Jaamacadaha Dalka

Amoud University

Alfurqan University

Benadir University

Burao University

East Africa University

Hamar University

Hargeisa University

Hiran University

Indian Ocean University

Islamic University

Kismayo University

Mogadishu University

Puntland State University

Somalia University

Taibah University

SIMAD Institute

SOHDEC Institute

 
 
 
 
 
 

Jaamacadaha aan website-yada lahayn waxaa loogu bishaareynaa in qiimo jaban loogu sameyn doono website dhameystiran. Fadlan la  soo xiriir Somali Education.

Somali Education

Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Suudaan oo ka qeyb galay shir ay isugu yimaadeen dhallinyarada Carbeed

Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Suudaan ayaa ka qeyb galay shir ay isugu yimaadeen dhallinyarada Carbeed. Shirkaasi oo lagu qabtay dalka Urdun gaar ahaan magaalo xeebeedka CAQABA intii u dhaxeesay 07-14/12/2007 ayaa waxaa looga hadlayey ilaalinta deegaanka badaha iyo saameynta ay ku yaalan karto isbadallada cimilada aduunka

Shirkaas oo uu soo qaban qaabiyey ururka boqortooyada Urdun ee cayaaraha badda iyo ururka Carabta ee dhalinyarada iyo .deegaanka oo hoos yimaada Jaamacada Carabta

Waddamada ka soo qeyb galay shirkaas waxay kala ahaayeen:

 JORDAN - MASAR-SUDAN-MORITANIA-PHALESTINE-TUNISIA-SAUDI ARABIA- ARAB IMARATES-QATAR-KUWAIT-BAHRAIN iyo  JAMHUURIYADA SOMALIA . Dalka Soomaaliya waxaa matalayay Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Suudaan oo ay oga qeeb galeen sadex xubnood oo ka socday  ururka kalana ah:-

1. Md. Cali Cabdi caziiz Mukhtaar (QARIIDI YARE) gudomiyaha ururka

2-Md. Liiban C/rashiid Cali, Xoghayaha arrimaha dibada

3- Md. Ibrahim C/raxman Sh. Bashiir     Xubin

Shirkaasi oo ay dawlad waliba soo bandhigtay waxqabadka dalkeeda ee ku aadan ilaalinta xeebaha iyo deegaanka badda, ayadoo wafdiga Soomaaliya u matalayey shirkani soo bandhigay dhibaatada haysata xeebaha iyo badda Soomaliyeed isagoo u gudbiyey wafuudi Carbeed ee shirka kala soo qeyb gashay qoraalo ay ku muujinayaan sida murugada leh ee badda Soomaliyeed looga dhigay qashin-qub caalami ah taas oo looga faa'ideysanayo maqnaashaha dawlad adag oo awood u leh ilaalinta baddeeda iyo deegaankeedaba tan iyo intii ay dhacday dalwadi dhexe ee Somalia sanadkii 1991 .

Ururku wuxuu ka codsaday kasoo qeyb galayaasha shirka inay kala qeybqaatan uruka sidii adduunka loogu soo bandhigi lahaa dhibaatada haysata badaha Soomaliya isla markaana loo soo hortaagi lahaa maxkamad caalami ah cid kastoo ku xadgudubta badda Soomaaliya una adeegsata goob qashineed ayagoo u ballanqaaday kasoo qeyb galayaashu inay u howl galayaan codsigaasi uga yimid wafdiga dhalanyarada Soomaliyeed ee shirkaasi ka qeyb galay

 Gabagadii shirkaasi ayaa wax hadal qiimo leh ka jeediyey xoghayaha guud ee ururka carbeed ee dhallinyarta iyo deegaanka Mr . Rashwan C/xakiim isagoo ka codsadey kasoo qeyb galayaasha shirkaasi sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada ka jirta badaha wadama Carbeed gaar ahaan xeebta Soomaaliya

Isagoo si gaar ahaaneed uga ballan qaaday inuu u gudbin doono xoghaya guud ee jaamacada Carabta Mr. Camir Mussa iyo wasiirrada deegaanka ee wadamada Carbeed shirkooda soo socda kaas oo ka dhici doona bilowga sanadka cusub 2008 CAIRO  - EGYPT .

Gunti iyo gunaanadkii waxa uu Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Suudaan  ka codsanayaa bulsha weynta Soomaliyeed inay dhawraan isla markaana ilaaliyaan xeebaha dalka hooyo kana qeyb qaataan ka hortaga nabaad guurka deegaanka waayo ilaalinta deeganka waa masu'uuliyad saaran muwaadin kasta ee Soomaliyeed .

 Waxaa diyaariyay:

Liibaan C/rashiid Cali
Xoghayaha Arrimaha dibedda

 

 Warbixino muhiim ah

Sidee loo xushaa kulliyad, jaamacad, iyo dalka aad wax ka baraneyso? (akhri)
 

Maxaa ardeyga muhiim u ah marka uu u dhoofayo dalka dibeddiisa? (akhri)
 


Sidee wax looga baran karaa dalalkan?

Sidee wax looga baran karaa dalka Suudaan? (akhri)

Sidee wax looga baran karaa dalka Malaysiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Pakistan? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Masar? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Hindiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Urdun? (akhri)

 

Sidee wax looga baran karaa dalka Yemen? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Uganda? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Ruushka? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Shiinaha? (akhri)
 

Contact: somaliedu@yahoo.com
Designed & Hosted by AfroTech