Jaamacadaha Dalka

Amoud University

Alfurqan University

Benadir University

Burao University

East Africa University

Hamar University

Hargeisa University

Hiran University

Indian Ocean University

Islamic University

Kismayo University

Mogadishu University

Puntland State University

Somalia University

Taibah University

SIMAD Institute

SOHDEC Institute

 
 
 
 
 
 

Jaamacadaha aan website-yada lahaynwaxaa loogu bishaareynaa in qiimo jaban loogu sameyn doono website dhameystiran. Nala soo xiriir.

Somali Education

Miyaan la tebin gabdhihii Soomaaliya?!

Markii qurbaha la yimid, ee misana meeshu Aasiya tahay, wuxuu qof walba dib u soo xusuustay waayihiisii uu Soomaaliya ku soo qaatay. Marka ardeyda Soomaaliyeed ay cagaha soo dhigaan arlada Pakistan waxaa ka hortimaadda arrin intooda badan ku cusub, waana inay isku tashtaan. Halkan ma joogto hooyo, eeddo, habaryar, xaaskaaga, ama walaashaa oo kuu soo adeegta: waa wax walba adigu qabso, ama nolosha ku dhimo.

Malaha waxyaabaha ugu horreeya ee ardeygu ku qasbanaado inuu sameeyo waa siduu cuntada uu cuno uu u sameysan lahaa. Way dhacdaa in malmaha hore wax laga baro qofka cusub ee yimaada sida cuntada loo sameysto; hase yeeshee muddo kadib waxaa looga fadhiyaa inuu kaligiis isdebero, hadday suurto geli weyso inay cunto-kariye helaan. Marka kushiinka la galo, ee kuleylka kushiinka ka jira awgiis aad dhididka dhan walba u seyrto, ama suugadu kaa hallowdo, baastadu kaa dab-dhacdo, aad cusbada ku badiso ama ku yareyso, misana cuntadii aad soo karisay aad u weyso xiiso aad ku cunto qiiqii kugu baxay awgiis, ayaa la soo xusuustaa wixii ay gabdhuhu hayeen. Dadka qaar baa markaasi ka sheekeeya kibirkoodii markay Soomaaliya joogeen; sida in gabar walaashood ah oo ay u badan tahay inay da’ ahaan ka yar tahay ay ku canaantaan cunto wax ka yara si noqdeen, amaba ka soo dib dhacday xilligeedii, iyadoo dabka wax lagu karinayo yahay qoryo ama dhuxul xaalkeedu alle ogyahay.

Si kastoo raggu u bartaan cunto-karinta, waxay haddaa intooda badan isku raacsan yihiin in cuntada ay kariyaan aysan gaari karin tii ugu xumeyd ee ay kariyeen gabdhaha Soomaaliya.

Intaas kaliya kuma eka. Marka dharku wasaqoobo ee loo baahdo dhaqid, waxaa dhici karta in ardeygu dhaqaale ahaan awoodi karin, amaba uusan caafimaad ahaan ku qanacsaneyn inuu geysto doobiga (labandaaya). Markaasi waxaa lagama-maarmaan ah inuu isagu dhaqdo. Marka dharku muddo is-gaargaaro ee laga yaabo inay kuwo culculus sida go’yaal ku jiraan, waxay ardeydu kala kulmaan culeys, iyadoo weliba la adeegsanyo makiinadda wax lagu dhaqo. Feereynta (kaawiyadeyn) ayaa iyadana culeyskeeda la timaadda. Markaasi waxaa la soo xusuusta gabdhihii lagula dagaalami jiray inay dharka xoog kugu dhaqaan, iskaba daa inaad u keensatee aad jeclaan jirtay inay iyagu is gartaan oo katabaanka ka soo dajiyaan. Ardey dhowaan Soomaaliya ka yimid ayaa igu yiri: “waxaan xaaskeyga u duceeyaa marka aan dharka dhaqayo, gaar ahaan go’yaasha laba-nafarka ah oo gureigeyga toddobaadkiiba 2-3 goor la beddeli jiray. Waxaana u garaabaa culeyska ay gabdhuhu hayaan”

Ragga xaasaska leh ayay u dheer tahay xusuus kale. Qaar baa ku cataaba “ismaanan lahayn shaqadan oo kale baa kuu dambeysa”. Hase yeeshee markaad si hoose ula sii sheekeysato waxay qiranayaan inay ka gaabiyeen mas’uuliyad saarneyd, ayna aqoondarro ahayd sidii ay xaasaskooda ula dhaqmi jireen. Waxaa ka mid ah dhaliilaha ay qiranayaan inaysan xaasaskooda waxba kala qaban jirin howsha guriga si kastoo xooggooda loogu baahan yahay.

Tiro ahaan ma yara inta aad Pakistan ku arkeyso hormuudka kulliyadda oo dukaan, miis, foorno, iwm wax ka iibinaya, intaasina ceeb looma arko. Hase yeeshee ragga xaasaska leh waxay soo xusuustaan sidii ay uga xishoon jireen inay suuqa ka soo adeegaan; xitaa waxyaabaha muhiimka ah.

Waxay kaloo ardeyda xaasaska leh ka qoomameeyaan sidii ay xaasaskooda iyo carruurtooda ula dhaqmi jireen. Marka ay arkaan aabe Pakistani ah oo inta carruurtiisi soo kaxeeyay u soo waday meel jirdiino ah oo lagu nasto, amaba canug xambaarsan ee isbitaal u wado, xaaskiina ay barbar socoto, waxay ka sheekeeyaan in mar kaleba daaye, ay xitaa marka ilmo xanuunsado ay u soo dhiibi jireen xaaska, iyagoo kooda ugu fiican uu ku leeyahay “isugu kaaya keen isbitaalka xilligaas”.

Sidaasoy tahay, ragga qaarkood waxay ka sheegtaan in dhibaatooyinka ragga Soomaalidu kula dhaqmaan xaasaskooda inay haweenku qeyb ka yihiin; sida marnaba inaysan kuu oggoleyn inaad suuqa uga soo adeegto amaba aad cunto u soo kariso. Marka xaqiiqda loo hadlona, maaha inay diidayaan inay howshaas mar un ka nastaan ee waa iyadoo bulshadu ay ku caayeyso, arrintaasna ay dib ugu soo noqoneyso, iyo iyadoo aan horay loo arag rag howlo noocaas ah qabanaya.

Si kastoy ahaataba waxaa hubaal ah in ardeyda Soomaaliyeed ee qurabaha wax ku barta ay tabaan kaalintii ay hooyo, ayeeyo, habaryar, eeddo, walaal, xaas iyo inta magic xaawoley sheegata ay ugu jireen. Hase yeeshee, su’aasha taagani waxay tahay cid kaleba ha joogtee, ragga qurbaha yimid ma qaadan doonaan dhaqanka wanaagsan ee ay ku arkeen ummadda ay la nool yihiin ee Pakistan, mise markay dalkii ku noqdaan waxay meeshooda ka sii miisi doonaan dhaqankii ay ku soo barbaareen ee ay Soomaalidu caanka ku tahay??!.

WQ. Axmed Ugaas
Tifaftiraha
Somaliedu.com

 Warbixino muhiim ah

Sidee wax looga baran karaa dalka Suudaan? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Malaysiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Pakistan? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Masar? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Hindiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Urdun? (akhri)

 

Sidee wax looga baran karaa dalka Yemen? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Uganda? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Ruushka? (akhri)
 
Sidee wax looga baran karaa dalka Shiinaha? (akhri)
 

Contact: somaliedu@yahoo.com
Designed & Hosted by AfroTech