|
Xafiis la taliya ardeyda oo
laga furay Muqdisho
Muqdisho - May 25, 2007
Xarunta La-talinta
waxbarashada ee Afro (Afro Education Consulting) ayaa xafiis ka
furatay magaalada Muqdisho si ay gacan u siiso ardeyda,
bareyaasha iyo hay'adaha waxbarashada ku shaqada lehba inay
helaan la-talin ku sabsan adeegyada ay u baahan yihiin.
Xafiiskan oo
la furay bishii September ee sanadkii 2006dii ayaa wuxuu ardeyda
kala taliyaa sidii ay ku xulan lahaayeen kulliyadda ay jeclaan
lahaayeen inay ka bartaan dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba.
Baahida xafiiskan ayaa ka dhalatay kadib markii la arkay in
ardeyda Soomaaliyeed aysan fikrado badan ka haysan qaabka loo
xusho kulliyadaha jaamacadaha dalka gudihiisa iyo dibeddisaba.
Xaruntu waxay
qorsheynaysay inay qabato siminaarro ardeyda loogu sharraxayo
kulliyadaha jira iyo qaabka loo xusho kulliyadda ardey walba ku
habboon. Hase yeeshee duruufihii Muqdisho ka jiray 4tii bil ee
ugu dambeysay ayaanan saamixin inay qabsoomaan siminaaradaas.
Xilligan oo
lagu jiro waqtiga ardeydu u fariisanayaan imtixaankii
qalinjabinta ee dugsiga sare, waxay xaruntu dhowaan
qorsheyneysaa inay soo saarto buug lagu soo koobayo waxyaabihii
ardeyda loogu sharxi lahaa siminaarrada.
Haddii aad dooneyso inaad booqato website-ka AFRO EDUCATION
CONSULTING riix halkan:
http://www.afroedu.com/somali.htm (af-Soomaali)
http://www.afroedu.com (English) |