Dhibaatooyinka haysta ardeyda
Soomaaliya ee wax ku barata dibedaha
Qeybtii 1aad
Waa barnaamij aan kui indheenayo
mushiladaha ardayda somaliyeed ee waxkabarata jaamacado kuyaala
daafaha caalamka ,runtii markii ay meesha kabaxday dowladdii
somaliyeed waxaa si xowli ah u'haajiray cuquushii somaliya kuwii
ugu firfircoonaa waxaana jirta inyar in ay waxbrasho kusoobaxday
inbadanna ay naflacarari kusoobaxeen ,waxaana jirta in ardayda
somaliyeed ey kuhayaameen meelo kaladuwan oo caalamka kamid ah
si loohelo waxbrasho ,waxaana jirta in qurbuhu uu leeyahay
xanuuno farobadan iyo mashaakilo aan hal iyo labo aheen si aan
waxa uga fahanno taas ayana barnaamijkaan ugu khaas yeelnay waxaana
kamid ah
1- muskilad layiraahdo buufis
qeexiddiisa Buufis --- marka ay
kaa jajabsan tahay ama aad murugeysan tahay --- waa dareen qof
kasta saameyn karta. Waana caadi iney qeyb ka ahaato caadifada
kala duwan ee dadka soo mara. Waana caadifo ama dareen faaiido
leh. Waxeyn toban-jirka garansiisaa mushkilooyinka iyo sida
dhibaatooyinka loo qaabili lahaa. Hadii murugada buufiska ay
tagi weyso ama caqabad ay ku noqoto hawl maalmeedka, markaa
waxaa qasab ah in buufiska la ogaado lana daaweeyo. Marka
barbarka dareenkiisa uu qaso wax qabadkiisa, waxey taa
tilmaameysaa in caadifad ahaan uu si daran u jaha wareersan
yahay. Calaamadaha Buufisku leeyahay
waa mushkilad soo waajahday
ardayda somaliyeed waliba kuwa wxkabranaya dalalka soogoraya
sida asia iyo afrika marka ardaydu waxa ay kuriyoonayaa qarkooda
sidii ay wax uga baranlahaayeen dalalka hor-umarka heesta oo
kale sida u.s.a iyo yurubtakale .marka waa mushkilad ubaahan in
laddeewayo .ardayduna ay ku qancaan waxa ilaah siiyay oo ah in
ay waxbartaan xilii ay kuwii ladhashay aysan waxbarasho heesan
waana in ay lasocdaan waxbrashadu in aysan qabiil ama mujtamac
ama dowladda sikhaas ah uleh ee dareenka dhalinyarada dalkiisa
iyo aqoontooda oo horumarsan aya lagu helikaraa
2. Ku-mashquulid Internet chatting
Waxay ardeydu ku mashquulaan
paltalk iyo MSN ama Yahoo massenger. Waxa ay siiyaan waqtiyo
qaali ah ,waxeena xiiseeyaan sidii ay uwada hadli lahaayeen
qarabadooda ama asxbaatooda ,qaarna waxa ay kudhameeyaan
waqtiyada qaaliga ah barashada gabdho ay isleeyihiin xiriir
wacan layeesha ,mana fiican in arday uu kulumiyo sidaas time
badan oo uu kubixikaro daalacashada kitaabada ama duruusta
loogaabahanyahay .
3mushkiladda sadaxaad waxa ay
ardayda kacabanayaa in aysan jirin heyado ama safarad lasocota
umuurahooda halka ardayda kale ee waxlabartaan ay leeyihiin
munadamaad kawalwala umuurahooda waxna kaqabta cabashadooda .sida
baasaboorka iyo umuuro kale oo muhiim ah
4mushkilada 4aad waa in aysan
jirin cid kabixineesa lacagta lagu bixyo shahaadada sare sida
diyaarinta masatrereedka taasoo sababikarta in ardaydu ay
kaniyadjabaan waxbrashada in ay siiwadaan ilaa heer sare sida p/hd
iyo waxlamid ah .
5mushkiladda ugu mushkilado badan
waa tan qabiilka waayo ardaydu waxaa laga rabay in ay udhaqmaan
sidii in ay yihiin aqoonyahadii dalku uu lahaa ee mustaqblaka
lafilanayay ,taas ma aysan dhicin ee waxaa dhacday in ay
labaxaan urur kusaleesan gobaleesi iyo famil xitaa meelaha qaar
waxaa dhacday in lagudoorto ra'isul dalabaha hanaan qabiila ama
mabda' sidaas oo kale ah ayna sii casriyeyeen qabiilkii xummaa
ee dlaka iyo dadka dumiyay oo intii ardaydu ay kumidoobilaheed
hanaan wanagsan oo dalka iyo dadka uwacan ayaa waxa dhacday in
ay iskusaacidaan ama ay isku isbahestaan qabiilkaas ,,waxana
fiican in mushkiladaha oo dhan laxaliyo tan waatan ugu khadarta
badan ee ay kacabanayaan ardayda waxaana fiican in la illowbo oo
la aaso qabiilka waayo tacliinta labaranayo mana fareeso sidaas
..
Waa ay socotaa .
Waxaa Qoray:

Xasan M. Maxamuud Samatar (Albasri)