|
Xaflad loo sameeyay arday ka
qalin jebisay machadka Imaamu Shaafici ee magaalada Berbera
Xafladan si
heer sare ah loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen ardayda
Dugsiga Hoose Dhexe ee Imaamu Shaafici taas oo looga gol lahaa
baruurujinta iyo dhiirigalinta Ardayda Fasalka u sareeya
Dugsigaasi oo sanadka danbe u gudbaya Dugsiga Sare kuwaasi oo
iyagu soo abaabulay xafladan Qiimaha leh oo ay ardaydu ku
dalbanayeen in loogu duceeyo imtixaanka oo ay ku guulaystaan oo
ay u fadhiisanayaan bartamaha sanadkan.
Xafladan oo ay
kasoo qeybgaleen boqolaal kamid ah Ardayda Dugsiga Waxka barata,
Waalidiinta, Guddiyada Waalidiinta, Macalimiinta iyo Maamulka
Deugsigaasi waxay ku bilaabantay jawi aad u farxad badan waxaana
halkaasi ka hadlay oo furay xaflada Maamulah dugsigaasi Sh,
Saleebaan Axmed Ibraahim oo ka waramay marxalidihii kala duwanaa
ee uu soo maray dugsigani isagoo sheekhu ku dheeraaday koriinka
iyo hanaqaadka waxbarashada dhalinta dugsiga wax ka dhigata isla
markaana waxa uu Maamuluhu u mahadnaqay Haayadihii ka qeyb
qaatay Dhismayaashii ka duwanaa ee ka hirghalay dugsiga tan iyo
xiligii uu jiray dugsigaasi waxaana ka mid ahaa hadaladiisii
“waxaynu marnay waqtiyo kala duwan idinkuna waxad tihiin lodkii
u horeeyey ee wada hablo ah waxayna taasi sharaf u tahay anaga
macalimiinta dugsiga iyo dhamaanba waalidiintiina oo usoo
halgamay sidii aad u dhameysan lahaydeen waxbarashadiin dugsiga
hoose iyo ka dhexeba”
Waxa kale
halkaasi ka hadya Maamule kuxigeenka Dugsigaasi Mustafe Xirsi
Maygaag oo sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay xafladan ay soo
qaban qaabiyeen ardaydu isla markaana uu ku han weynyahay inay
ku guuleysan doonaan imtixaanaadka horyaal insha allaah Waxana
kamid ahaa hadaladiisa oo uu yidhi “runtii waxay ii tahay farxad
weyn todoba iyo toban hablood oo kamid ah Ardaydii Dugsigii
maanta hormaood u ah dugsiga waxaan leeyahay haayadihii odhan
jiray hablaha waxba lama baro waa kuwaas oo iyagoo is raac aanu
wax barnay oo ay fursad u heleen inay kaligood fasal ku
dhameysteen dugsiga hoose iyo ka dhexeba”
Waxa kale oo
halkaasi ka hadlay sedex hablood oo ka mid ahaa ardayda
Dugsigaasi ahaana kuwii xafladan soo qaban qaabiyey iyagoo ku
khudbadeeyey sedex luuqadood oo kala duwan kuwaasi oo kala ahaa
Foosiya Maxamed Cali oo khudbada ku saabsan dugsiga ku akhriday
Luuqada carabiga halka ay ardayda Suleekhina ka akhriday mid
English ah taasi oo ardayada Muna Jibriil Yuusuf ka akhriday mid
soomaali ah iyagoo sedexda hablood ka hadlay marxalidihii kala
duwanaa ee uu soo maray dugsigu isla markaana marta sharaftii
kalena ka codsadey inay u rajeen imtixanka Guul
.Marka laga
yimaado Maamulka, macalimiinta, Ardayda Dugsiga imaamu Shaafici
waxa halkaasi ka hadlay Cabdikariim Siciid Saalax Tifaftiraha
Wargeyska Heemaal (Weriyaha webka Golis News) oo isagu ahaa
Ardaydii hore ee dugsigaasi waxka baratay waxaana hadaladiisii
kamid ahaa oo uu yidhi “ Runtii waxay ii tahay fursad taariikhi
ah oo aanan ilaawi Karin maadaama aan ka hadlay xaflad lagu
qabtay dugsi aan dhiganayay mudo todobo sano ah oo runtii ahayd
bartii aan kasoo bilaabay fasalka koowaad ee waxbarashada
taasina ay tahay wax aanan ilaawi Karin, idinkana hablow waxaad
idiin rajeynayaa Guul imtixaanka aad galaysaan waanad ku
mahadsantihiin xafladan aad soo qaban qaabiseen”
Waxa kale oo
iyana halkaasi ka hadashay Faadumo Cali oo kamid ahayd Gudiga
waalidiinta dugsiga imaamu shaafici waxaanay tidhi “waxaan aad
ugu faraxsanahay oo aan in badan doonayey in mar uun aan arko
hablo intaasi leeg oo ka qalin jabinaya dugsi taasina maanta
ayey dhacday waana wax aad ii farxad galiyey waxaanan u
mahadnaqayaa macalimiinta iyo ardayda dugsiga”
Ugudanbeyntiina waxa halkaasi ka haday Gudoomiyaha Gudiga
Waalidiinta Dugsigaasi Imaamu Shaafici Jaamac Cabdilaahi oo ka
xogwaramay marxalidihii dib u dhiska ee uu soo maray dugsigaasi
isagoo sheegay inuu in badan lasoo tacaalay sidii uuwax uga
qaban lahaa dhismaha dugsiga taasina ay hirgashay inkastoo loo
soo maray dhibaatooyin badan Jaamac Waxa uu yidhi “Waxaan halkan
uga mahadnaqayaa Haayadihii ka qeyb qaatay dib u dhiskii
dugsigan oo kala ahaa Haayadaha IAS oo dhistay afar fasal,
xafiis, Store, iyo Care International oo dhistay labo fasal afar
suuli qalabka laydhka iyo marawaxadaha, Copi oo iyana hal fasal
noo dhistay” Gudoomiye Jaamac waxa kale pp uu u mahadnaqay oo uu
yidhi “ waxan kaloo u mahadnaqayaa Maamulka Dawlada Hoose
Gudoomiye Siciid Daa’uud oo bixiyey 400 $ oo aanu kuraas u
siinay Dugisga iyo laydhka kharashaadkiisana waxa bixiya Dawlada
Hoose waxa kale mahad mudan Maareeye kuxigeenka Dekeda Berbera
Mr Bile Xirsi oo isna bixiyey sagaal marawaxadood oo dugisga la
galiyey waxaanan leeyahay waad ku mahadsantihiin”
WD. JAMAAL IBRAHIM MAXED, HARGAYSA
Xigasho: Somaliweyn.com
|