|
Qaar ka mid ah dugsiyada
magaalada Muqdisho oo la xiray
Xaaladda ammaan-xumo ee ku soo korotay magaalada Muqdisho waxay
sababtay in albaabada loo laabo qaar ka mid dugsiyada
waxbarashada ee magaalada. Dugsiyada albaabada loo laabay oo
isugu dugsi-Quraan iyo iskullada caadiga ahba ayaa waxaa soo
foodsaaray xaalad rajo-xumo ah iyo bara-kac ku yimid ardeydii
wax ka baran jiray dugsiyadaas. waxaa dugsiyada albaabada loo
laabay ka mid ah dugsiga Indhoolayaasha ee Alnuur.

Qaar ka mid ah ardeyda Soomaaliyeed
Madaaficidii laysku weydaarsaday magaalada Muqdisho habeenimadii
Talaadadu soo galeysay waxay laba goor ku dhacday albaabka hore
ee dugsiga Imamu-Shaafici oo ku yaalla agagaarka kaasabobolaare,
waxaana madaafiicdaasi ay geysteen khasaare dhimasho iyo
dhaawacba leh. Hase yeeshee qaar ka mid ah iskuulladaasia ayaa
weli furan iyagoo u dhabar-adeygay marxaladda sii xumaaneysa ee
Muqdisho.
Ardeyda
qaarkood aya walwal weyn ka qaba inay waxbarashada ka kala go'do,
gaar ahaan ardeyda mareysa sanadkan ugu dambeeya ee dugsiga sare
ama jaamacadda, kuwaasoo bara-kaca magaalada ka socdo uu
dhibaatada ugu weyn u geysanayo.
Macallin
dugsi ku haya mid ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa
Somali Education u sheegay inuu dugsigiisa xiray kadib markii
90% ardeydii wax ka baraneysay ay bara-kaceen, isla markaana
kuwa haray aysan si joogto ah u imaanin dugsiga.
Bahda
waxbarashada magaalada Mqudisho ayaa sheegay inaysan weli soo
marin marxalad tan oo kale oo saameyn weyn ku yeelatay
waxbarashada magaalada, waxaana jira isku-dayo lagu doonayo in
lagu soo hormariyo imtixaankii dugsiyada oo la qaban jiray bisha
May si ubadka qosaska qaxaya aysan waxbarashada uga kala go'in.
Xafiiska
Somali Education ee Muqdisho
|