Sidee wax looga
baran karaa Dalka Indonesiya?

Calanka dalka Indonesia
Indonesia waa
waddan ku yaallaa koofur-bari Asia, waana waddan ka kooban in ka
badan 17508 Jaziirado, waana waddanka ugu jaziiradaha badan
caalamka. Tirada dadka ku nool waddankan waxay kor u sii
dhaafayaan in kabadan 222 million tirakoobkii 2006, waana
waddanka 4aad ee ugu dadka badan waddamada caalamka marka laga
reerbo China, India iyo USA, waana wadanka ugu muslimiinta badan
dunida islaamka. Indonesia waa waddan jamhuuri ah, baarlamanka
iyo madaxwaynaha waa kuwa ay doortaan shacabka, caasimada
Indonesia waa Jakarta.
Indonesia waxaa gumeysan jiray
waddamo badan, balse kan ugu muhiimsan waa wadanka Holland oo
gumeysan jiray in ka badan 300 sano, waxayna xornimo heshay
sanadka markuu ahaa 1945kii.
Indonesia waxay xuduud la
leedahay ama la wadaagtaa waddamada kala ah Papua New Guinea,
East Timor , Malaysia. iyo wadama kale ay ka mid yihiin
Singapore, Philippines, Australia.
Indonesia waxay ka koobantahay 33
gobol. 5 kamid 33da gobol waxay ku dhaqmaan xeerar u gaar ah
kuwaas oo kala ah Aceh, Jakarta,
Yogyakarta, Papua,
iyo West Papua.
Dhanka cimilada waa laba qaybod sanadkii oo dhan, gu iyo jilaal.
Dhanka dhaqaalaha
waa waddanka wax ugu soo saarka badan waddamada islaamka,
kaalinta 15aad ayey kaga jirtaa waxaa soo saarka waddamada
caalamka, walow waayihii dambi ay ku sii badanayeen dadka
saboolka ah.
Waxbarashada
Dhanka waxbarasha
waa waddan in badan hurmuud uhaa wadamada K/Bari Asia dhanka
waxbarashada, laakin iminka wuxuu ka mid noqoday waddamada xagga
waxbarashada hoos-u-dhac ku yimid, waddanka wuxuu leeyahay
kumanaan jaamacado ah, waana waddanka 2aad ay ugu badan yihiin
ardayda Soomalida ee joogta K/bari Asia marka laga reebo wadanka
Malaysia, iyadoo ay ardayda Somaalida ku kala firirsan yihiin
gobollada waddanka, kuwaas oo kala dhigta maadooyinka ugu
tayeesan ee jaamacad laga barto sida:
· Industrial
Technology & Management
· Machine
· Information
Technology
· Aeronautical
Engineering
· City Planning
· Economic
· MBA iyo maadooyin
kale oo fara badan.
Ardayda Soomaalida
waxay ku badan yihiin West-Java gaar ahaan magaalada Bandung oo
u jirta in ka yar 3 saacadood caasimada Jakarta.
Sanadba sanadka ka
dambeeyo waa ay sii badanayaan ardayda Soomalida, iyadoo ay
ardayda Soomalida indonesia ay leeyihiin urur kaasoo lagu
magacaabo “ Ururka Midowga Ardayda Somaliyeed ee Indonesia ”.
Jaamacadaha
waddankan aad ayee u raqiis yihiin marka loo fiiryo wadamada
dariska la ah waddankan, isku celcelis lacagaha lagu dhigto
jaamacadaha waddankan waa $700-$800 sanadkii ama kudhawaad,
waana jaamacadaha ku baxa luuqada Indonesianka. Inta badan
ardayda Soomaalida waxay wax ku bartaan afka Indonesianka,
iyagoo marka hore soo mara koorso luuqadda ah. Jaamacdaha ku
baxa afka Englishka waa 2200-3000$ sanadkii, inkastoo ay adag
tahay maaddada caafimaadka waayo aad ayey uga qaalisan tahay
maaddooyinka kale, sidoo kale waxaa jira jaamacado dad ajaaniib
ah ay leeyihiin oo bixiya 2 shahaado, mid Indonesian iyo mid
wadan kale ah.
Waddankan
waxaad kaloo ka heli kartaa ama ka qaadan kartaa shadooyinka
kala ah: Bachelor degree iyo Master degree.
Dhanka
maciishada waddanka waa iska dhexdhexaad. Qofka caadiga ah
wuxuu isku celcelin karaa 100$ bishii, halka dadka kharashka
badan ay u baahan yihiin 100-200$ bishii, kirada qolkii waa
350$-400$ sanadkii.
Waddankan
waxaa ku taallo safaarad ay leedahay Soomaaliya, taas oo ka
masuul ka ah arday kasta oo wax ka barta waddankan iyo kan raba
ama doonaya in uu wax ka barto, iyadoo ay safaaradda mar kasta
ka caawiso ardayda dhanka waxbarashada iyo sharciga. Safiirka
Soomaaliya u fadhiya waddankan Mr. Mahamud Olow wuxuu booqasho
kala go' lahayn ku booqdaa jaamacadaha ay ardayda dhigtaan,
isagoo ku dhiirri-galiyo ardayda waxbarashada taasoo suurta
galisay in ardayda Soomaalida ay ka helaaan waddankan tixgalin
aad u sarreysa iyo magac.
Sidoo kale ardayda
dooneysa in ay wax ka barto waddankaan waxay si toos ah ula soo
xariiri karaan safaaradda Soomaaliya ee ku taalo Jakarta. Fadlan
kala xiriiri cinwaanka:
Embassy of the Republic of
Somalia
Jl Permata Hijau Raya Block T
No. 8
Kebayoran Lama, Jakarta
Selatan 12210
Telp. 0062215321920, Fax:
0062215494730
Email:
somalirep_jkt@yahoo.com
Waxaa Diyaariyay:
C/risaaq Daahir Shoot(Daalac)