.
 

Taleefoonnada gacanta oo waxyeelleeya unugyada jirka


Decmeber 2004
Fallaaraha shucaaca loo yaqaano (Radiowaves) ee ka soo baxa taleefoonnada gacanta lagu qaato (mobile phones) ayaa la sheegay inay waxyeelleeyaan unugyada jirka, isla markaana ay dhaawacaan DNA-da, sidaasi waxaa xajiiyay daraasad lagu sameeyay sheybaar. Hase yeeshee, daraasad uu maal-geliyay Midowga Yurub ayaanan shaaca ka qaadin in isbeddelkaas uu halis ku yahay caafimaadka aadanaha.

Synisyahannada ka dambeeya daraasaddan ayaa sheegay in howl badan loo baahan yahay si loo arko saameynta dhabta ah ee taleefoonnadu ay ku leeyihiin caafimaadka. Hase yeeshee Guddiga ka hortagga Shucaaca radiological-ka ee dalka Ingiriiska (UK National Radiological Protection Board) ayaa sheegay in dadku aysan ka walwalin natiijada ka soo baxday daraasaddan.

In ka badan 1.5 billion qof oo ku nool dafaaha dunida ayaa haatan adeegsata taleefoonnada gacanta, waxaana isa soo taraya doodda ku saabsan khatarta ku dahsoon isticmaalka mobile-ka. Sanadkii 2000 ayaa dowladda Ingiriisku ay guddi u saartay sidii ay u soo xaqiijin lahaayeen khatarta taleefoonnadda gacantu leeyihiin, waxayna sheegeen inaysan jirin caddeyn muujineysa khatarta taleefoonnada gacanta. Hase yeeshee waxay ku taliyeen inaanay carruurtu adeegsan illaa markay xaalad deg deg ah jirto maahee.

Darasaadaha noocan oo kale ayaa saameyn toos ah ku yeelanaya shirkadaha ka ganacsada soo-saarista madaxyada taleefoonada gacanta iyo kuwa qeybiya adeegga isgaarsiineedba.

Daraasaddan cusub ee haatan soo baxday ayaa xoogga saartay inay baarto saameynta radiation-ku uu ku leeyhay unugyada biniaadamka iyo xayawaanka. Waxaa daraasaddani lagu ogaaday in kadib marka in mudo ah ay unugyadu lagu soo jeediyo electromagnetic fields, inay kordhaan dhaawaca gaaraya DNA-da, taasoo unugyadu aysan ka soo kabsiin karin. Hase yeeshee daraasaddani oo aan weli la daabicin, waxay u baahan tahay in mar 2aad lagu celiyo si loo ogaado in natiijadii hore oo kale ay soo baxayso (replication).

Mr. Franz Adlkofer, oo hoggaminayay daraasaddan oo la magacbaxday "Reflex study" ayaa yiri "dadkuw aa inay adeegsadaan taleefoonnada soo mara khadadka dhulka (landlines), halkii ay ka adeegsan lahaayeen mobile-ada mar kasta oo ay suurto gal tahay". "Maaha inaanu cabsi abuureyno ee waxaa habboon in la digtoonaado" ayuu intaasi sii raaciyay.

Xigasho: www.bbcnews.com

All rights © reserved to Somali Education
Contact Us: somaliedu@somaliedu.com