Jaamacadaha Dalka

Amoud University

Alfurqan University

Benadir University

Burao University

East Africa University

Hamar University

Hargeisa University

Hiran University

Indian Ocean University

Islamic University

Kismayo University

Mogadishu University

Puntland State University

Somalia University

Taibah University

SIMAD Institute

SOHDEC Institute

 
 
 
 
 
 

Jaamacadaha aan website-yada lahayn waxaa loogu bishaareynaa in qiimo jaban loogu sameyn doono website dhameystiran. Fadlan la  soo xiriir Somali Education.

Somali Education

Ururka Ardayda Banka Islaamka ee Urdun iyo wafdi ka socda Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Suudaan (snyu) oo ka wada hadlay arrimo badan

Ururka aradada banka islamka ee Jordan (ISLAMIC DEVELOPMENT BANK STUDENTS ASSOSIATION IN JORDAN) iyo wafdi ka socda ururka wadaniga dhalinyarada soomaaliyeed  ee suudaan Somali National Youth Union ( SNYU) ayaa si wada jir ah ugu ciiday dalka jordan.kuwaas oo munaasabada ciida carafo la  wadaagay umadda musliimta ah ee caalamka gaar ahaan dalka Jordan oo si wayn looga xusay ciida carrafo.

Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo ay soo  agaasimeen ururka ardada Soomaaliyeed ee banka islamka gaar ahaan gudiga nashaadaadka taasoo lagu xusayay munaasabada ciida carrafo ayaa lagu qabtay xarun wayn oo ku taala magaalada IRBID taasoo ah magaalada ay ugu badan yihiin ardada soomaaliyeed ee Jordan.

Xaflada ayaa sidoo kale waxaa kasoo qayb galay wafdi ka socda ururka wadaniga dhalinyarada soomaaliyeed ee suudaan,

waxaana laga dheehan karay farxada wayn iyo reynreyn, wafdiga ardayda ayaa waxa siweyn ay ugu farxeen isku xirnaanshaha ardayda wax ka barata dalka Jordan iyo dadaalkooda waxbarasho.

   Xafladan ayaa waxa ay uga duwaneyd  xafladihii hore ee  ardayda  qabsan jireen ardayda joogitaanka wafdiga martida u ahaa ardayda oo siweyn uga qeyb qaatay xaflada.

Xaflada ayaa waxaa looga hadlay arimo dhowr ah oo quseeya ardada soomaaliyeed iyo sida loo midayn lahaa mustaqbalka  dhow maadama aynan jirin safaarado soomaaliyeed oo ardada dibadaha wax u qabata.

Qodobka ugu muhiimsan ayaa wuxuu ahaa  sida loo heli lahaa arday fikirkiisu ka madax banan yahay qabyaalad iyo qabiil jacayl kaasoo barri dalka iyo dadkaba wax u qaban kara.

Dhanka kale labada urur ayaa kawada hadlay xiriirka ardayda labada wadan waa sudan iyo Jordan  iyo in lasameeyo siminaro iyo muxaadarooyin lagu wacyi galinayo ardada taasoo kadibna looga sii gudbi doono wadamada kale sida Masar, Yemen Pakistan, Malaysia,iyo India   oo ay joogaan arday soomaaliyeed oo aad badan.

Ugu danbayntii waxaa la isku waafaqay in ladhaqan galiyo qodobo dhowr ah oo ey ka mid yihiin:

  1. In lasameeyo xiriir iyo wadashaqeyn ardada wax kabarata dibada.

  2. In la sameeyo siminaaro si la isku dhex galo.

  3. In la sameeyo aqoon iswaydaarsi, simanaaro  iyo dodo ku salaysan hab cilmiyeed.

  4. In la soo saaro jaraa’id  guud oo bille ah kaasoo looga hadlayo arimaha ardada soomaaliyeed ee dibada wax kabarata.

  5. In laga wada shaqeeyo dhismo urur good  oo kulmiya ardayda soomaaliyeed.

Ugu danbaystii waxan rajaynayaa in ay jiri doonaan arday soomaaliyeed oo dalka iyo dadkaba wax u qabata mustaqbalka dhow.

Fadlan halkan guji si aad u daawato sawirada.

 Waxaa diyaariyay.

 

 Eng. Ahmed-dayib mah’ed abdi
Wakiilka Somaliedu ee Jordan.Email:saalim20@hotmail.com.
Cellphone: +962-788287571.

 Warbixino muhiim ah

Sidee loo xushaa kulliyad, jaamacad, iyo dalka aad wax ka baraneyso? (akhri)
 

Maxaa ardeyga muhiim u ah marka uu u dhoofayo dalka dibeddiisa? (akhri)
 


Sidee wax looga baran karaa dalalkan?

Sidee wax looga baran karaa dalka Suudaan? (akhri)

Sidee wax looga baran karaa dalka Malaysiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Pakistan? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Masar? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Hindiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Urdun? (akhri)

 

Sidee wax looga baran karaa dalka Yemen? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Uganda? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Ruushka? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Shiinaha? (akhri)
 

Contact: somaliedu@yahoo.com
Designed & Hosted by AfroTech