Jaamacadaha Dalka

Amoud University

Alfurqan University

Benadir University

Burao University

East Africa University

Hamar University

Hargeisa University

Hiran University

Indian Ocean University

Islamic University

Kismayo University

Mogadishu University

Puntland State University

Somalia University

Taibah University

SIMAD Institute

SOHDEC Institute

 
 
 
 
 
 

Jaamacadaha aan website-yada lahayn waxaa loogu bishaareynayaa in qiimo jaban loogu sameyn doono website dhameystiran. Fadlan la soo xiriir Somali Education.

Somali Education

Sidee wax looga baran karaa dalka Hindiya?

Marka hore waan ku faraxsanahay dadaalka waxbarasho ee ay waddo Xarunta La-talinta Waxbarashada ee Afro, gaar ahaan mida macluumaadka loogu raadinayo ardayda rabta inay waxabrasho dibadaha u raadsadaan. Dabcan waa dhib isoo maray oo haddii aadan cid macluumaad kugu caawisa helin way dhib badan tahay. Ardayga jaamacad raadiska ahi warbixinta ugu muhiimsan ee uu u baahanyahy waa warbixin ku saabasan guud ahaan waddanka uu danaynayo inuu wax ka barto.

Haddaba waxaan muhiim u arkay in aan macluumaad guud ka siiyo ardayda India iyo qaabka wax loogu baran karo.
India waa waddan aad u ballaaran, waxaana ku yaalla wax ka badan 250 jaamacadood oo ay intaas sii dheer yihiin macaahida magaca weyn ku leh waddanka aadna loo doorbido. Wax ka badan 10000(toban kun) oo arday ajaanib ah ayaa sanadkii waddankan wax ka baranaya.

NOOCYADA JAAMACADAHA WADANKAN

Jaamacadaha wadankan waxaa mar loo qaybin karaa sidan
1. Affliating Universities: waa jaamacado kulliydaheeda kala gaddisan lagu barto college-yo ay aqoonsi siisay oo hoos yimaada.

2. Unitary Universities: waa jaamacado kuliyadaheeda kala gadisan lagu barto jaamacadda dhexdeeda.

3. Private Universities: waa jaamacado la mida unitary universities, laakiin si gaar ah loo leeyahay.

Mar kale jaamacada India waxa loo qaybin karaa sidan:
1. Central universities: waa jaamacadaha ay maamusho dowladda federal-ka ah sida Delhi University, GNTU, etc.

2. State universities: Jaamacadahan maamulkooda wuxuu hoos yimaada hadba dowlada gobolka ay ku yaallaan, sida Mumbai university, Osmania university, Agra university etc. .

3. Technical universities: waxay la mid tahay uun state university laakiin waxaa xoogga la saaraa kulliyadaha professionalka iyo technical-ka sida engineering etc.

4. Private university oo aan horay u sheegnay sida Amity university.

5. Deemed universities: kuwani dhab ahaan jaamacado ma aha laakiin waxaa loo tix galiyaa sida jaamacada oo kale, sumcad wayna bulshada ayay ku dhex leeyihiin. Waxaa ka mida Indian Institute of Sciences, Indian Institute of Management, etc.

Jaamacadaha inta badan wax laga barto dhaqaale ahaana laga bixi karaayi waa Central, State iyo technical universities, waxaase halkan xusid mudan in jaamacadaha private-ka ama deemed-ka ahi ay ka sumacad iyo tayo wanaagsanyihiin kuwan aan kor ku soo sheegnay maxaa yeelay tas-hiilaadka(facilities) ay bixinayaan ayaa aad u sarreeya ardayda ka soo qalinjabisana shaqo aad u sarraysa ayay helaan, hase ahaate kharashka wax looga baran karo ayaa aad u qaali ah(USD 10,000) iyo wax ka badan sanadkii, laakiin taasi macnaheedu ma aha in jaamacadaha kale ay tayo liitaan.

KULIYADAHA LA HELI KARO WADDANKAN
Inta badan kuliyadaha muhiimka ah waa la heli karaa, waxaan ka ahayn medicine, waayo guud ahaan waddankan kulliyadda caafimaadka way xaddidan tahay waxaana imtixaan u gala ardayda Hindida ah, waxaa intaa sii dheer lacag aanan waxbarashada ka mid ahayn oo la bixiyo marka hore(donation). Hase ahaatee ciddii danaynaysa waxaa la helaa pharmacy, medical lab, micro iyo biotechnology.
Inta badan wadankan ardaydu waxay baran jireen kuliyadaha computer-ka iyo management-ga la xiriira, hadase waxaa jira arday kuliyadaha kale barta sida engineering oo kale.
Maadaama kharashka wax lagu bartaayi uu ku xiran yahay hadba ardaygu kulliyada ama maadada uu danaynayo suura gal ma aha inaan halkan qiimo xaddidan oo India wax looga barto sheego

DHIBAATOOYINKA ARDAYDA SOOMALIYEED LA KULMI KARAAN
Ilaa sanadkii la soo dhaafay inta badan ardayda Soomaaliya ka timaada ee India waxbarashada u soo doonta waxay u iman jireen inay bartaan computer science, taas waxaad moodaa hadda inay is yara badashay, oo ardaygii ka bixi kara dhaqaale ahaan kuliyada uu rabo iyo jaamacadda ama institute-ka uu rabo ayuu heli karaa, dabcan waxaan medicine ka ahayn.

Hase yeeshee dhibka ugu wayni waxa uu ahaa wareer ka soo wajaha ardaygu maaddada uu dooranayo,. Dhib kale oo isagana jira ayaa ah luqadda englishka oo ah luuqada waddankan jaamacadaha wax looga dhigo (language of Instruction), marka waa in ardaygu ku soo dadaalaa luuqadaas,
Arrin aan u arko inay muhim tahay ayaa ah nooca jaamacada uu ardaygu dooranayo. Ardayda illaa hadda waxay wax ka dhigtaan Affliating universities, oo waxay xaadiraan college-yo, waxayna deggen yihiin guryo kiro ah. Inkasta oo ardayga dadaalaya aysan wax dhib ah ku noqonayn, haddana waxaan kula talin lahaa in ardaydu raadsadaan jaamcadaha unitary-ga ah ee ardaygu dhex dagayo campus-ka jaamacada.

WQ. Maxamed Xuseen Mursal
BCA, MBA (India)
 

 Warbixino muhiim ah

Sidee loo xushaa kulliyad, jaamacad, iyo dalka aad wax ka baraneyso? (akhri)
 

Maxaa ardeyga muhiim u ah marka uu u dhoofayo dalka dibeddiisa? (akhri)
 


Sidee wax looga baran karaa dalalkan?

Sidee wax looga baran karaa dalka Suudaan? (akhri)

Sidee wax looga baran karaa dalka Malaysiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Pakistan? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Masar? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Hindiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Urdun? (akhri)

 

Sidee wax looga baran karaa dalka Yemen? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Uganda? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Ruushka? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Shiinaha? (akhri)
 

Contact: somaliedu@yahoo.com
Designed & Hosted by AfroTech