|
Sidee wax looga baran karaa dalka Hindiya?
Marka hore waan
ku faraxsanahay dadaalka waxbarasho ee ay waddo Xarunta La-talinta
Waxbarashada ee Afro, gaar ahaan mida macluumaadka loogu
raadinayo ardayda rabta inay waxabrasho dibadaha u raadsadaan.
Dabcan waa dhib isoo maray oo haddii aadan cid macluumaad kugu
caawisa helin way dhib badan tahay. Ardayga jaamacad raadiska
ahi warbixinta ugu muhiimsan ee uu u baahanyahy waa warbixin ku
saabasan guud ahaan waddanka uu danaynayo inuu wax ka barto.
Haddaba waxaan
muhiim u arkay in aan macluumaad guud ka siiyo ardayda India iyo
qaabka wax loogu baran karo.
India waa waddan aad u ballaaran, waxaana ku yaalla wax ka badan
250 jaamacadood oo ay intaas sii dheer yihiin macaahida magaca
weyn ku leh waddanka aadna loo doorbido. Wax ka badan
10000(toban kun) oo arday ajaanib ah ayaa sanadkii waddankan wax
ka baranaya.
NOOCYADA JAAMACADAHA WADANKAN
Jaamacadaha
wadankan waxaa mar loo qaybin karaa sidan
1. Affliating Universities: waa jaamacado kulliydaheeda kala
gaddisan lagu barto college-yo ay aqoonsi siisay oo hoos yimaada.
2. Unitary Universities: waa jaamacado kuliyadaheeda kala
gadisan lagu barto jaamacadda dhexdeeda.
3. Private Universities: waa jaamacado la mida unitary
universities, laakiin si gaar ah loo leeyahay.
Mar kale jaamacada India waxa loo
qaybin karaa sidan:
1. Central universities: waa jaamacadaha ay maamusho dowladda
federal-ka ah sida Delhi University, GNTU, etc.
2. State universities: Jaamacadahan maamulkooda wuxuu hoos
yimaada hadba dowlada gobolka ay ku yaallaan, sida Mumbai
university, Osmania university, Agra university etc. .
3. Technical universities: waxay la mid tahay uun state
university laakiin waxaa xoogga la saaraa kulliyadaha
professionalka iyo technical-ka sida engineering etc.
4. Private university oo aan horay u sheegnay sida Amity
university.
5. Deemed universities: kuwani dhab ahaan jaamacado ma aha
laakiin waxaa loo tix galiyaa sida jaamacada oo kale, sumcad
wayna bulshada ayay ku dhex leeyihiin. Waxaa ka mida Indian
Institute of Sciences, Indian Institute of Management, etc.
Jaamacadaha inta badan wax laga barto dhaqaale ahaana laga bixi
karaayi waa Central, State iyo technical universities, waxaase
halkan xusid mudan in jaamacadaha private-ka ama deemed-ka ahi
ay ka sumacad iyo tayo wanaagsanyihiin kuwan aan kor ku soo
sheegnay maxaa yeelay tas-hiilaadka(facilities) ay bixinayaan
ayaa aad u sarreeya ardayda ka soo qalinjabisana shaqo aad u
sarraysa ayay helaan, hase ahaate kharashka wax looga baran karo
ayaa aad u qaali ah(USD 10,000) iyo wax ka badan sanadkii,
laakiin taasi macnaheedu ma aha in jaamacadaha kale ay tayo
liitaan.
KULIYADAHA LA
HELI KARO WADDANKAN
Inta badan kuliyadaha muhiimka ah waa la heli karaa, waxaan ka
ahayn medicine, waayo guud ahaan waddankan kulliyadda
caafimaadka way xaddidan tahay waxaana imtixaan u gala ardayda
Hindida ah, waxaa intaa sii dheer lacag aanan waxbarashada ka
mid ahayn oo la bixiyo marka hore(donation). Hase ahaatee ciddii
danaynaysa waxaa la helaa pharmacy, medical lab, micro iyo
biotechnology.
Inta badan wadankan ardaydu waxay baran jireen kuliyadaha
computer-ka iyo management-ga la xiriira, hadase waxaa jira
arday kuliyadaha kale barta sida engineering oo kale.
Maadaama kharashka wax lagu bartaayi uu ku xiran yahay hadba
ardaygu kulliyada ama maadada uu danaynayo suura gal ma aha
inaan halkan qiimo xaddidan oo India wax looga barto sheego
DHIBAATOOYINKA ARDAYDA SOOMALIYEED LA KULMI KARAAN
Ilaa sanadkii la soo
dhaafay inta badan ardayda Soomaaliya ka timaada ee India
waxbarashada u soo doonta waxay u iman jireen inay bartaan
computer science, taas waxaad moodaa hadda inay is yara badashay,
oo ardaygii ka bixi kara dhaqaale ahaan kuliyada uu rabo iyo
jaamacadda ama institute-ka uu rabo ayuu heli karaa, dabcan
waxaan medicine ka ahayn.
Hase
yeeshee dhibka ugu wayni waxa uu ahaa wareer ka soo wajaha ardaygu maaddada
uu dooranayo,. Dhib kale oo isagana jira ayaa ah luqadda
englishka oo ah luuqada waddankan jaamacadaha wax looga dhigo
(language of Instruction), marka waa in ardaygu ku soo dadaalaa
luuqadaas,
Arrin aan u arko inay muhim tahay ayaa ah nooca jaamacada uu
ardaygu dooranayo. Ardayda illaa hadda waxay wax ka dhigtaan
Affliating universities, oo waxay xaadiraan college-yo, waxayna
deggen yihiin guryo kiro ah. Inkasta oo ardayga dadaalaya aysan
wax dhib ah ku noqonayn, haddana waxaan kula talin lahaa in
ardaydu raadsadaan jaamcadaha unitary-ga ah ee ardaygu dhex
dagayo campus-ka jaamacada.
WQ. Maxamed Xuseen Mursal
BCA, MBA (India)
|