|
Waxbarashada dalka Ruushka

Mawduucan
wuxuu ku wajahanyahay fariina u yahay dadka waxbarashada jecel,
siiba waalidiinta ilmahooda u huraya waxbarashada qiimaheedana
garanaya. Maadamaan anigu Ruushka ku noolaa 14 sano waxna ka
baranayey, ogahayna xog badan oo ku saabsan waxbarashada
wadankaas, waxaan qormadan jecelahay inaan in yar idiinku
iftiimiyo fursadda waxbarasho ee wadankaas ka jirta ilaa maanta.
Wadanka Ruushka ayaa mudooyinkan danbe waxaa ka jira isbedel iyo
fur-furnaan dhankasta leh. Dhanka waxbarashada haddaan ku soo
qaadano waxaad arkaysaa in Ruushka oo xiligii Midowga Sofiyeti
aad uga xidhxidhnaa dunida kale cilmigiisana in badan la xadayn
jirey ama loodiidi jirey in la baro quwadihii ka soo hor jeeday
iyo dawladihii taabacsanaaba ayaa hada waxaad arkaysaa in ay
waxbarashidii aad ka helayso meel kasta haddaad iska bixin karto.
Sidoo kale iminka Jaamacadaha Ruushka ayaa waxay aad muhiimad u
siiyaan in ay aqoon iswaydaarsi , cilmibaadhis iyo kulamo joogta
ah la sameeyaan Jaamacadaha Dunida, sidoo kale manhajkooda ayaa
isbedel xoogleh lagu samaynayaa mudoyinkan danbe si ay ula
talaabsadaan Jaamacadaha dunida oo aysan awelba ka dhicin.
Markii hore Ruushka waxbarasho bilaasha ayuu siin jirey wadamada
soo koraya, ilaa haddana wadamada qaarkood wuu siiyaa inkastoo
tiradii la soo koobay, laakiin waxaa dhamaan jaamacadihii loo
fasaxay in ay arday keensan karaan si ay dhaqaalahooda ugu
kabaan, markaa halkaa waxaa ka soo baxay waxbarasho tayo leh oo
jaban oo la heli karo.
Dhacdadaan ku soo korodhay wadanka Ruushka waxay keentay in
Ruushka ay ku soo qulqulaan dadka waxbarashada raadinaya oo ka
imaanaya dhamaan wadamada aduunka siiba kuwa dunida sadexaad.
Qiimaha jaamacaduhu wuu kala duwan yahay waxayna ku xidhan tahay
magaalada sida caasimaduhu waa ka sii qaalisan yihiin
magaalooyinka yar yar, sidoo kale takhasusyada baa iyana kala
qaalisan, laakiin qiimuhu celcelis wuxuu u dhexeeyaa min US$1200
ilaa $2500 sanadkii, intaa waxaa dheer hoyga ama guriga iyo
cunada qofku u baahan yahay oo iyaguna ah US$150-300 bishii (waxay
ku xidhan tahay qofka iyo magaalada baaxadeeda).
Waxaa aad looga bartaa wadanka Ruushka kuliyadaha caafimaadka,
beeraha iyo injineerinka kala duwan, dhamaan laamaha kalena
qofkii rabaa waa ka helaa.
Jaamcadaha waxaa lagu dhigtaa luqadda Ruushka in yar mooyee,
Ardeyga sanadka hore waxaa loo dhigaa luqadda iyo maadooyinka
looga baahan yahay kuliyada uu gelayo, markuu ku soo guulaystana
wuxuu bilaabayaa sanadkii koowaad ee Jaamacada.
Waqtiga shahaadada lagu helo waa 4 sano BSc ama BA. Waxaase ka
duwan jaamacada caafimaadka oo ah 6 sanadood kadib lagu
gudoonsiinayo shahaadada M.D.
Waxaa ber yahan danbe iyana la bilaabay kuliyado afka
ingiriisiga lagu dhigo waxaana ka mid ah kuliyadaha caafimaadka,
kuliyadahaasi wey-ka qaalisan yihiin kuwa af Ruushka lagu dhigo
waana ilaa US$3,000-4,000 kun oo doolar sanadkii, waxaana sii
dheer hurdadii iyo cunadii aan kor ku soo sheegnay.
Tobankii sano ee ugu danbeeyey in kabadan 100 arday oo Soomaali
ah ayaa ka soo qalin jebisay wadanka Ruushka intabadan
kuliyadaha caafimaadka ayey ka soo baxeen, marka mid kamida soo
qalin jebiyo Ardaydaas dhameenteed waxay u ahayd farxad.
Haddeerna ilaa 50 arday ayaa waxbarasho ka dhigata wadanka
Ruushka. Ardaydaa Soomaaliyeed ee halkaa ka aflaxaday qaarkood
waxay ka yimaadeen wadamada Yurub, qaar kalena Soomaaliya iyo
Carabaha, kadib markay halkaa ka waayeen fursad waxbarasho.
Markay Ruushka ka dhamaysteen waxbarashadoodiina qaarkood waxay
ku laabteen Soomaaliya halkaas oo cilmigooda baahiweyn loogu
qabo.
Gabogabadii waxaan akhristayaasha xushmada mudan dareensiinayaa
in waxbarashada oo aan fahano qiimaha ay leedahay ay inaga saari
karto jahliga ku habsaday dadkeena , waxaana jira wadamo badan
oo sidaas oo kale ay ka jiraan fursado waxbarasho markaa qof
walba halka uu doorbido waa inuu waxku soo bartaa qofkii
waxbarasho ku jirana waa in lagu sii dhiiri geliyaa ilaa inta uu
qofkaasi heer fiican ka gaarayo.
Haddii aad danaynayso inaad Ruushka wax ku soo barato ama cid
aad rabto inaad u dirto waxaa kaa xiga shahaado dugsi sare iyo
lacagta jaamacada, fiisahana Safaarada Ruushka ee kuugu dhow
kala xiriir.
Qore Dr.Yusuf Suleiman Osman (M.D.; Ph.D.)
E-mail:- yusufso@hotmail.com
Xigasho: Somali Press
|