|
Waa sidee waxbarashada
dalka Jarmalka
Waxaan ahaa arday dhamaystay waxbarshada
dugsiga sare kuna dhameeyay iskuulka Imaamushafici ee
magaalada muqdisho waxaana imtixaankii ugu danbeeyay u
fadhiistay sanadkii 26-6-2002 ee dugsiga sare kadib waxaan
isku dayay in aan wax ka barto wadamada dabada waana ii
suurta gali wasay kadi waxay dantu igu qasabtay in aan u
baqoolo wadamada yurubta oo aan hadda joogo ,
wadankaan jarmalka markaan imid waxaan isku
sii taxaluujiyay in aan waxbarashadii kasii wato halkii ,
qofwalbaa waa uu la socdaa in uu yahay jarmalku wadan wali
ay ku danbayso cunsuriyadii ama midab takoorkii lakin
dadaal badan oo aan galay dhinacwalbaba, xaga luuqada
jarmalka ama meela badan oo kalaba waxaa ii suurta gashay in
imtixan la iga qaado.
imtixaankii waan u fadhiistay waliba luqada
jarmalka ayaan ku galay imtixaankii anoo markaas wadanka
jooga 7 bilood waan hubaa in aan imtixanka aad ugu
guulaystay lakin nasiib xumo waxaa la i fadhiisiyay
galaaska sagaalaad oo ah midka ugu danbeeya dugsiga dhexe
waana iskaaga qancay alle ma jirto jidkale oo ii furane (jarmalka
wax barashadiisu waa mid ka duwan wax barashada aduunka
waxaan dhihi karaa ma jiro wax la yiraahdo dugsi dhexe ama
sare e waxaa jira wax la yiraahdo HAUPTSCHULE waxaan dhihi
karaa waxa uu u qalmaa dugsiga dhexe ee somalia waxa uuna
ku dhamaadaa fasalka 9lad/ waxaa kaloo jira REAL SCHULE
waxa uu ku dhamaadaaa fasalka 10 waxaana dhihi karaa waxa uu
uqalma wali fasalaka 10aad ee iskuulada nada somalia / waxaa
kaloo jira GEMNASIUM waana iskuul ku dhamada fasalka 12 ama
13 meelaha qaar sida meesha aan ani joogo waxaan dhihi kara
wax yar waxa uu ka sareeyaa iskuulka naga sare sababtoo ah
waxaaba dhigta ciyaalka maskaxdoodu aad u sareyso madowguna
waaba 3% yacni dadka maal qabeenka ama dadka horay wax ayagu
u soo bartay ciyaalkooda ayaa dhigta /sidoo kale waxaa jira
GESAMTI SCHULE waxaana lagala jeeda 3iskuul oo an soo
sheegay oo halmeel la iskugu keenay waaye waa iskuul aad u
qatar ah qofkii ka baxaana waxa uu si toos ah u aadaa
jamacad marka dadka halkan jooga yacni jarmalka baddanaa
jamacad ma aadaan sababtoo ah waa wax barasha aad u adag
marka la fiirsho jidadka la soo maraa )intaas ka dib hadaan
dhamaan buugaagtaas wada fiirshay ani waxaan ku qiyasay
aqoon tayda nin ka soo baxay oo kale iskuulka la yiraa REAL
SCHULE taas macnaheedu waa dugsiga sare ee somalia ayuu u
dhigmaa xoogaa in kastoo aan dhihi karo dugsiga sare ee
somalia ayaaba ka waxbarasha sareeya .war iyo dhamaan tiisa
waxaan rabaa insha allah in aan halkaan waxbarashadii ka sii
wado hada markaan soo galay webkiina aad ayaan ugu farxay
xatta waxaan ku arkay rag badan oo an aqaan sida
macalinkaygii MD Axmed shiikh c/dulaahi Madaxa Fpens iyo
saxibkaygii aan kursiga wada fadhiisan jirnay bari hore Eng.
Muqtaar ahmed osman oo wax ka barta wadanka Rushka waxa jira
dhalin yaro badan oo somali ah oo wadankaan yimid iskuna
dayay in ay wax ka bartaan lakin markay arkeen dhibka iyo
cadaadiska saran iska galay dugsiga farsamada gacanta (AUSBILDUNG)
waana waxa inta badan ciyaalka jarmalku ay iska sameeyaan oo
aad ku shaqysan karto.
|