|
Sidee
loogu diyaargaroobaa u-dhoofitaanka
dalka dibeddiisa?
Marka go’aan laga gaaro
kulliyadda ardeygu geli doono iyo jaamacaddaba, uuna soo baxo
ogolaanshuhu, wixii markaas xigaaba waa ardeygii oo jaamacaddii
u soo dhoofa. Hase yeeshee dhoofka ka hor, waxaa lama-huraan ah
in la sameeyo u-diyaargarow, waxaana ka mid ah qodobada muhiimka
ah:
Gadashada buugaagta Soomaalida ku saabsan:
Maadaama aad dalkii ka tageyso
waxaa habboon inaad horay u sii qaadato buugaag Soomaalida ka
hadleysa dhinacyada sida joqoraafiga, taariikhda, siyaasadda,
dhaqaalaha, dhaqanka, iwm. Waxay buugaagtani mustaqbalka kaa
saacidi doonaan inaad tixraac ka dhigato marka ay timaaddo in
qoraal Soomaalida ku saabsan laguu diro. Marka laga reebo
xilliga daraasaddu socoto, waxay buugaagtaasi kuu noqon karaan
wehel aad aqoon iyo madadaalaba ka hesho. Waxaa sii habboon
inaad xoogga saarto kuwa ku qoran luqadda wax looga barto dalka
aad u socoto (Carabi ama Ingriisi). Kuwa ku qoran luqadda
hooyana labada dhanba waa loo adeegsan karaa. Haddaad u socoto
dal af Ingriisi wax looga barto waxaa habboon inaad horay u sii
qaadato qaamuusyada ‘Aasaasi’ ee English-Somali iyo kan kale ee
Somali-English. Hase yeeshee waxaa ardeyga u habboon inuu is
baro siduu u adeegsan lahaa qaamuusyada ingiriiska isku fasiraya
sida Oxford.
Noocyada Boorsooyinka:
Waa wax iska caadi ah in qof
kasta oo dalka dibeddiisa u socdaalayo uu soo iibsado boorsooyin
uu ku rito alaabtiisa, hase yeeshee waxaa bidhaamin u baahan
nooca boorsooyin ee muhiimka ah. Tiraday doonaanba ha la
ekaadaan boorsooyinkaadee, waxaa talo muhiim ah in mid ka mid ah
boorsooyinkaagu ay ahaato mid yar oo gacanta lagu qaadan karo oo
aad isugu geyso dhammaan dokumitiyadaada sida shahaadada dugsiga
sare ama tan jaamacadda, iyo warqadaha kale ee muhiimka ah,
waana inaan lagu darin boorsadaas kuwa xamuulka gelaya oo aan la
hubin inaad dib u heli doonto iyo in kale
Ardey Soomaali ah oo Pakistan
waxbarasho jaamacadeed u soo raadsaday ayaa shahaadadii
jaamacadda ee rasmiga ahayd ee uu ka qaatay Jaamacadda Ummadda
uu ku riday boorso weyn oo qeybta xamuulka soo gashay. Markuu
Pakistan yimid ayaa nasiibdaro boorsadii la waayay. Dhammaan
waxyaabaha boorsada ku jiray oo u badnaa dhar iyo buugaag waxay
ahaayeen kuwo laga soo kabsan karay, marka laga reebo shahaadada.
Nasiib wanaag qiyaastii toddobaad kadib ayaa la helay boorsadii.
Sidoo kale ardey Pakistan ka
tegay oo fasax dalkii ku gaaray ayaa soo-noqodkiisii boorso weyn
oo uu kaligeed ka watay uu isaga soo riday tikidhkii Dubai illaa
Karachi ahaa ee uu ku soo noqonayay. Shaqaalihii garoonka ayaa
la marsiin waayay in la furo boorsada ninkaas, wuxuuna qarka u
istaagay inuu tikidh cusub goosto ama lagu celiyo Soomaaliya,
hase yeeshee nasiib wanaag markii dambe ayaa laga oggolaaday
inuu la soo baxo tikidhkii isagoo si adag loo ilaalinayo.
Buugga Caafimaadka:
Dalka Pakistan iyo dalal kaleba
waxaa la karantiilaa dadka lixdii maalin ee ugu dambeysay soo
joogay qaaradaha Afrika iyo Laatiin Ameerika. Siday sheegto
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, waxaa dadkaasi looga cabsi
qabaa inay qabaan cudurka ‘Cagaarshowga’. Sidaasi darteed waxaa
habboon in qofkii Pakistan u soo socda uu horay u soo qaato
buugga la siiyo dadka tallaalka qabo, iyadoo ay tahay in buggaas
la bixiyo muddo 10 maalin ka hor maalinta aad Pakistan imaneysid.
Haddiise aad ku guuldarreysato inaad buugaas la timaaddo, waxaa
laga yaabaa inay muddo 1-6 cisho ah kugu hayaan cusbitaal laysku
karantiilo. Inta aad ku jirto cusbitaalkaas wax daawo ah ama
baaritaan ah kuguma sameynayaan, balse waxay eegayaan in
calaamadaha cudurkaasi kaa soo daahiraan.
Hadda waxaad soo gaartay
garoonkii diyaaradaha, iska hubi in shaabadda ‘dal-ka-bixid’ ku
dhacday baasaboorkaaga, waayo haddii taas la dhayalsado ma
caddaaneyso dalkii aad ka soo socdaashay, waxaana ardey badan
lagu qabsaday arrintaas.
Dayuuradda Dusheeda
Marka ardeygu dayuuradda ka soo
raaco meel ka tirsan dalka Soomaalida, ee ku-hakasho ku soo maro
magaalada Dubai, waxa kaliya ee uu sugaaba waa diyaaraddii u
qaadi lahayd dalka Pakistan. Markaad soo raacdo diyaaradda kuu
soo qaadeysa Pakistan waxay shaqaalaha diyaaraddu kuu qeybin
doonaan foom la buuxinayo oo ardeyda badankood khalkhal ku rida.
Su’aalaha ugu badan ee cabsida keena ayaa ah:
* Lixdii maalin ee ugu dambeysay
ma soo joogtay Afrika ama laatiin Ameerika?
* Sheeg cinwaanka meesha aad ku
degeyso Pakistan.
* Intee ayaad joogeysaa Pakistan?
Isku day inaadan faranixin, waayo
su’aalahaasi waa kuwo iska caadi ah. Su’aasha koowaad waxay la
xiriirtaa buugga caafimaadka ee aan horay kaga soo hadalnay.
Haddii aad ka timid Geeska Afrika ku qor meeshaas “haa”.
Haddaadan buugga caafimaadka wadan ciqaabta ugu weyn ee aad
mudan karto waa inaad cusbitaalkaas ku jirto 1-6 cisho. Su’aasha
labaad waxaa habboon inaad horay u soo qoroto cinwaanka qofka
aad ku degi doontid, haddiise aadan garaneyn waxaad ku qori
kartaa magaca jaamacadda aad wax ka baran doontid. Su’aasha 3aad
waxaad kaga jawaabi kartaa ‘3 ama 4 sano’ waa haddii fiisaha aad
wadato yahay mid ardeynimo. Muddada ku qoran baasaboorka ee
saddexda bilood ah waxay ka tarjumeysaa in fiisahani loogu talo
galay inaad dalka ku soo gasho.
WQ. Axmed Ugaas
Tifaftiraha Somali Education |