Muqdisho -
May 13, 2007
Howlihii
waxbarashada ee magaalada Muqdisho ayaa dib u billowday
horraantii bishan May kadib muddo ka badan bil ka badan uu
dagaal lagu hoobtay ka soconayay magaalada Muqdisho.
Dagaalka ka
dhacay magaalada Muqdisho ayaa saameyn weyn ku yeeshay
waxbarashadii magaalada. Waxaa bara-kacay ardeydii iyo
bareyaashii. Waxaa dugsiyada iyo jaamacadaha qaarkood lagu
garaacay madaafiic waaweyn, iyadoo uu burbur xoog lihina soo
gaaray. Jawiga magaaladuna ma ahayn meel wax lagu baran karay.
Goobaha waxbarashada qaarkood waxaa dagay ciidamo sida
jaamacadda Muqdisho oo ay fariisin ka sameysteen ciidamada
Itoobiyaanka ee Muqdisho ka dagallamay.
Waxaa dalka
si dhaqso leh uga dhoofay qaar ka mid ah macallimiintii
ajnabiga ahaa ee wax ka dhigi jiray jaamacadaha dalka sida
kuwii wax ka bari jiray Jaamacadda banaadir iyo Machadka SIMAD.
Xilligan oo
ku beegan waqtigii ardeydu u fariisna jireen imtixaankii
kama-dambeysta ayaa dugsiyada qaarkood, gaar ahaan kuwa hoos
taga dallada FPENS, waxay go'aansadeen in kaliya imtixaanka
laga qaado ardeyda u fariisaneysa imtixaannada 9aad iyo 12aad,
halka ardeyda fasallada kalena loo qiimeynayo imtixannadii ay
galeen bilihii ay dugsiyadu furnaayeen.
Dugsiyada
qaarkood sida Axmed Gurey ayaa imtixaanka ka qaaday qaar ka
mid ah ardeydii dugsiga sare ka qalinjebineysay, halka ardeyda
harsan ee xilligii imtixaanka la galayay ka maqneyd magaalada
iyagana laga qaadi doono billowga bisha Juun. Iskuullada
kalena waxaa loo ballansan yahay in imtixaannada laga qaado
dhammaadka bisha May ama billowga bisha Juun.
Dagaalku
wuxuu kaloo saameyn ku yeeshay niyadda ardeyda wax barata.
Qaar ardeyda ka mid ah ayay guryahooda uga gubteen buugaagtii
iyo dharkii ay wax ku baran jireen. Qaar kale waxaa saameyn ku
yeelatay naxdintii ka soo wajahday dagaalka, iyadoo laga yaabo
inay dagaalka ku waayeen qof qoyskooda ka tirsan.