas kaliya meesha kama saari
karto in shil dhaco” sidaasi waxaa yiri Professor Mark Stevenson
oo wax ka qoray daraasaddan.
“Dhambaalka
ugu muhiimsan ee ay darasaddan soo jeedineyso waa in la joojiya in taleefoon
lagu hadlo noocuu doonaba ha ahaadee marka qofku babauur wadayo. Taas
ayaa ah waxa yareyn kara khatarta” ayuu sii raaciyay Stevenson.
Daraasaddan waxaa si gaar ah loogu eegay taleefoonada lagu hadlo iyo
dhambaalada qoraalka e mobile-ka lagu qoro (text messages)
daraasaddan
ayaa lagu sameeyay 400 darawal, waxaana lagu sameeyay qeybta gargaarka
degdegga ah ee isbitaallada Gobolka Galbeedka Australiya Dr Suzanne
McEvoy, oo wax ka diyaarisay darasaaddan ayaa sheegtay in dadkii ay
wareysteen in ka badan nuskood ay adeegsanayeen mobile aysan gacanta
ku wadanin (hands-free)
Xigasho: Reuters