|
Xaflad qalinjebin ah oo ka
dhacday Machadka SIMAD ee Muqdisho
Muqdisho –
February 24, 2007
Xaflad si heer sare ah loo soo
agaasimay oo lagu xusayay qalinjebinta 53 ardey oo dhameystay
waxbarashada Bachelor of Information Technology ayaa 23kii
February ka dhacday hoolka shirarka ee isla machadkaasi.
Ardeyda xafladda soo
qabanqaabisay oo ah fasalka BIT-03, oo iyagu machadka billaabay
sanadkii 2003 ayaa iyagu iskood u go’nsaday inay gabagabada
waxbarashadooda ka dhigaan mid xusuus badan, iyagoo dadkii
xafladda ka soo qeyb galay u soo bandhigay barnaamij isku
dheellitiran.
Waxaa ugu horreyn xafladda lagu
furay barnaamij ka hadlaya mashruucyada qalinjebinta ee ay
ardeydu diyaariyeen kuwaasoo barnaamijyo dhanka computerka ah oo
intodoa badan waxtaraya waxbarashada iyo ganasciga Soomaalida.
Waxaa barnaamijyadaasi ka mid ah barnaamij loogu talogalay
shirkadaha diyaaradaha, mid imtixaannada lagu qaado, mid
maktabadaha looga dhigayo online, barnaamij ay shirkaduhu ku
qoran karaan shaqaale cusub.
Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay
Mudane Xasan Badawi oo ku hadlayay magaca waalidiinta ardeyda
qalinjebineysa, iyadoo Mudane Badawi uu aad ugu dheeraaday
masuuliyadda saran ardeyda qalinjebineyso iyo sida loogaga
baahan yahay inay wax u qabtaan dalkooda ka burburay dhanka
bulshada, dhaqaalaha, siyaasadda, iwm.
Waxaa ereyo soo-dhoweyn iyo
faahfaahin kulliyadda IT ku saabsan halkaasi ka soo jeediyay
madaxa Kulliyaddaasi Md. C/salaam Yusuf oo ku dheeraaday
kulliyadda iyo waxqabadkeeda, isagoo xusay in waxqabadka ugu
muhiimsan kulliyadda ay ka mid yihiin inay sameysay barnaamijyo
ay isticmaasho Hay’adda Muslimiinta Afrika. Wuxuu sidoo kale
xusay inay qabyo-tireen website loogu talo-galay ardeyda ka
qalinjebisay SIMAD, si ay iskula socdaan oo ay isku dhaafsadaan
aragtidooda.
Md. Xasan Sheekh oo ah Hormuudka
Machadka Simad oo isna halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa ku
dheeraday halgankii uu soo galay Machadka SIMAD, isagoo xusay
inay soo martay semester la waayay ardey isku diiwaan gelisay
kulliyadda IT-da, halka manta ardeyda wax ka barata kulliyadda
IT ay gaarayaan 500 ardey oo ah 50% ardeyda Machadka.
Waxaa sidoo kale halkaasi ka
hadlay Mr. Junaid Axmed oo ka mid macallimiinta u dhashay dalka
Pakistan ee wax ka dhiga Machadka Simad, wuxuuna Md. Junaid
sheegay in macallinku doonayo inuu abaalmarin ka helo ardeygiisa,
“abaalmarintaasina waa in macallinku arko ardeygiisa oo noqday
madaxweyne, raysal-wasaare, wasiir ama qof kaloo magac leh oo
mustaqbalka ku faani karo inuu wax soo baray.
Waxaa aad loola dhacay hadal uu
jeediyay Macallin Allah Bakhshi oo isna ka mid ah macallimiinta
wax ka dhiga Machadka Simad, wuxuuna Md. Bakhshi sheegay in
ardeyda looga baahan yahay inay lahaadaan anshax suuban, mar
kastana la socdaan sida teknooljiyadu isku bedbedleyso isagoo
tusaale u soo qaatay in markuu Pakistan joogay uu mar kastaba
baran jiray cilmi uusan aqoon xilliyada uu fasaxa yahay.
Waxaa sidoo kale halkaasi ka
hadlay Md. Maxamed Shariif oo Hor-joogihii bahdii soo qaban
qaabisay xafladdaasi, isagoo ka-qeybgalayasha uga mahad celiyay
waqtigooda qaaliga ah ee ay soo hureen, wuxuuna ka hadlay
ardeyda qalinjebineysa dadaalkooda iyo waxqabadkooda. Mudane
Shariif wuxuu sheegay in ardeydani ay horay uga qeyb qaateen
gurmadkii abaaraha ee 2006, kii fatahaadaha, iyo howlo kale oo
ka mid ah horumarka bulshada, wuxuu sidoo kale u mahadnaqay
shirkadaha NationLinks iyo Dahabshiil oo iyagu ka qeyb qaatay
xafladdaasi.
Ugu dambeyntii waxaa haddiyado la
guddoonsiiyay Hormuudka Simad, Kuliyadda IT-da ee SIMAD,
macallimiinta kala ah Mr. Junaid Axmed, Allah Bakhshi iyo Ustaad
Maxamed Xuseen oo ka mid ah macallimiinta loogu jecel yahay
Machadka Simad, 4 ardey oo ka mid ah ardeydii qalinjebineysay oo
ku guuleystay imtixaan shaqo-qoris oo ay qaadday shirkadda
Telecom Somalia.
Xafladdaasi oo intii ay socotay
ay dhex-taal u ahaayeen heeso iyo ruwaayad ay jilaayeen
fannaaniin ay ugu muuqdeen Ilka-case, Aw-Kuuku iyo Marshaale
ayaa waxay dadku aad ugu ammaaneen sida ay u gudaneysay
dhambaalka ah in waalidku qiime weyn siiyo waxbarashada si looga
baxo aqoondarrada.
Bahda Somali Education oo ka
qeybgalay xafladdaasi waxay xafladdaasi ku tilmaameen inay ahayd
mid aad u qiime badan oo ka tarjumeysay ujeedka loo qabtay.
Halkan ka daawo sawirrada xafladda
(Guji)
Waxaa diyaariyay:
C/Risaaq Axmed Cabdiraxmaan (TODAY)
|