Jaamacadaha Dalka

Amoud University

Alfurqan University

Benadir University

Burao University

East Africa University

Hamar University

Hargeisa University

Hiran University

Indian Ocean University

Islamic University

Kismayo University

Mogadishu University

Puntland State University

Somalia University

Taibah University

SIMAD Institute

SOHDEC Institute

 
 
 
 
 
 

Jaamacadaha aan website-yada lahayn waxaa loogu bishaareynaa in qiimo jaban loogu sameyn doono website dhameystiran. Fadlan la  soo xiriir Somali Education.

Somali Education

Baroordiiq loo sameeyay Marxuum Ustaad Dhoobaale

Muqdisho September 10, 2007

Xaflad baroordiiq ah oo lagu maamuusayay waxqabadkii Allaha u naxariistee ustaad Maxamed Axmed Xuseen (Dhoobaale) ayaa lag qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabaddaasina ay ka soo qeybgaleen maamulka iyo macalimiinta machadka SIMAD, bulshada rayidka iyo ardey badan.

Ustaad Dhoobaale ayay kooxo hubeysan ku dileen magaalada Muqdisho 3dii September ee sanadkan, isagoo markaasi ku sii jeeday gurigiisa goor uu ka soo baxay shaqadiisii.

Ustaad Dhoobaale ayaa ahaa nin lagu yaqaano karti iyo maskax furan, wuxuuna sanadihii ugu dambeeyay gacan weyn ka geystay baahinta waxbarashada. Marxuumku wux ahaa maskaxdii ka dambeysay Machadka caanka ah ee SIMAD. Sidoo kale wuxuu gacan ka geystay aasaasitaanka machadyo kale sida SOHDEC, isagoo sidoo kale machadyo ka furay gobollada Puntland. ustaadku wuxuu sidoo kale la-talin siin jiray bahda waxbarashada iyo ganacsatada Soomaalida.

Allaha u naxariistee Ustaad Dhoobaale wuxuu ahaa qof aan marnaba dalka ka bixin muddadii burburka, isagoo muddadaasna ku howlanaa horumarinta waxbarashada Soomaalida.

Allaha u naxariistee Dhoobaale wuxu noqon doonaa nin ay tabi doonto bulshada Soomaaliyeed.

Bahda Somali Education waxay aad ga naxeen geerida Dhoobaale, waxayna umadda Soomaaliyeed iyo qofkii uu ka tagayba uga tacsiyadeynayaan geeridaas naxdinta leh.

Inaa Lilaahi wa innaa Ileyhi raajicun

 

 

 Warbixino muhiim ah

Sidee loo xushaa kulliyad, jaamacad, iyo dalka aad wax ka baraneyso? (akhri)
 

Maxaa ardeyga muhiim u ah marka uu u dhoofayo dalka dibeddiisa? (akhri)
 


Sidee wax looga baran karaa dalalkan?

Sidee wax looga baran karaa dalka Suudaan? (akhri)

Sidee wax looga baran karaa dalka Malaysiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Pakistan? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Masar? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Hindiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Urdun? (akhri)

 

Sidee wax looga baran karaa dalka Yemen? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Uganda? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Ruushka? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Shiinaha? (akhri)
 

Contact: somaliedu@yahoo.com
Designed & Hosted by AfroTech