Haddaba si aynu wax uga ogaano qaabka ama sida waxbarasho
jaamacadeed looga heli karo dalka Sudan ayaan waxaan
arrintaasi ka waraysanay Mudane Maxamed Daahir Xaashi (Xeroow)
oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Sudan
xilligaan 2005/2006. Maadaama ujeeddooyinkii loo aasaasay
Ururka Ardayda Soomaaliyeed in ay ka mid yihiin in uu ururka
iska xil-saaro waxbarasho u-helida ardayda waxbarasho doonka
ah. Haddaba waraysigii waxaa uu dhacay sidatan:-
Somali Education:
Waxaan la soconaa in dalka Suudaan ay waxbarasho u joogaan
arday Soomaaliyeed oo aad u tiro badan. Haddaba wax ma inooga
sheegi kartaa sidee fursad waxbarasho looga heli karaa
jaamacadaha dalka Sudan?
Mudane Xeroow:
Haddii aan si toos ah ugaga jawaabo sida waxbarasho loogaga
heli karo jaamacadaha dalka Sudan waa siyaabo kala duwan,
balse waxa ugu caansan labo siyaabood oo kala ah:
1. Aqbalaad guud (qubuul caam ah)
2. Aqbalaad gaar (qubuul Khaas ah)
Somali
Education: Ma inoo kala faah faahin kartaa
aqbalaada guud iyo aqabalaada gaarka ah?
Mudane Xeroow:
Dabcan waa arrin loo baahan yahay in si ballaaran loo
faahfaahiyo, balse hadii aan ku horayno aqbalaada
guud oo ah deeq waxbarasho oo ay sanad walba
dowlada Sudan ugu talo gashay Soomaalida oo ay u marsiiso
dhinacyo kala duwan dhinacyadaasoo runtii xil wayn iska saaray
sidii ay Soomaalida u heli lahaayeen waxbarasho jaamacadeed
sanad walba , qaybahaas waxaa ay kala yihiin:
1. Dallada FPENS
oo oo ah mid ka mid ah dalladaha waxbarasho ee ka jira
dalkeena Soomaaliya ayaa mas'uuliyiinteeda waxaa ay iska
xilsaareen sidii ay xiriir joogta ah ula yeelan lahaayeen
jaamacadaha ka jira dalka Sudan qaarkood si ay fursado
waxbarasho ugu helaan ardayda ka soo qalanjebisa iskuulaadka
hoos yimaada dalladooda iyaga oo aqoonsi buuxa u helay
shahaadooyinka ay bixiso daladaasi, waxaana ay ku guuleesteen
in sanad walba ay waxbarasho u helaan qaar ka mid ah ardayda
soo dhamaysatay dugsiyada sare soona hanatay shahaadada dalada
FPENS.
2. Munazamatu
Da'wa Al Islamia oo ka mid ah hay'adaha samafal
ee fara-ku-tiriska ah ee sida tooska ah uga howlgala dalkeena
Soomaaliya iyada oo mashaariic fara badan ka fulisa gobollo
badan oo ka tirsan dalkeena hooyo ayaa iyadana waxaa ay sanad
walba isku taxalujisaa sidii ay waxbarasho jaamacadeed oo
lacag la'aan ah ugugu heli lahayd ardayda Somaaliyeed, waxaa
ayna si toos ah xiriir la yeelatay Jaamacadda Caalamiga ah ee
Africa oo iyada sanad walba u aqbasha Munazamatu Dacwa arday
tiradooda kor u dhaafayso boqol arday oo laga soo kala aqbalo
qaar ka mid ah gobolada dalkeena sida Muqdisho, Boosaaso,
Hargaysa, iyada oo imtixaanka aqbalaada Jaamacada Caalamiga ah
ee Africa xilliga aqbalaada geeya Soomaaliya kadibna ay soo
qaataan ardayda nasiibka u hesha kuna guulaysta imtixaankaas.
3. Ururka
Ardayda Soomaaliyeed ee Sudan asaga oo
kaashanaya hay'adda daryeelka ardayda ajaanibta (Non-Sudanase
students organisation) oo ah hay'ad ka shaqaysa waxbarasho u
helida ardayda ajaanibta ah iyo deegaansho-siinta ardayda iyo
kafaala-qaadidooda ayaa sanad walba waxay siisaa Ururka
Ardayda Soomaaliyeed ee Sudan fursado waxbarasho oo ay ugaga
raadinayso jaamacadaha kala duwan ee dalka Sudan hadba
takhasuska uu nasiibka u helo ardayga hadday noqon lahayd
jaamacadaha ku yaalla caasimada ama kuwa ku yaalla gobollada
kala duwan oo sanad walba aqbala Soomaali tiradooda kor u
dhaafayso 120.
4. Xafiiska
Aqbalaada iyo diiwaangelinta Jaamacada Caalamiga ah ee Africa
ayaa isaguna sanad walba waxaa uu imtixaan ka qaadaa ardayda
iska timaada Sudan ee aan ayaga nasiibka u helin in ay fursad
waxbarasho u soo helaan qaababkii aan kor ku soo sheegnay,
dantana ku kaliftay ina ay iyaga oo aan aqbalaad haysanin iska
yimaada Sudan iyaga oo isku soo aadinaya xiliga ay Jaamacada
Caalamiga ah ee Africa qaadayso imtixaanada aqbalaada. Sidaas
daraadeed ardaygii nasiibka uu u saamaxo inuu ku guulaysto
imtixaankaas aan soo sheegnay waxaa uu aqbalaad ka helaayaa
jaamacada Caalamiga ah ee Africa hadba takhasuska uu
imtixaanka u galay , takhasusyada ka jira Jaamacadda Caalamiga
ee Africa, marka laga reebo Kuliyadaha Caafimaadka iyo
Injineeriyada oo iyaga lagu dhigto lacag.
Hadii aan Faahfaahin taas la
mid ah ka bixino aqbalaada Gaarka ah(Qubuul Khaas)
waa ka duwan yahay tan aan kor ku soo sheegnay, maxaa yeelay
waxaa jira marka uu dhamaado xilliga aqbalaadda guud waxaa ay
jaamacada furaan fursado gaar ah oo loogu talo galay in lagu
dhigto lacag xadidan, taasna uma kala baxsan ajnabi iyo
muwaadin, waa qofkii lacag la baxa qofkana waxaa uu gudbisan
karaa kulliayadii uu doono iyo jaamacadii u doono inkastoo ay
jaamacadaha iyo takhasusyada u kala lacag badan yihiin hadba
sida ay u kala tayo sareeyaan. Intaas waxaa sii dheer iyada oo
la eegaayo darajada uu ardayga ku sito shahaadada dugsiga sare.
Tusaale ahaan ardayga haddii celcelis ahaan darajooyinka
shahaadadiisu ay yar yihiin looma aqbalaayo kulliyad cilmi ah
sida caafimaadka iyo injineeriya iyo wixii soo raaca taas waa
ay ka wada siman yihiin aqbalaada guud iyo mida gaarka ahba,
keliya waxaa ay ku kala duwanyihiin aqbalaadda guud iyo
aqbalaadda garaka ah waa iyadoo tan hore ay tahy lacag la'aan
tan dambana lacag.
Somali
Education: Waxaan u malyanayaa fursadahaas
waxbarasho ee
aad kor ku soo sheegtay waxaa ay ku kooban yihiin oo keliya
marxaladda jaamacadeed ee bachalarka. Ka waran sida lagu heli
karo fursado tacliin sare sida diyaarinta shahaado heer Master
ama P.hd?
Mudane Xeroow:
waa run waa ay ka duwan tahay qaabka hore maxaa yeelay
jaamacadaha Suudaan ma baxshaan fursado daraasaad sare oo
lacag la'aan ah dhamaantood waa lacag, xataa muwaadiniinta
dalka u dhalatay inkastoo ay kala duwan yihiin qiimaha lacagta
lagu aqbalo muwadiniinta iyo tan ajaanibta, hadana waxaa jira
Jaamacado ula tacaamulo Ardayda Soomaaliyeed sida ay ula
dhaqmaan ardayda Sudaaniyiinta ah, kana qaadaan qiimaha laga
qaado ardayda waddanka u dhalatay taasna waa abaal wayn. Waxaa
kale oo jira jaamacado ayaga xiriir iskaashi la leh
jaamacadaha qaarkood ee wadankeena ka jira oo ayaga fursado
tacliin sare ah oo aan sidaa u sii badnayn ugu deeqa
jaamacadahaas laakiinse waa fara ku tiris.
Waxaa isna jira Machadka
Khartoum ee Caalamiga ah ee Luqadda Carabiga ee raacsan
Jaamacada Carabta uu asagana sanad walbo uu Soomaalida u
aqbalo labo arday oo Shahaadada Masterka ah, taasna Soomaali
badan ayaa ka faa'iidaysatay. Waxaa in la xuso mudan in
ardayda Soomaaliyeed ee fara ku tiriska ah ee ka diyaarisa
Shahaadooyinka Masterka iyo PhD-ba inay ayaga iska bixiyaan
lacagta inkastoo ay jaamacadaha qaarkood u oggol yihiin in ay
lacagta u kala dhiibaan laba qaybood hadba sida ay ugu suurto
gasho uguna sahlanaato ardayga. Marka waxaad arkaysaa in inta
badan ardayda Soomaaliyeed marka ay dhameeyaan marxalada
jaamacada ayna qaataan shahaadada bachelarka in iyaga oo hami
wayn u qaba inay diyaariyaan shahaadada Masterka ay haddana
isaga laabtaan waddanka maadaama ay duruufta dhaqaale u
diidayso in ay helaan qof ka sii bixiya lacagta loogaga baahan
yahay daraasada, laga yaabo in afartii sano ee Jaamacada u
dhiganayay ay qoyskiisa si dirqi ah ku soo biilayeen.
Ugu dambayntii waxaan
halkaan mahad balaaran uga soo jeedinayaa dalka Suudaan dowlad
iyo shacabba oo runtii albaabada u furay walaalahooda
Soomaaliyeed, taasna waa abaal aan la iloobi doonin, waxaana
xusid mudan oo u baahan in halkaan laga sheego in walaalaheena
Sudan ay ku sifoobeen Soomaali-jaceyl iyada oo ardayga
Soomaaliyeed uusan dareemin wax qurba ah ama dhib ah, taasna
ay dareen walaalnimo ah ku reebayso ardayda Soomaaliyeed meel
kasta oo ay ka yimaadeen kuna fekeraayo sidii ay mar uun ugu
abaal gudi lahaayeen walaalahooda reer Sudan ee kaalinta wayn
ka cayaaray dhisitaanka mustaqbalkooda.
Sidoo kale waxaan mahadnaq u
soo jeedinayaa Bahda Somali Education
oo ayaga mar walba isku howla sida ay macluumaadka waxbarasho
u gaarsiin lahaayeen ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay
joogaan, taasna waa isxilqaamid wayn iyo tallaabo ku dayasho
mudan waxaana leenahay Ilaahay ha idinla garab galo
dadaalkiina.