Jaamacadaha Dalka

Amoud University

Alfurqan University

Benadir University

Burao University

East Africa University

Hamar University

Hargeisa University

Hiran University

Indian Ocean University

Islamic University

Kismayo University

Mogadishu University

Puntland State University

Somalia University

Taibah University

SIMAD Institute

SOHDEC Institute

 
 
 
 
 
 

Jaamacadaha aan website-yada lahayn waxaa loogu bishaareynaa in qiimo jaban loogu sameyn doono website dhameystiran. Fadlan la  soo xiriir Somali Education.

Somali Education

Ardeyda Soomaaliyeed ee Jaamacadda Karachi oo casho-sharaf u sameeyay madaxda jaamacaddaasi

Daawo sawirada xafladda oo badan

Karachi - September 17, 2007

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen ardayda Soomaliyeed ee wax ka barata jaamacadda Karachi University ee dalka Pakistan ayaa 12kii September waxa ay ka dhacday guriga martida ee Jaamacadda Karachi University.
Xafladdaan oo ahayd tii ugu horaysay oo ardayda Somaliyeed ee wax ka barata dalkan Pakistan ku martiqaadaan macalimiintooda, ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxda sar sare ee jaamacadda Karachi University sida hormuudka jaamacadda Prof. Dr. Pirzada Qasim Raza Siddiqui, Hormuudka kulliyadaha sayniska, Agaasimaha barnaamijyada galinka dambe, Madaxa la taliyaha ardayda ajaanibta ah Prof. Dr. Kaleem Raza Khan, la taliyaha guud ee ardayda Dr. Khalid Iraqi, macallimiin iyo dadkale oo fara badan.

Xafladdan oo uu aayado Quraan ku furay Yuusuf Awdheegle ayaa gabdhaha Soomaalida waxa ay ku soo bandhigeen cunto Soomaali sida: Canjeero (laxoox), maraq (dalac bilaash ah), iyo baasto.. Cashadaasoo intii xafladda ka soo qeyb gashay ay aad uga helaan, iyadoo ka-sooqeybgalayaashii u dhashay dalka Pakistan ay cuneen canjeerada iyo maraqa Soomaalida oo kaliya.


Hablaha Soomaaliyeed oo la sawiran Guddoomiyaha Jaamacadda

Intii lagu guda jiray xafladaan ayaa ardayda somaliyeed waxay abaal marin guddoonsiiyeen qaar badan oo ka mid ah madaxda jaamacadda sida Guddoomiyaha jaamacadda Prof. Dr. Pirzada Qasim Raza Siddiqui, la taliyaha ardayda ajaanibta ah Prof. Dr. Kaleem Raza Khan, Xoghaynta Hostelka Wiilasha, Syed Jamsheed, maamulihii hore ee Hostelka wiilasha Prof. Dr. M. Iqbal, maamulaha hadda ee Hostelka wiilasha Dr. Zafar Iqbal, iyo kuwa kale oo fara badan. Abaal marintaas ka dib ayaa madaxda jaamacadda laftoodu waxay abaal marin taas la mid ah gudoonsiiyeen qabanqaabiyayaashii xafladda. Waxayna uga mahadceliyeen sida sharafta leh ee ay u soo qaban qaabiyeen xafladdan ayagoo gudoonsiiyay shahaadooyin ay ku saxiisanyihiin madaxda sar sare ee jaamacadda Karachi.

Ujeeddada xafladdaan ayaa ahayd isbarasho dhex marta ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadda Karachi University iyo madaxda sar sare jaamacadda, waxaana intii ay socotay xafladaan ardaydu halkaas ku soo bandhigeen waxyaabo badan oo kala duwan, waxaase xusid mudan riwaayad ay halkaas ku soo bandhigeen ardaydu oo ka hadlaysay dhibka uu la kulmo ardayga Soomaaliyeed marka uu ku cusubyahay wadankaan iyo faa iidada uu gaaro markuu dhamaysto wax barashadiisa. Riwayadan oo uu horjooge ka ahaa Miizaan Khan oo ahayd mid si aad ah looga helay ayaa ardaydu ku soo bandhigeen dhaliilo iyo amaano is garab socda oo ay u jeedinayeen jaamacadda Karachi University.

Guddoomiyaha jaamacadda Karachi University Prof. Dr. Pirzada Qasim Raza Siddiqui oo halkaas hadal ka soo jeediyay ayaa u mahadceliayay ardayda Somaliyeed wuxuuna sheegay in xafladaan ay ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay wuxuuna sidoo kale sheegay in ardayda Somaliyeed Pakistan u tahay dalkoodii labaad uuna u aqoonsanyahay ardayda somaliyeed inaysan ahayn ajaanib balse ay yihiin ama ay la mid yihiin dadka Pakistanta ah.
 
Prof. Siddiqui wuxuu intaas raaciyay inuu fahmay dhaliilaha ay tabanayaan ardayda Somaliyeed, wuxuuna goobtaas ka sheegay balanqaadyo badan oo uu wax ugu qabanayo aradayda waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “haddaan nahay madaxada jaamacadda Karachi University waxaan jecelnahay inaan soo diyaarino xaflad aan u qabanayno ardayda Somaliyeed ee wax ka barata jaaamacadda Karachi dhamaadka bishaan barakaysan ee Ramaddan hadii Alle idmo waxaana rajaynaynaa inaan idiin samayno wixii aad u baahatihiin oo daruuri ah”.
 
Md. Maxamed C/raxiim (Shariif) oo ah arday haatan ka wada MBA jaamacadda Karachi, kuna hadlayay magaca ardayda wax ka barata jaamacadda Karachi University ayaa u mahad celiyay, maamulka, macalimiinta iyo dhamaan dadka reer pakistan oo uu ku sheegay inay si wanaagsan ula mucaamileen dadka Soomaalida ah iyo waliba dadka ajaanibta ah dhamaan ugu danbayntii Mudane SHarif wuxuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Pakistan waxay ay u qabatay dadka Soomaaliyeed inay tahay wax aan la hilmaami karin wuxuuna u dar daarmay ardayda somaliyeed inay ka soo bixi doonaan kaalintooda wax barasho.

Dhanka kale xafladaan oo ahayd mid aad u bilicsan sifiicana looga soo shaqeeyay ayaan wax ka waydiiyay qaar ka mid ah qaban qaabiyayaashii cidda ka gacan siisay qarashkii ku baxay xafladan waxayna ii sheegeen ardayda dhexdoodu inay iska aruuriyeen qarashkaan balse waxay mahadcelin balaaran oo gaar ah u jeediyeen Mudane Axmed Abdi Osman oo ah masuul ka tirsan Shirgada AL-Mutaqbal oo kaalin libaaxleh ka qaatay qabsoomidii xafladaan.

Jaamacadda Karachi University ayaa ka mid ah jaamacaddaha ugu waa wayn jaamacaddaha dowliga ah ee dalkaan Pakistan waxaana la aas aasay jaamacaddan sanadii 1951. hadaba jaamacaddan oo ka koobanta 58 qaybood ayaa waxaa wax ka barta arday fara badan oo Somali ah oo ka kala yimid Afrika, Yurub, iyo America, waxaana ardaydaan dhigtaan qaybaha ugu sar sareeya ee jaamacaddan. Si kastaba ha ahaatee jaamacaddan oo ah jaamacad caan ka ah gudaha dalkan Pakistan iyo dibadaba ayaa waxaa wax ka barta arday fara badan oo kala yimid wadamo kala duwan oo caalamka ah sida, Somalia, Sudan, Uganda, Turkish, Malaysia, Oman, Saudi Arabia, Kuwait, iyo wadamo kale oo fara badan waxaana ardadyda somalidu noqdeen kuwiii ugu horeeyay oo xaflad sharaf u sameeya madaxda sar sare ee jaamacaddan Karachi.

Guddiga qabanqaabada

Cabdullahi Aden Shabac - Microbiology final year
Maxamed Cabdiraxim Sharif - MBA final year
Farhan Bashir - Pharmacy 4th year
Cabdirashid Dahir Aye - Pharmacy Final year
Maxmed Cabdiqqadir Caddow - Economics 2nd year
Ali Xasan Allow - MBA final year
Muqtar Diiriye Khaliif - International Relations - 3rd year
 


Guddoomiyaha Jaamacadda (dhexda) oo ay la jiraan qaar ka mid ah ardeyda Soomaaliyeed


Martisharaftii ka soo qeybgashay xafladda

 
Guddoomiyaha Jaamacadda (dhexda) oo ay la jiraan qaar ka mid ah ardeyda Soomaaliyeed

Daawo sawirada xafladda oo badan
 

 Warbixino muhiim ah

Sidee loo xushaa kulliyad, jaamacad, iyo dalka aad wax ka baraneyso? (akhri)
 

Maxaa ardeyga muhiim u ah marka uu u dhoofayo dalka dibeddiisa? (akhri)
 


Sidee wax looga baran karaa dalalkan?

Sidee wax looga baran karaa dalka Suudaan? (akhri)

Sidee wax looga baran karaa dalka Malaysiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Pakistan? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Masar? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Hindiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Urdun? (akhri)

 

Sidee wax looga baran karaa dalka Yemen? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Uganda? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Ruushka? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Shiinaha? (akhri)
 

Contact: somaliedu@yahoo.com
Designed & Hosted by AfroTech