Jaamacadaha Dalka

Amoud University

Alfurqan University

Benadir University

Burao University

East Africa University

Hamar University

Hargeisa University

Hiran University

Indian Ocean University

Islamic University

Kismayo University

Mogadishu University

Puntland State University

Somali University

Taibah University

SIMAD Institute

SOHDEC Institute

 
 
 
 
 
 

Jaamacadaha aan website-yada lahayn waxaa loogu bishaareynaa in qiimo jaban loogu sameyn doono website dhameystiran. Fadlan la soo xiriir Somali Education.

Home

Cilmiga Daawada

(Pharmacy)

PHARMACY ( pharmd)

Pharmacy waa barashada cilmiga daawada waana qayb kamida cilmiga caafimaadka ( medicine ) qokku wuxuu baranayaa sida loo sameeyo , loo suuqgeeyo ,sida loo isticmaalo si taxdarleh (safe use) , maxaayeelo daawadu marna waxaybay daawaysaa marna iyada ayaa keenta dhibaatooyin badan ( complications) ,iyo sida la isku daro dose ( small scale compounding ) oo lagu sameeyo farmashiye dhexdiisa sida waxa ay aan u naqaano boomaato etc.

cilmigan pharmacy waa professional job dunidana maanta aad ayaa loo bartaa , qofkii bartana waxa uu ka mid yahay bulshada caafimaadka ( healthcare team) .

QAYBAHA PHARMACY:

pharmacy waxa uu u qaybsamaa 4 qaybood oo kala aha

1- industrial pharmacy ( manufacturing )

2- hospital pharmacy

3- forensic pharmacy

4- retail pharmacy ( marketing ) .

 Qofka pharmacy dhigta inta maado oo aan kor ku soo xusay  wuu qadanayaa ..

Industrial pharmacy : waa qayb kamida pharmacy kuna shaqaysa samaynta daawada qaybeheeda kala duwan ha ahaato capsule , tablet , injections , syrups (sharoobo) waana qayb halbawle u ah cilmiga caafimaadka , pharmaceutical industries oo ah warshadaha dawada sameeya waxay kaloo qabtaan research work si ay u soo saaraan dawo cusub iyagoo ku bixiya qarasha badan tusaale ahaan dawada la yiraah antibiotics samaynteedu waxay qaadatay mudo si loo xakameeyo infectious disease sida TB( tuberculosis) maantana caalmku wuxuu isku dayayaa sidii loo yaraynlahaa cudurada faafa iyadoo aay socdaan cilmi baaris ay wadaan warshadaha daawadu

Hospital pharmcy: waa qayb kamida cilmiga pharmacy kuna shaqo leh hospitalka sida qaybinta dawada meesha looga baahan yahay hospitalka gudihiisa , u akrinta dawada bukaanka iyo siduu u isticmaalilaah iyo talo siin haduu isku arko calaamado kadib qadashadii dawada si markiiba dhakhtarka loo gaarsiiyo si loogu qoro dawo tii kaduwan ( alternative dose)

Forensic pharmacy : waa qayb kamida pharmacy kuna saabsan sharciyada lagu hago warshadaha ,farmashiyada ( legislations , ordinance amendents ) pharamacy law ayaa la dhahaa

Retail pharmacy: ( marketing)  waa qayb ku saabsan barashada sida loo iib geeyo  dawada waxaana lagu qaataa madooyinka la xiriira marketing iyo management ….

Pharmacy waa maado science ah hadana ah arts ( science and arts) qofku wuxuu awood u yeelanayaa in uu labadaba science and arts wax ka ogaado .

Maadooyinka ugu muhuumsan ee la qaato pharmacy oo xiriir la ah madooyinka ay qaataan ardayda dhigta caafimaadka ( medicine )  . oo kala aha .

1-anatomy 2- physiology 3- biochemistry 4- pharmaceutics oo leh qaybo aad u badan 5- pharmacology

Waxaa kaloo uu ardygu qaadanayaa maadooyinka xisaabta,  statistics , physics,  management .analaytical chemistry

Aradayga raba in uu dhigto pharmacy maxaa laga rabaa?

1-  In uu base fiican u leeyahay biology , physics , chemistry,  math

2-  Luqada englishka waa muhiim waana furaha barashada cilmigaan.

3-  Ardaygu waa in uu isku dayaa in uu qoro farta si quruxbadan waxaa marmar dhacda adigoo sax qoray in la fahmi waayo waxaad qorto oo aad halkaas marks ku waydo  .

Waxaa diyaariyay:
C/jabaar C/kariim Axmed
BPharm
 

 Warbixino muhiim ah

Sidee loo xushaa kulliyad, jaamacad, iyo dalka aad wax ka baraneyso? (akhri)
 

Maxaa ardeyga muhiim u ah marka uu u dhoofayo dalka dibeddiisa? (akhri)
 


Sidee wax looga baran karaa dalalkan?

Sidee wax looga baran karaa dalka Suudaan? (akhri)

Sidee wax looga baran karaa dalka Malaysiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Pakistan? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Masar? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Hindiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Urdun? (akhri)

 

Sidee wax looga baran karaa dalka Yemen? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Uganda? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Ruushka? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Shiinaha? (akhri)
 

Contact: somaliedu@yahoo.com
Designed & Hosted by AfroTech