Jaamacadaha Dalka

Amoud University

Alfurqan University

Benadir University

Burao University

East Africa University

Hamar University

Hargeisa University

Hiran University

Indian Ocean University

Islamic University

Kismayo University

Mogadishu University

Puntland State University

Somalia University

Taibah University

SIMAD Institute

SOHDEC Institute

 
 
 
 
 
 

Jaamacadaha aan website-yada lahaynwaxaa loogu bishaareynaa in qiimo jaban loogu sameyn doono website dhameystiran. Nala soo xiriir.

Somali Education

Qaar ka mid ah ardeyda Soomaaliyeed ee Addis Ababa oo shahaadooyin la guddoonsiiyay

Addis Ababa - May 15, 2007
Xaflad qalin jebin ah oo si heer sare ah loo soo agaasimmay, isla mar ahaantaasna, shahaadooyin aqoonsi leh lagu guddonsiinaayay arday Soomaaliyeed oo dhameysatay barashada aaladda computer-ka ayaa waxa ay bishan May 7deedii 2007, ka dhacday hoolka xarunta sare ee tababarrada computer-da oo ku dhaw Bole Rwanda oo ku taalla caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa.


Qaar ka mid wiilasha qalinjebiyay

Haddaba, ardaydii qalin jebinaysay oo gaarayay ilaa 21 arday kuwaasoo isugu jiray wiilal iyo gabdho ayaa waxa ay ka qalin jebiyeen machadka barashada aaladda computer-ka ee la yiraahdo Super Computer Center & Private School oo ku yaalla xaafadda ay sida aadka ahi u degaan dadka Soomaalida ee ku dhaqan caasimadda Adis ababa ee lagu magacaabo Bole Michael.

Sidoo kale xafladdaasi oo si weyn loo soo qabanqaabiyay isla markaana ardaydii qalin jebinaysay ay xirnaayeen uniform-ka astaanta u ah qalin jebinta ayaa waxaa wejiyadooda ka muuqday farxad aad u sareeysa taasoo marti sharafkii xafladda ka soo qeyb galay oo isugu jiray Soomaali iyo ajaanib uga mahad celinaayeen dadaalkooda waxbarasho oo ay u soo galeen sidii ay mar uun u hanan lahaayeen shahaadooyin qiima leh.


Qaar ka mid gabdhaha qalinjebiyay

Gabagabadii xafladdaasi waxaa qudbado kookooban ka soo jeediyay mas'uuliyiin kala duwan kuwaasoo si qoto dheer uga hadlay qiimaha ay bini'aadamku u leedahay aaladda casriga ah ee computer-ka.

Iyadoo sidoo kale gunaanadkii xafladdaasi uu ka hadlay maamulaha machadka Super Computer Center & Private School, mudane Yaasiin Xuseen Cali, isagoo ka xog-warammay taariikhda machadka uu soo maray, iasagoo weliba tilmaamay inay ka qalin jebiyeen dufcado fara badan, machadkuna uu noqday machad ka diiwaan gashan wasaaradda waxbarashada ee dalka Ethiopia. Sidoo kale, madane Yaasiin wuxuu ardaydii qalin jebinaysay ku boorriyay inay dadaalkooda sii laba laabaan oo ay uga faa'iideeyaan ardayda kale ee walaalahooda ah.

Waxayna xafladdaasi ku soo gabagabowday jawi wanaagsan oo aad u sarreeya.

 C/raxmaan Jaamac Afrax (Helos)
somaliedu.com
Adis Ababa - Ethiopia

 Warbixino muhiim ah

Sidee wax looga baran karaa dalka Suudaan? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Malaysiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Pakistan? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Masar? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Hindiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Urdun? (akhri)

 

Sidee wax looga baran karaa dalka Yemen? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Uganda? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Ruushka? (akhri)
 
Sidee wax looga baran karaa dalka Shiinaha? (akhri)
 

Contact: somaliedu@yahoo.com
Designed & Hosted by AfroTech