Cilmiga Kombuyuutarka:
Barashadiisa iyo Waxay Kaaga Baahantahay
Waxaan
jeclahay qoraalkan gaaban inaan ku soo koobo inta suura galka ah
waxay tahay maadadii aan afartii sanno ee la soo dhaafay
dhiganayay oo ah Computer Science, wixii caqabado aan la kulmay,
waxyaabaha aan u arko in ciddii danaynaysa ay u baahan tahay
inay ogaato si ay si guul leh ugu dhamaysato barnaamijka
Bachelor of Science in Computer Science.
Computer
Science, inta aan ka garanayo ama ay ku kooban tahay aqoontayda
aan u leeyahayi, waa laan cilmiyada la barto ka mid ah oo qaybo
badan leh, loona aqoonsaday laan cilmiyeed oo si rasmi ah loo
barto 1960meeyadii. Waxa uu galay hadda computer ka barashadiisu
meelo badan, oo maaha waqtigan la joogo wax computer la xiriira
barashadoodu wax u khaas ah dadka computer science ka barta oo
kaliya. Tusaale ahaan ardayda Business ka baranaysa maadooyin
dhawr ah oo computer la xiriira oo ay bartaan.
Dhanka
kalena computer science ku ma aha kaliya barashada computer ka
iyo waxa la xiriira, waxana la aaminsanyahay inuu xiriir aad u
weyn la leeyahay Xisaabta (Mathematics) iyo barashadeeda, illaa
heer jaamacado badan ay is raaciyaan labada qaybood oo ay u
xilsaaraan hal faculty ama department labadaa maaddo dhigistooda
iyo wixii la xiriira.
Intaa hadaan
ka soo qaadno inay tahay hordhac, hadaba computer science muxuu
sidiisu khuseeyaa oo uu yahay? Computer science waa barashada
qawaaniinta ama sharciyada wax xisaabinta iyadoo la isticmaalayo
qalabkaa elektroonik-ga ah (computer ka), waxayna nagu caawisaa
si aan u fahanno sida computers-ku ay u xaliyaan masaa’isha
xalka u baahan, noocyada uu xalin karo, iyo mas’aladii sidii
computer ka loogu dhiibi lahaa si uu u xaliyo. Waxa sal u ah
fikrado theoretical ah iyo asaas xisaabeed. Waxa lagu sheegaa in
computer science ku uu keenay fikradaha iyo principles ka uu ku
dhisan yahay ama abuuray cilmiga Information Technology-gu.
Badanaana waa laysku khaldaa oo faraqa u dhexeeya labada field
waxa ka jira doodo badan.1
Manaahijta
ama sylubus ka jaamacaduhu badanaa laba waji ayay ku bixiyaan
barnaamijka computer science ka:
-
Qaar xoogga saara maadada qaybteeda theoretical ka ah, oo
badanaa dhiga courses la xiriira algorithms ka iyo theory-ga
computation ka
-
Qaar xoogga saara barnaamij qoridda (computer programming) iyo
courses ka la xiriira, taasoo u diyaarinaysa ardayga dhanka
camaliga iyo suuqa barnaamijyada inuu galo.
Waxayse
dhammaan ka wada siman yihiin manaahijta rasmiga ah ee computer
science ku inay ardayga ka dhisayaan laamaha kala duwan ee
cilmigu uu leeyahay iyo mathematical reasoning ka, taasoo u
suurogalinaysa qofka inuu noqdo qof xal abuura ama solutions
provider waxay u yaqaanaan isagoo u isticmaalaya qalabka
computer ka si xalkaas uu u hirgeliyo.
Badanaa waxa
ay dadku ku khaldaan qofka computer science ka barta inuu yahay
programmer ama qof yaqaan sida barnaamijyada computer ka loo
qoro. Inkastoo ay gartood tahay dadkaa maadaama manhajkii uu u
muuqdo sidii inuu xoogga saarayo dhanka programming ka, hadana
waxa jira faraq weyn. Qofka programmer ka ahi caadiyan waa qof
yaqaan sida loo isticmaalo barnaamijyada computer ka lagu
program-gareeyo; oo kama badna xal laga soo fekeray iyo
dariiqooyin xaleed ay dad kale ka soo fekereen (algorithms) inuu
u badalo mid shaqaynaya una jira barnaamij ahaan. Dhanka
kale qofka computer science ka bartay, waa
inuu noqdaa programmer ama qof luqadaa isagu yaqaan
isticmaalkooda iyo wax ku program-garayntooda.
Qofka barta
computer science ku hadaan Somali nahay waxa laga yaabaa inay
noogu muuqan in uu wax badan wadanka u qaban karo ama, waa midda
noo muhiimsan badankeene, uu wax badan ka qabsan karayn. Waxaan
aaminsanahay si kastoo dhulkii u qasan yahay, in waligeed iyadoo
ay sedan iska ahayd horumar ku dhankiisa ka socday. Dadkii
waxaad u malaysaa inay sii fahmayaan in nidaamyadoodii la wada
badalo kuwo computerized ah ay ku jirto faaiido badan. Xitaa
dawladdii aan wali salka yeelan ayaa nidaam computer oo loo
isticmaalo passports ka iyo control-kooda ayaa lacag badan looga
bixiyay. Ixtimaalaatka iyo fursaduhu ma yara, inkastoo rajo
badan wadankii ay ka muuqan.
Si fikrad
aan uga qaadanno qofka barta computer science noocyada
shaqooyinka u qaban karo, waxay ku wacan tahay inaan marka hore
fiirinno laamaha kala duwan ee computer science ku leeyahay, oo
kala ah:
-
Xisaabaadka Asaaska u ah computer science ka ama ay ku dhisan
tahay iyo theory-ga wax xisaabinta iyo algorithms ka. Qaybtan
oo badanaa loo yaqaan Theoretical computer science waxa jira
jaamacado bixiya isaga si khaas ah. Qofka bartaa wuxuu noqdaa
qof ku shaqeeya abuurista dariiqooyin lagu xaliyo (algorithms)
masaa’isha u baahan xal, oo la xiriiri kara cilmi kasta oo
maanta jiri kara
-
Programming languages iyo abuuristooda. Qaybtan qofkii barta
wuxu noqdaa qof abuura ama alifa barnaamijyada iyagu laftooda
wax lagu program gareeyo.
-
Software Engineering oo isagu ah cilmi la xiriira samaynta
barnaamijyada waa weyn iyo dariiqooyinka loo abuuro eekala
duwan. Qofka bartaa wuxuu abuuraa, ka sokow barnaamijyada iyo
nidaamyada computer ka, qaabab loo sameeyo iyo farsamooyin
fududeeya isla hawsha barnaamij samaynta. Waxa qaybtan aad
loogu khaldaa qofka barta inuu yahay programmer, laakiin
xirfadda ama kartida qofku u leeyahay inuu wax barnaamij
gareeyo waa mid udub dhexaad u ah qaybaha kala duwan ee
computer science ka.
-
Systems Architecture: qaybtan waxay khusaysaa dhisidda
computer-da iyo barnaamijyada computer ka laftiisa lagu
maamulo ee loo yaqaan Operating Systems ka iyo waliba
horumarintooda
-
Communications: qaybtan waxa soo hoos gala networking ka aad
ka u magaca dheer ee dadka badanaa ay garanayaan, gudbinta
maqalka iyo muuqaalka, iyo kaydinta iyo ilaalinta ammaanka
shabakadda, computer-ka, iyo xogta iyo macluumaadka (computer
and network security). Qofka qaybtan ku takhasusaana wuxuu
awood u yeelanayaa inuu maamulo shabakad xiriirinaysa
computers badan inuu maamulo.
-
Databases: qaybtani waxay khusaysaa maamulidda iyo kaydinta
xogta ay ku tiirsan yihiin nidaamyada macluumaad ee
shirkaddahu badanaa hadda wada isticmaalaan; qof ka bartaana
wuxuu noqonayaa Database Administrator/Developer ama designer,
oo awood u leh inuu maamulo xogta iyo nidaamkaa kaydinaya, iyo
inuu abuuro qaababka xogta loo kaydinayo.
-
Artificial Intelligence: waa qayb qaabilsan matalaadda qaabka
maskaxdu u shaqayso si loogu dabaqo nidaamyada computerada.
Illaa iyo hadda waxa sheegaa in ujeedadeedii wali ay gaarin
ama ay u dhawayn, inkastoo isku dayo badan ay jiraan si loo
abuuro qalab computer iskii u fekeraya go’aanadana u gaaraya
iyadoo ay dad maamulayn.
-
Computer Graphics and Multimedia: oo qaabilsan habaynta
muuqaalada iyo abuuristooda iyadoo la isticmaalayo computer.
Waxa loo isticmaalaa si loo analyze gareeyo muuqaalada. Qayb
ka mid ahi waxay si aad ah ula shaqaysaa Artificial
Intelligence ka si qalabyada computer ka loogu sahlo inay
aqoonsadaan muuqaalada kala duwan.
Qaybaha kala
duwan ee computer science ku intaa kuma eka oo cilmigu waa ka
ballaaran yahay. Qayb iskeed u taaganna ma jirto oo waa isku
dhisan yihiin isna soo dhex galaan.
Maxaa u dhexeeya Computer Science
iyo IT?
Faraqa u
dhexeeya computer science iyo Information technology waxa lagu
sheegaa inuu yahay in IT da - oo hadda badanaa loo yaqaan
Information and Communications Technology (ICT) – ay tahay
barashada isticmaalka computer-ada si loogu xaliyo hawlaha
horyimaadda ganacsiga iyo xogta muhiimka u ah horumarkiisa.
Badanaa waxa la isku xiraa dhawr nidaam oo ka kooban qaar
shabakadeed ama network iyo nidaamyo macluumaad si shirkadda ama
gacansiga isticmaalaya wax soosaarkiisa sare loogu qaado.
Maxaa looga baahan yahay qofka
inuu barto raba cilmigan?
Su’aashan si
aan uga jawaabo, aniga barashadaydii aan baranayay inaan ku
saleeyo ayay ku quman tahay si sawir fiican aan uga bixiyo.
Markaan bilaabayay waxaan wax ku soo bartay nidaam carabi ah,
inkastoo English oo ah luqaddii ay duruustu ku baxaysay ay wax
fiican iiga bilownaayeen. Luqaddii aan ku roonaa kaalin fiican
ayay iiga soo baxday, oo waxaan is waydiiyaa marmar ka qaar
haddii English kaygu uu eber ahaan lahaa sidaan uga bixi lahaa.
Waxaan ula jeedo maaha in computer science uu English ku shardi
u yahay, laakiin references ka iyo buugaagta si aad awood ugu
yeelato inaad iskaa u akhrisato, iskaana wax badan wax isku
barto, waxaad u baahan tahay mar walba waxaad baranaysaaba waxay
noqdaan inaad luqaddii si fiican u hayso.
Waxa aan
dhibaato badan kala kulmay dhanka xisaabta oo ah maaddo aad iyo
aad uu ugu dhisan yahay computer science ku. Inkastoo aan sidaa
ugu sii xumayn, hadana waxaan dareemayay mar walba xisaabtii
dugsiga sare ku soo bartay iyo tii si gaar ah luqadda ingiriiska
la iigu dhigay ay wali igu filayn. Waxaan kaloo u fiirsaday
qofba qofku uga fiican yahay maadada xisaabta inuu maadooyinka
science kana uga roonaanayo. Waxa inaan si fiican oo xiise leh
inaan u dhameeyo barnaamijkii afarta sanno ahaa ii suuro galiyay,
ilaahay mahaddii, laba sanno oo iiga horeeyay jaamacadda oo aan
baranayay maadooyin la xiriira computer iyo Information
Technology. Caqabadda dhanka xisaabtuna waxay ahayd mid ardayda
soomaaliyeed intaan garanayay wada haystay; caqabad aan u
aanaynayo manhajka daraasiga ah ee dugsiga sare ee 10 kii sanno
ee la soo dhaafay inuu aad ugu liito dhanka maadooyinka science
ka iyo xisaabta.
Ugu dambeyn
qofka baranaya computer science ka iyo guud ahaan cilmi kasta
waxaan kula talin lahaa kuna adkayn lahaa inuu marka hore
naftiisa ku abuuro jacayl uu u qabo maadada uu baranayo ama
baran doono. Waxay wax badan ka caawinaysaa in intuu wax
baranayo - oo caadiyan ah muddo 4 sanno ah haddii uu Bachelors
degree ku joojinayo waxbarashadiisa – in waxii uu baranayay uu u
arkin culays uu is dhaafinayo balse uu u arko wax barashadooda
uu ku raaxaysanayo, taasoo usii sahlaysa inuu noqdo qof hore
isku mariya, wax soo saar iyo hal abuurnimana yeesha. Sidoo kale
markaad dugsiga sare dhamayso hore jaamacadda ha uga dagdagin
haddii ay suurogal kuu tahay, oo sanad ugu yaraan gali wixii aad
baran lahayd inaad si fiican iskaga sii dhisto, waxay tahayna
aad u ogaato. Waxa dhibaato ah in dad badan ay baxaan iyagoon
runtii ogayn ujeedada iyo waxa ay usoo baxeen inay bartaan,
kaliya waxa loo soo baxayaa in jaamacad la galo; jaamacaddu waa
tee? Maxaad jeceshahay inaad barato? Su’aalaha qofka muhiimka u
ah cid is waydiisaa ma jirto; wuxuu qofkii is arkaa sanad iyo
laba kadib markuu waxbarashadii wado inay wixii ahayn wax uu
rabay inuu barto ama uusan ba niyad u hayn. Waa khasaaro iskeed
ah, ka kabsigeeduna u sahlanayn ciddii waqtigeeda ku
xisaabtamaysa.
Waxaa
diyaariyay:
C/laahi Xuseen Biixi
Madaxa Somali Forum for ICT
www.sofict.org
BCA(BACHELOR OF
COMPUTER APPLICATION)
Maadada BCA waa maado ka
mida cilmiga computer technology, sida magacaba ku cad waxay
xooga saartaa programming gaar ahaan computer applications, inta
badan waxay isku mid yihiin waxa loo yaqaan Information
Technology (IT), oo maadooyinka lagu barto(syllabus) way iska
aga dhowyihiin, waxyse computer science uga duwantahay, Computer
applications waxa uu xooga saaraa sidaan horay u sheegnay
dhinaca diyaarinta software-ka computer-ka halka computer
science uu xooga ka saaro dhismaha gudaha ee computerka, sida
hardware-ka iyo circuitry design, dabcan ruuxii danaynaya waxa
uu website-yada jaamacaha ka raadin karaa syllabus-ka BCA ama kuliyada
kale ee uu rabo si uu u ogaado maadooyinka lagu dhex barto.
Waxaa
diyaariyay:
Maxamed Xuseen Mursal
BCA