Miyaan la tebin gabdhihii Soomaaliya?!
Markii qurbaha la yimid, ee
misana meeshu Aasiya tahay, wuxuu qof walba dib u soo
xusuustay waayihiisii uu Soomaaliya ku soo qaatay. Marka
ardeyda Soomaaliyeed ay cagaha soo dhigaan arlada Pakistan
waxaa ka hortimaadda arrin intooda badan ku cusub, waana inay
isku tashtaan. Halkan ma joogto hooyo, eeddo, habaryar,
xaaskaaga, ama walaashaa oo kuu soo adeegta: waa wax walba
adigu qabso, ama nolosha ku dhimo.
Malaha waxyaabaha ugu
horreeya ee ardeygu ku qasbanaado inuu sameeyo waa siduu
cuntada uu cuno uu u sameysan lahaa. Way dhacdaa in malmaha
hore wax laga baro qofka cusub ee yimaada sida cuntada loo
sameysto; hase yeeshee muddo kadib waxaa looga fadhiyaa inuu
kaligiis isdebero, hadday suurto geli weyso inay cunto-kariye
helaan. Marka kushiinka la galo, ee kuleylka kushiinka ka jira
awgiis aad dhididka dhan walba u seyrto, ama suugadu kaa
hallowdo, baastadu kaa dab-dhacdo, aad cusbada ku badiso ama
ku yareyso, misana cuntadii aad soo karisay aad u weyso xiiso
aad ku cunto qiiqii kugu baxay awgiis, ayaa la soo xusuustaa
wixii ay gabdhuhu hayeen. Dadka qaar baa markaasi ka sheekeeya
kibirkoodii markay Soomaaliya joogeen; sida in gabar
walaashood ah oo ay u badan tahay inay da’ ahaan ka yar tahay
ay ku canaantaan cunto wax ka yara si noqdeen, amaba ka soo
dib dhacday xilligeedii, iyadoo dabka wax lagu karinayo yahay
qoryo ama dhuxul xaalkeedu alle ogyahay.
Si kastoo raggu u bartaan
cunto-karinta, waxay haddaa intooda badan isku raacsan yihiin
in cuntada ay kariyaan aysan gaari karin tii ugu xumeyd ee ay
kariyeen gabdhaha Soomaaliya.
Intaas kaliya kuma eka.
Marka dharku wasaqoobo ee loo baahdo dhaqid, waxaa dhici karta
in ardeygu dhaqaale ahaan awoodi karin, amaba uusan caafimaad
ahaan ku qanacsaneyn inuu geysto doobiga (labandaaya).
Markaasi waxaa lagama-maarmaan ah inuu isagu dhaqdo. Marka
dharku muddo is-gaargaaro ee laga yaabo inay kuwo culculus
sida go’yaal ku jiraan, waxay ardeydu kala kulmaan culeys,
iyadoo weliba la adeegsanyo makiinadda wax lagu dhaqo.
Feereynta (kaawiyadeyn) ayaa iyadana culeyskeeda la timaadda.
Markaasi waxaa la soo xusuusta gabdhihii lagula dagaalami
jiray inay dharka xoog kugu dhaqaan, iskaba daa inaad u
keensatee aad jeclaan jirtay inay iyagu is gartaan oo
katabaanka ka soo dajiyaan. Ardey dhowaan Soomaaliya ka yimid
ayaa igu yiri: “waxaan xaaskeyga u duceeyaa marka aan dharka
dhaqayo, gaar ahaan go’yaasha laba-nafarka ah oo gureigeyga
toddobaadkiiba 2-3 goor la beddeli jiray. Waxaana u garaabaa
culeyska ay gabdhuhu hayaan”
Ragga xaasaska leh ayay u
dheer tahay xusuus kale. Qaar baa ku cataaba “ismaanan lahayn
shaqadan oo kale baa kuu dambeysa”. Hase yeeshee markaad si
hoose ula sii sheekeysato waxay qiranayaan inay ka gaabiyeen
mas’uuliyad saarneyd, ayna aqoondarro ahayd sidii ay
xaasaskooda ula dhaqmi jireen. Waxaa ka mid ah dhaliilaha ay
qiranayaan inaysan xaasaskooda waxba kala qaban jirin howsha
guriga si kastoo xooggooda loogu baahan yahay.
Tiro ahaan ma yara inta aad
Pakistan ku arkeyso hormuudka kulliyadda oo dukaan, miis,
foorno, iwm wax ka iibinaya, intaasina ceeb looma arko. Hase
yeeshee ragga xaasaska leh waxay soo xusuustaan sidii ay uga
xishoon jireen inay suuqa ka soo adeegaan; xitaa waxyaabaha
muhiimka ah.
Waxay kaloo ardeyda xaasaska
leh ka qoomameeyaan sidii ay xaasaskooda iyo carruurtooda ula
dhaqmi jireen. Marka ay arkaan aabe Pakistani ah oo inta
carruurtiisi soo kaxeeyay u soo waday meel jirdiino ah oo lagu
nasto, amaba canug xambaarsan ee isbitaal u wado, xaaskiina ay
barbar socoto, waxay ka sheekeeyaan in mar kaleba daaye, ay
xitaa marka ilmo xanuunsado ay u soo dhiibi jireen xaaska,
iyagoo kooda ugu fiican uu ku leeyahay “isugu kaaya keen
isbitaalka xilligaas”.
Sidaasoy tahay, ragga
qaarkood waxay ka sheegtaan in dhibaatooyinka ragga Soomaalidu
kula dhaqmaan xaasaskooda inay haweenku qeyb ka yihiin; sida
marnaba inaysan kuu oggoleyn inaad suuqa uga soo adeegto amaba
aad cunto u soo kariso. Marka xaqiiqda loo hadlona, maaha inay
diidayaan inay howshaas mar un ka nastaan ee waa iyadoo
bulshadu ay ku caayeyso, arrintaasna ay dib ugu soo noqoneyso,
iyo iyadoo aan horay loo arag rag howlo noocaas ah qabanaya.
Si kastoy ahaataba waxaa
hubaal ah in ardeyda Soomaaliyeed ee qurabaha wax ku barta ay
tabaan kaalintii ay hooyo, ayeeyo, habaryar, eeddo, walaal,
xaas iyo inta magic xaawoley sheegata ay ugu jireen. Hase
yeeshee, su’aasha taagani waxay tahay cid kaleba ha joogtee,
ragga qurbaha yimid ma qaadan doonaan dhaqanka wanaagsan ee ay
ku arkeen ummadda ay la nool yihiin ee Pakistan, mise markay
dalkii ku noqdaan waxay meeshooda ka sii miisi doonaan
dhaqankii ay ku soo barbaareen ee ay Soomaalidu caanka ku
tahay??!.
WQ. Axmed Ugaas
Tifaftiraha
Somaliedu.com