Jaamacadaha Dalka

Amoud University

Alfurqan University

Benadir University

Burao University

East Africa University

Hamar University

Hargeisa University

Hiran University

Indian Ocean University

Islamic University

Kismayo University

Mogadishu University

Puntland State University

Somali University

Taibah University

SIMAD Institute

SOHDEC Institute

 
 
 
 
 
 

Jaamacadaha aan website-yada lahayn waxaa loogu bishaareynaa in qiimo jaban loogu sameyn doono website dhameystiran. Fadlan la soo xiriir Somali Education.

Somali Education

Xaalada waxbarashada ee dalka Bangladesh

Waddanka Bangladesh waxa uu ka mid yahay waddamada ku yaala koonfurta Asia, waxaana sadex jiho kaga hareersan wadanka India. Dalka Bangladesh waxu xurnimada qaatay sanadkii 1947, ayagoo qeeb ka ahaa dalka Pakistan waxaana la oran jiray xiligaa, bariga Pakistan ama (East Pakistan), halka wadana hada Pakistan loo yaqaano uu ahaa Galbeedka Pakistan (West Pakistan), Bangladesh waxay xurinamadedii ka qaadatay Pakistan sanadkii 1971.

Dalka Bangladesh waa dal aad u yar, masaaxadiisa waa 148,000 KM2, waxaana ku nool dad aad u badan oo kor u dhaafaaya 140 milyan, waana wadanka 2aad ee ugu muslimka badan (after Indonisia), nisbada muslimiinta waxay la egtahay 88.3%

Bangladesh waxaa lagu tiriyaa wadamada faqiiraka ah ama wadamada loo yaqaan Devoloping countries (wadamada soo koraaya), BD waa wadan aad u warshado badan, waxay aad usoo saaraan dharka, dawada, iyo bariiska, waxaybaha ugu badan ee caalamka u dhoofiyaana waxaa ka mid ah dadka oo isugu jira aqoonyahano iyo xoogsataba.

Cimilio ahaan, wadankan wuxuu leyahay ilaa 6 xili (Season), balse malaha qabow ama kuleel  aad u daran sida inta badan dadka ay moodaan.

Dadka Bangladesh waa dad ad u jecel ama ixtiraama ajaanibta, intabadana fikir  aad u yar ayeey ka haystaan caalamka kale ama juquraafiga ayaga oo qaarkood afrika hal wadan mooda

Bangladesh waxa ku nool tiro Soomaali aad u yar qiyaas ahaan ilaa 50 meeyo oo is wada garanaysa, intabadana waa ardo wax ka barta jaamacadaha dalkan oo dhamaan isku wada xiran lehna hal gudoomiye.

Dhanka waxbarashada    

Dalka Bangladesh waxuu leeyahay ilaa 20meeyo public Universities (kuwada Dowlada) iyo in kabadan 60 Private Universities, waxaa sahl ah in la helo kuwa private ka ah, guud ahaan waxbarashada dalkan waa mid jaban aadna u taya wanaagsan, waxaana fudud sida loo helo jaamacadaha halkan. Luqada wax lagu barto jaamacadaha badankood waa English, inkastoo jaamacadaha qaar ay ku dhex daraaan sharaxaada luqada dalkan Bangala.

Dhanka nolosha qofka dexdexaadka ah waxaa ku filan bishii 150$ - 200$ (for normal life).

Dhamaan waxbarasha dalkan waxaa lagu dhameynkaraa mudo 4 sano ama 8 semesters marka laga reebo caafimaadka oo 5-6 sano ah

Dhanka qarashka jaamacadaha, waxay ku xirantahay jaamacda aad rabto iyo nooca kuliyada, jaamacadaha aadka u taydaa sareeya iyo koliyadaha cilmiga ah way ka qarash badan yihiin kuwa kale. waana sidatan qarashadka wax lagu barto celcelis ahaan:

Engineering 1                500$ ilaa 900$ /semester (8 semesters total)3

Medicine (caafimaad)     2000$ ilaa 4000$/sanadkii (5 sano oo lacag ah + 1 oo lacaglan ah )

Computers and IT         400$ ilaa 800$/semester (8 semesters total)

Science 2                     450$ ilaa 700$ /semester (8 semesters total)

Business                       500$ ilaa 800$/semester (8 semesters total)

NB:  1-Engineering: Electrical and Electronics, Mechanical, Civil, Chemical, Computer, Textile...

2- Science: waxaa ka mid ah: Pharmacology, Microbiology, Biochemistry, Public Health …

3- Jaamacada qaar waxay leyihiin 12 semesters ayagoo sanadkii u kala qaada 3 semester,

4sano x 3 semester=12 semester balse qarash ahaan waa isku mid labada system oo wax farqi ah majiraan        

Dhamaan Jaamacadaha Bangladesh ma bixiyaan deeq-waxbarasho (scholarships), waxa kaliya ee aad kusoo tashan kartaa uun waa jeebkaaga, iyo wixii aad hubto in laguu soo diri karo, waxaa jirta mararka qaarkood in la helo tiro aad iyo aad u yar oo minxo ah (scholarships).

Dhanka Masters ka ama waxbarashada sare, waxaa jira taqasusaad badan oo kala nooc ah, aad ayeeyna u sahlantahay in la helo, waxaana intaa dheer intabadan jaamacadaha dalkan way ictiraafsan yihiin jaamacadaha Soomaaliya  kajira sida jaamacada Muqdisho, jaamacada Camuud ama jaamacadaha kale.

Sidee lagu heli karaa jaamacad?

Sida ugu wanaagan ee lagu heli karo jaamacad walba ee caalamka waa through Internet, adigoo google.com ku qoraaya Universities in Bangladesh + Engineering (ama + cilmiga aad rabto in aad barato), ama waxaad ku qoraysaa magaca jaamacada, kadibna waxaa kuu soo baxaaya websiteka jaamacada, waxaad fiirinaysaa shuruudaha ama Requiements ka, qarashka jaamacada iyo goorta ay bilaabanayso, ka dibna waxaad email usoo diraysaa Registrar ka jaamacada  adigoo isku sharxaaya waydiinaayana sualahaaga, iyo in aad rabto jaamacada,

Waxaa kaloo ku heli kartaa adigoo la soo xiriira ardayda halkan wax ka barata, una soo dira documentiskaga sidaana ay kuugu soo saaraaan warqada ogalaanshaha waxbarashada (Admission Letter).

Ma adka helitaanka visaha dalkan marka loo eego wadamada qaarkood sida India ama Pakistan, ardayga waxbarasha ka helana si toos ah ayuu u bilaabaayaa iyadoo aan jirin wax kaloo lagu xiraayo ardayga.

 

List of Some Universities in Bangladesh

Jaamacadaha Gaarka ah (Private Universities)

* North South University (NU)
* East West University (EWU)
(Jaamacadan ayaan Masters in Telecom Eng. kadhigtaa )

* American International University of Bangladesh (AIUB)
* Independent University of Bangladesh (IUB)
* Barac University
* Asia university of Bangladesh (AUB)
* Ahsanullah University
* Islamic University of chittagong
* Queen's University of Bangladesh
* Asia Pacific University
* Darul Ihsan University
* International University of Business Agriculture and Technology (IUBAT)

 

Jaamacadaha dowladdu leedahay (Public Universities)

* Dhaka University (DU)
* Bangladesh University of Information and Technology (BUET)
* Islamic University of Technology (IUT)
* Institute of Business Administration (IBA)

* Jahangirnagar University
* Rajshahi University
* Chittagong University
* Shahjalal University of Science and Technology

 

Jaamacadaha Shisheeye ee xarumaha ku leh Bangaladesh (Foreign Universities in Bangladesh)

* Perdana College of Malaysia
* Victoria University of Technology, Melbourne, Australia
* Royal Roads University, BC, Canada

Ugu danbayn, wixii faahfaahin dheeraad ah ee ku saabsan waxbarashada ama jaamacadaha dalkaaan waxaad kala soo xiriiri kartaa cinwaankan: caadilamiin@hotmail.com

 Waxaa diyaariyay:

Eng. Mohamed Hussein (Adil Amin)

 

 Warbixino muhiim ah

Sidee loo xushaa kulliyad, jaamacad, iyo dalka aad wax ka baraneyso? (akhri)
 

Maxaa ardeyga muhiim u ah marka uu u dhoofayo dalka dibeddiisa? (akhri)
 


Sidee wax looga baran karaa dalalkan?

Sidee wax looga baran karaa dalka Suudaan? (akhri)

Sidee wax looga baran karaa dalka Malaysiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Pakistan? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Masar? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Hindiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Urdun? (akhri)

 

Sidee wax looga baran karaa dalka Yemen? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Uganda? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Ruushka? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Shiinaha? (akhri)
 

Contact: somaliedu@yahoo.com
Designed & Hosted by AfroTech