Jaamacadaha Dalka

Amoud University

Alfurqan University

Benadir University

Burao University

East Africa University

Hamar University

Hargeisa University

Hiran University

Indian Ocean University

Islamic University

Kismayo University

Mogadishu University

Puntland State University

Somalia University

Taibah University

SIMAD Institute

SOHDEC Institute

 
 
 
 
 
 

Jaamacadaha aan website-yada lahayn waxaa loogu bishaareynaa in qiimo jaban loogu sameyn doono website dhameystiran. Fadlan la  soo xiriir Somali Education.

Somali Education

Xaflad  loo sameeyay ardey Soomaaliyeed oo ka qalinjebisay Jaamacadda Madras ee dalka Hindiya

Xaflad qalin-jabin ah oo aad u qiimo badan ayaa lagu qabtay magalaada Madras ee dalka India. Xafladdaas waxaa lagu maamusayay qalibjebinta arday Soomaaliyeed oo dhameysay maaddooyin kala duwan.

Sawiirrada oo dhan halkan ka daawo

Xafladan oo ku baxaysay labada luqadood ee Ingiriisiga iyo Soomaaliga, waxaa qeybta af-Ingiriisiga hadallo ka soo jeediyay maamulka kolejka Mohamed Sathak College  of Arts and Science oo hoostaga jaamacadda Madras, oo ay   ardadu inta badan ka qalin jabiyeen. Maamulku wuxuu  usoo jeediyay ardayda Soomaaliyeed hambalyo ballaaran, isagoo ku ammaanay anshaxooda iyo inay yihiin dad diintooda ku wanaagsan. "Ardayda Soomaalida illaa hadda kuma hayno khaladaad, waana arday  dhaqan wanaagsan" sidaasi waxa yiri Hormuudka kollejka, Dr. Jeylani.

Waxaa isna magaca ardada qalin jabinaysay ku hadlay Zubayr Xaashi Ismaaciil oo mahad-celin u jeediyay maamulka iyo macalimiinta Kollejka Mohamed Sathak College of Arts and Science iyo waliba maamulka  jaamacada Madras University oo ah jamacada ay aradadu shahaada ka qaadanayaan.

Waxaa sidoo kale halkaasi goobjoog ka ahaa Dr. KL Nalla Mohamed oo ah Principal-ka College-ka.

Waxaa sidoo kale halkaasi wacdi aad loogu khushuucay ka soo jeediyay Sh. Maxamad Riyaad oo ardayda kala haday cabsida alle iyo in ay diintoodana bartaan si ay adduun iyo aakhiraba u koobaan.

Wacdigaa kadib waxaa makarofonka lagu soo dhaweyay Maxamad Cisman Maxamad  oo ka hadlay waxtarka aqoontu u leedahay bulshada, waxaana uu carrabka ku adkeeyay in ummadda aqoonyahankoodu yahay maskaxda bulshada oo haddii uu cudur galo sida qabyaaladda iyo xasadka ay khatar ku tahay bulshada, haddi ay wanagsanadaana ay ummaddu waddo cusub u furi karaan, ummad kasta xor maaha haddaysan lahayn aqoon ku filan" ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Maxamad Aadan oo isna meeshaas ka sheegay mushkiladda dalalka Africa oo ay Soomaaliya ku jirto ka haysata dhinaca nabaad-guurka aqoonyahankeeda.

Waxaa ugu dambayn isna halkaas kas heegey fadliga aqoontu leedahay Baasha Abdullahi Aadan.

Magaca ardayda qalinjabinaysay waxaa ku hadlay Cabaas Maxamad Dhuur Dhiblaawe oo ka soo qaybgalayasha uga mahadceliyay sida wanaagsan ay u aqbaleen codsigooda.

Xafladda oo aad u qiimo badnayd waxaa lagu soo xiray barnaamij kadis ah oo uu daahinanay Mr. Cabaas iyo majaajilo uu Amiin Cadde halkaas kaga qosliyay kasoo qayb galayasha. Xafladda ayaa waxaa abaalmarinmo lagu guddoonsiiyay arday muteystay.

Ardada ka qalinjabisay iyo shahaadooyinkii ay qateen waa sidan:

Msc (Computer Science)
Mohamed Osman Mohamed

Msc(Information technology)
Hussein Heibe
Abdi Aziz Ibrahim jama

Msc (Microbiology)
Ibrahim Xasan Barkadle

PG Diploma (Medical Laboratory,Bussiness Addminstration)
Bashi Abdullahi Adan
Hassan Isse Nour

Bachelor of commerce (B.com)
Abdullahi Omar Ahmed Naleye
Abbas Mohamed Nour Dhiblawe


Bachelor of Business Administration (BBA)
Mohamed Ali Ahmed

Bachelor of information system management (BISM)
Ahmed Omer Elmi Arbaco.
Abdifitah Barre Alim
Zyber Hashi Ismail

Bachelor of computer application (BCA)
Abdisalan Dahir Sahal
Abdirashid Sh. Ali Ibar

Bachelor of B .Sc Microbiology
Mohamed Ali Jabane
Leila Haji Hussein Dhiblawe

Bachelor of Electronic and communication science.
Said Hashi Ismail
 

Waxaa qoray:
Mohamed Usman Mohamed (Dhugule)

Fadlan halkan taabo si aad u daawato sawirrada
 

 Warbixino muhiim ah

Sidee loo xushaa kulliyad, jaamacad, iyo dalka aad wax ka baraneyso? (akhri)
 

Maxaa ardeyga muhiim u ah marka uu u dhoofayo dalka dibeddiisa? (akhri)
 


Sidee wax looga baran karaa dalalkan?

Sidee wax looga baran karaa dalka Suudaan? (akhri)

Sidee wax looga baran karaa dalka Malaysiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Pakistan? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Masar? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Hindiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Urdun? (akhri)

 

Sidee wax looga baran karaa dalka Yemen? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Uganda? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Ruushka? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Shiinaha? (akhri)
 

Contact: somaliedu@yahoo.com
Designed & Hosted by AfroTech