Cilmiga beeraha iyo
saameynta uu ku yeelan karo horumarka dhaqaalaha iyo
siyaasadda Soomaaliya
Kadib markii
ay dhacday dowladdii Soomaaliya 1991 ayaa waxaa burbur baani
uu ku yimid dhammaan hey'adihii horumarinta iyo kobcinta
dhaqaalaha waddanka oo ay ka mid aheyd wasaaraddii beeraha ,
iyadoo uu kala go' ku yimid xiriirkii Soomaaliya kala
dhaxeeyay caalamka ,kala go'aas ayaa waxa uu sababay iney
Soomaaliya soo wajahdo musiibo dhaqaale ayadoo midaasi ay
wehelineysay jiritaan la'aanta nidaam lagu mideysan yahay oo u
adeega shacabka iyo dagaallo isdaba joog ah.
Wasaaradda beeraha ayaa qeyb weyn ka qaadan jirtay dheelli
tiridda dhaqaalaha dalka maadaama ay Soomaaliya dhaqaale ahaan
udub dhexaad u yihiin beeraha iyo xoolaha.
Kulliyaddii cilmiga beeraha ayaa soo saari jirtay aqoonyahanno
takhasuskoodu yahay qeybaha kala duwan ee cilmiga beeraha si
ay uga qeyb qaataan howlaha qaran oo ay wasaaraddu fulineyso
oo aan looga maarmin aqoonyahanno beereed.
14-sano ayeysan nidaamyadii waxbarashada sare ee Soomaaliya
fursad u helin soo saaridda aqoonyahanno ka qeyb qaata
horumarinta dalka .
Si kastaba ha ahaatee dad ayagu iskood isu xilqaamay ayaa
dibadda dalka wax ka barta amaba ka bartay haba iska yaraato
tiradooda, ayadoo waddammada ay Soomaalidu wax ka barato ka
mid tahay Sudan.
Sanad waliba deeqda waxbarasho ay dowladda Sudan siiso ardayda
Soomaalida ayaa waxa ka mid ah kuraas ah kulliyadda cilmiga
beeraha oo ku kala qeybsan jaamacadaha dalka Sudan haba ug
badnaadaan jaamacadaha ayagu caanka ku ah cilmigaas sida
Gezira iyo Sudan.
Haddaba ,waxaa nasiib darro ah isla markaana igu dhaliyey
inaan mowduucaan kusoo bandhigo website-kan ineysan ardayda
hesha deeqdaas ka faa'iideysan amaba qasaariyaan kuraasta ay
dowladdu u qoondeysay taasi oo sabab muuqata looga dhigi karo
mafhuumka qaldan oo ay ka heystaan ardayda Soomaalida
barashada" Agricultural Sciences".
Run ahaantii culuumta laga gaabiyey barashadooda oo ah cilmiga
beeraha iyo waliba xoolaha ayaa waxa ay yihiin labada caamil
oo xoojin kara dhaqaalaha Soomaaliya kuna tiigsan karto
caalamka horumaray haddii ay degto siyaasadda waddanka ayadoo
la dhihi karo horumarka dhaqaalaha waddanka waxa uu saameyn
suuban ku yeelan karaa siyaasadda dalka.
Haddii aan is barbar dhigno baahida uu waddanku u qabo amaba u
qabi karo haddii ay howl galaan hey'adaha dowladda ee ku
shaqada leh majaalka beeraha iyo xoolaha aqoonyahanno iyo
ardayda hadda barata amaba ka qalin jebisay culuumtan ayaa
waxaan dareemi karnaa in aysan baahidu sideeda iska beddelin.
Haddaba , si looga hortago mixnaddan uu asalkeedu yahay
aragtida qaldan ee ardayda ee ku wajahan culuumtan ayaa waxa
ila haboon in lagu dhaqaaqo tallabooyinkan :
1-iney macallimiinta Soomaaliyeed ee dugsiyada dhexe/sare ka
qeyb qaataan dareensiinta ardayda muhiimadda culuumtan ay u
leeyihiin horumarka dhaqaaleed iyo waliba siyaasadeed ee dalka
, kuna dhiirigeliyaan barashadooda .
2-ardayda hadda barata culuumtan meel walba oo ay joogaan iney
sameystaan nidaam ay ku mideysan yihiin oo ay ku awoodi karaan
ku qancinta walaalahood sida isdaba jooga ah u dayacaya
fursadaha waxbarasho oo ay ugu deeqaan dowladaha ay joogaan
taasoo sababi karta iney yaraato kalsoonida lagu siinayo
ardayga Soomaaliyeed deeq waxbarasho, taasoo guud ahaan
saameyn xun ku yeelan karta horumarka waxbarasho ee Soomaaliya.
3-in aqoonyahannada ka qalin jebiyey culuumtan ay ayaguna ka
qeyb qaataan xallinta mushkiladdan.
4-ururrada ardayda Soomaaliyeed ee ka shaqeeya dibadda ayaa
iyaguna qeyb libaax ka qaadan kara beddelidda aragtidan.
Ugu dambeyn waxaan halkan uga mahad celinayaa walaalaha web-ka
Somalieducation , oo isku taxallujiya baahinta afkaaraha
cilmiyeed.
Waxaa kaloo mahad celin mudan odayga ardayda Soomaaliyeed ee
gobolka Jaziira Dr. Maxammad Muumin Cusmaan iyo saaxibkey
Cabdimuncim Axmad Maxammad, oo ayagu qeyb weyn ka qaatay soo
habeynta mowduucan.

Maxamed-Qadar Cabdi Maxamed (Afgooye).
Agricultural sciences.
Gezira university.
|