Microbiology
Microbiology waa laan ka mid ah
biology lana xiriirta waxyaalaha aysan ishu arki karin ee ah
bacteria, virus, fungi,parasites(dulin) etc sida magaca ka
muuqata waxaa loogaga shaqeeyaa isbitaalada qaybata
abuurka(culture),waana qeyb ka mid ah shaqooyinka clinical labs-sheeybaarada
caafimaadka ay qabtaan waxay kaloo la xiriirtaa caafimaadka
xoolaha,beeraha,biyaha la cabo, cuntooyinka baaritaankooda xaga
waxayaalaha keena cudurada oo ah jeermiska,enviromental
pollutions(dikhoowga deegaanka), warshadaha daawooyinka sameeya
iwm.
Qofka soo bartana meesha uu ka
shaqeeyo waxay ku xiran tahay hadba wadanka uu joogo tusaale
soomaaliya waxaa looga shaqeeyn karaa sheeybaarada waana kuwa
leh qeyb microbiology oo abuurka sameeya meel kale fursadu ma
fududa laakin aduunka kale inta aan soo sheegey waa u shaqo tegi
karaa walow mid walba ay leedahay kuliyad u gaar ah.
Maadooyinka aasaasiga ah ee
looga baahan yahay waa inuu luuqada ingriisiga ku fiican
yahay,biology,aqoon dugsi sare ah oo dhameeystiran iyo inuu
waliba haduu carabi wax ku soo bartey soo qaataa koorsooyinka
degdeg ah maadooyinka uu carabiga ku soo qaatey oo english ah
sida kuwa dhakaloow iyo macalimiinta kalaba ay dhigaan.
Dhibaatooyinka badiyaaba lagala
kulmo waxaa u weeyn luqada ingriisiga waayo ardeyda kula dhigata
iyo macalinkaba waxay leeyihiin luqada kale oo gaar ah oo ay
isku fahamsiiyaan hadaan ardeyga ingriisiga ku fiicneyn adiga
hadaadan aqoon maxaa laguu fahamsiiyaa intaas baa iigu darnaa waxaan
arkey iyo weliba ardeyga ajniba oo loo arko inuu luqada
ingriisiga ku fiican yahay siiba kuwa Africa ka yimaada iyo inuu
ardeygu aasaas fiican oo aqooneed leeyahay.
Waxaan rabaa inaan halkan ku
sheego in ardeyda halkaan Pakistan timaado in badan ay raadiyaan
caafimaad hadey waayaana waxay yiraahdaan sheeybaar baan rabaa
markaas ba waxa loo tilmaamaa microbiology taas waa aqoon
la'aanta guud ahaan soomaalida haysata iyo weliba kuwa dibadaha
jooga oo la aqoon bido, soomaalida waa yar tahay dad isku
taxalujiya inuu wax ka ogaado kuliyadaha jaamacada uu dhigto
xitaa waxaa dhacda inuusan wax sas ka ogaan tan uu dhigto. Ninka
rabo inuu sheeybarka cafimaadka wax ka barto waa inuu raadsadaa
kuliyad la yiraahdo medical lab. technology oo lagu barto guud
ahaan aqoonta sheeybaarka laakin microbiology waa qeyb uun
sheeybaarkaas ka mid ah.
Waxaan ardeyda kula talin lahaa
in ay ka faaiideystaan fursada ay haystaan waa inta dhaqaaluhu u
saamaxayo inta ay 1 kuliyad dhamaan isugu tegayaan oo aan wax
weyn oo sidaas ah aysan ku jirin oo aana lacag la'aan ahayn ay
fiirsadan kuliyado waxtar u leh ayaga iyo wadankaba oo inta
baratana ay yar tahay amaba aysan jirin waxaan ka wadaa
microbiolgy soomaalida aad bey u barataa wadankan pakistan,
india,sudan iwm inta suuqu uu qadi karo waa xadidan tahay ka
qiyas qaado meeqa sheeybaar baa leh qeyb abuur ah intee ardey
baa sanadkiina soo qalin jebisa marka ayaga ayaaba tartan u
yaala waxaa laga yaabaa qaar iney is yiraahdan muxuu noogu
diidaa asagaaba dhigta, aniga aqoonta aan maanta u leeyahay iyo
inta kuliyadood ee aan bartey hadaan ogaan lahaa shanley waa
xaaraan xaqiiqdii ma galeen marka saaxiibadeey waxaan kula talin
lahaa kuliyadahan soo socda: Food and science
technology,biotechnology,geolgy qeybteeda petroleum,herbarium
department waa sida la isugu daaweeyo dhirta,applied
chemistry,statistics,marine biology oo aad u muhiim ah waadna
ogtihiin bada u dheer afrika baan leenahay waligeey ma maqal qof
barta,medical devices engineering magaca si fiican uma sixi
karo,enviromental studies,iwm
WQ. C/laahi Aadan Shabac
MSc. in Microbiology Pakistan