Jaamacadaha Dalka

Amoud University

Alfurqan University

Benadir University

Burao University

East Africa University

Hamar University

Hargeisa University

Hiran University

Indian Ocean University

Islamic University

Kismayo University

Mogadishu University

Puntland State University

Somali University

Taibah University

SIMAD Institute

SOHDEC Institute

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Jaamacadaha aan website-yada lahayn waxaa loogu bishaareynaa in qiimo jaban loogu sameyn doono website dhameystiran. Fadlan la  soo xiriir Somali Education.

Somali Education

Sidee wax looga baran karaa  dalka Suudaan?

Dalka Suudaan ayaa ka mid ah dalalka fara-ku-tiriska ah ee albaabada u furay dhallinta Soomaliyeed ee waxbarasho-doonka ah tan iyo intii ay ummadda Soomaaliyeed ay ku habsatay musiibada dagaallada sokeeye.

Runtii dalka Sudan waxaa haatan wax ka barta arday ay tiradooda kor u
dhaafayso 1500 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdhaba, dhalinyaro iyo da' dhexaadba, waana tirada ugu badan ee wax ku barata dalka dibadiisa, waxayna ku kala firarsanyihiin jaamacadaha iyo kuliyadaha kala duwan ee ku yaala dalka Sudan, takhasusyo kala duwana waa ay bartaan.

Haddaba si aynu wax uga ogaano qaabka ama sida waxbarasho jaamacadeed looga heli karo dalka Sudan ayaan waxaan arrintaasi ka waraysanay Mudane Maxamed Daahir Xaashi (Xeroow) oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Sudan xilligaan 2005/2006. Maadaama ujeeddooyinkii loo aasaasay Ururka Ardayda Soomaaliyeed in ay ka mid yihiin in uu ururka iska xil-saaro waxbarasho u-helida ardayda waxbarasho doonka ah. Haddaba waraysigii waxaa uu dhacay sidatan:-

Somali Education: Waxaan la soconaa in dalka Suudaan ay waxbarasho u joogaan arday Soomaaliyeed oo aad u tiro badan. Haddaba wax ma inooga sheegi kartaa sidee fursad waxbarasho looga heli karaa jaamacadaha dalka Sudan?

Mudane Xeroow: Haddii aan si toos ah ugaga jawaabo sida waxbarasho loogaga heli karo jaamacadaha dalka Sudan waa siyaabo kala duwan, balse waxa ugu caansan labo siyaabood oo kala ah:
1. Aqbalaad guud (qubuul caam ah)
2. Aqbalaad gaar (qubuul Khaas ah)

Somali Education: Ma inoo kala faah faahin kartaa aqbalaada guud iyo aqabalaada gaarka ah?

Mudane Xeroow: Dabcan waa arrin loo baahan yahay in si ballaaran loo faahfaahiyo, balse hadii aan ku horayno aqbalaada guud oo ah deeq waxbarasho oo ay sanad walba dowlada Sudan ugu talo gashay Soomaalida oo ay u marsiiso dhinacyo kala duwan dhinacyadaasoo runtii xil wayn iska saaray sidii ay Soomaalida u heli lahaayeen waxbarasho jaamacadeed sanad walba , qaybahaas waxaa ay kala yihiin:

1. Dallada FPENS oo oo ah mid ka mid ah dalladaha waxbarasho ee ka jira dalkeena Soomaaliya ayaa mas'uuliyiinteeda waxaa ay iska xilsaareen sidii ay xiriir joogta ah ula yeelan lahaayeen jaamacadaha ka jira dalka Sudan qaarkood si ay fursado waxbarasho ugu helaan ardayda ka soo qalanjebisa iskuulaadka hoos yimaada dalladooda iyaga oo aqoonsi buuxa u helay shahaadooyinka ay bixiso daladaasi, waxaana ay ku guuleesteen in sanad walba ay waxbarasho u helaan qaar ka mid ah ardayda soo dhamaysatay dugsiyada sare soona hanatay shahaadada dalada FPENS.

2. Munazamatu Da'wa Al Islamia oo ka mid ah hay'adaha samafal ee fara-ku-tiriska ah ee sida tooska ah uga howlgala dalkeena Soomaaliya iyada oo mashaariic fara badan ka fulisa gobollo badan oo ka tirsan dalkeena hooyo ayaa iyadana waxaa ay sanad walba isku taxalujisaa sidii ay waxbarasho jaamacadeed oo lacag la'aan ah ugugu heli lahayd ardayda Somaaliyeed, waxaa ayna si toos ah xiriir la yeelatay Jaamacadda Caalamiga ah ee Africa oo iyada sanad walba u aqbasha Munazamatu Dacwa arday tiradooda kor u dhaafayso boqol arday oo laga soo kala aqbalo qaar ka mid ah gobolada dalkeena sida Muqdisho, Boosaaso, Hargaysa, iyada oo imtixaanka aqbalaada Jaamacada Caalamiga ah ee Africa xilliga aqbalaada geeya Soomaaliya kadibna ay soo qaataan ardayda nasiibka u hesha kuna guulaysta imtixaankaas.

3. Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Sudan asaga oo kaashanaya hay'adda daryeelka ardayda ajaanibta (Non-Sudanase students organisation) oo ah hay'ad ka shaqaysa waxbarasho u helida ardayda ajaanibta ah iyo deegaansho-siinta ardayda iyo kafaala-qaadidooda ayaa sanad walba waxay siisaa Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Sudan fursado waxbarasho oo ay ugaga raadinayso jaamacadaha kala duwan ee dalka Sudan hadba takhasuska uu nasiibka u helo ardayga hadday noqon lahayd jaamacadaha ku yaalla caasimada ama kuwa ku yaalla gobollada kala duwan oo sanad walba aqbala Soomaali tiradooda kor u dhaafayso 120.

4. Xafiiska Aqbalaada iyo diiwaangelinta Jaamacada Caalamiga ah ee Africa ayaa isaguna sanad walba waxaa uu imtixaan ka qaadaa ardayda iska timaada Sudan ee aan ayaga nasiibka u helin in ay fursad waxbarasho u soo helaan qaababkii aan kor ku soo sheegnay, dantana ku kaliftay ina ay iyaga oo aan aqbalaad haysanin iska yimaada Sudan iyaga oo isku soo aadinaya xiliga ay Jaamacada Caalamiga ah ee Africa qaadayso imtixaanada aqbalaada. Sidaas daraadeed ardaygii nasiibka uu u saamaxo inuu ku guulaysto imtixaankaas aan soo sheegnay waxaa uu aqbalaad ka helaayaa jaamacada Caalamiga ah ee Africa hadba takhasuska uu imtixaanka u galay , takhasusyada ka jira Jaamacadda Caalamiga ee Africa, marka laga reebo Kuliyadaha Caafimaadka iyo Injineeriyada oo iyaga lagu dhigto lacag.

Hadii aan Faahfaahin taas la mid ah ka bixino aqbalaada Gaarka ah(Qubuul Khaas) waa ka duwan yahay tan aan kor ku soo sheegnay, maxaa yeelay waxaa jira marka uu dhamaado xilliga aqbalaadda guud waxaa ay jaamacada furaan fursado gaar ah oo loogu talo galay in lagu dhigto lacag xadidan, taasna uma kala baxsan ajnabi iyo muwaadin, waa qofkii lacag la baxa qofkana waxaa uu gudbisan karaa kulliayadii uu doono iyo jaamacadii u doono inkastoo ay jaamacadaha iyo takhasusyada u kala lacag badan yihiin hadba sida ay u kala tayo sareeyaan. Intaas waxaa sii dheer iyada oo la eegaayo darajada uu ardayga ku sito shahaadada dugsiga sare. Tusaale ahaan ardayga haddii celcelis ahaan darajooyinka shahaadadiisu ay yar yihiin looma aqbalaayo kulliyad cilmi ah sida caafimaadka iyo injineeriya iyo wixii soo raaca taas waa ay ka wada siman yihiin aqbalaada guud iyo mida gaarka ahba, keliya waxaa ay ku kala duwanyihiin aqbalaadda guud iyo aqbalaadda garaka ah waa iyadoo tan hore ay tahy lacag la'aan tan dambana lacag.

Somali Education: Waxaan u malyanayaa fursadahaas waxbarasho ee
aad kor ku soo sheegtay waxaa ay ku kooban yihiin oo keliya marxaladda jaamacadeed ee bachalarka. Ka waran sida lagu heli karo fursado tacliin sare sida diyaarinta shahaado heer Master ama P.hd?

Mudane Xeroow: waa run waa ay ka duwan tahay qaabka hore maxaa yeelay jaamacadaha Suudaan ma baxshaan fursado daraasaad sare oo lacag la'aan ah dhamaantood waa lacag, xataa muwaadiniinta dalka u dhalatay inkastoo ay kala duwan yihiin qiimaha lacagta lagu aqbalo muwadiniinta iyo tan ajaanibta, hadana waxaa jira Jaamacado ula tacaamulo Ardayda Soomaaliyeed sida ay ula dhaqmaan ardayda Sudaaniyiinta ah, kana qaadaan qiimaha laga qaado ardayda waddanka u dhalatay taasna waa abaal wayn. Waxaa kale oo jira jaamacado ayaga xiriir iskaashi la leh jaamacadaha qaarkood ee wadankeena ka jira oo ayaga fursado tacliin sare ah oo aan sidaa u sii badnayn ugu deeqa jaamacadahaas laakiinse waa fara ku tiris.

Waxaa isna jira Machadka Khartoum ee Caalamiga ah ee Luqadda Carabiga ee raacsan Jaamacada Carabta uu asagana sanad walbo uu Soomaalida u aqbalo labo arday oo Shahaadada Masterka ah, taasna Soomaali badan ayaa ka faa'iidaysatay. Waxaa in la xuso mudan in ardayda Soomaaliyeed ee fara ku tiriska ah ee ka diyaarisa Shahaadooyinka Masterka iyo PhD-ba inay ayaga iska bixiyaan lacagta inkastoo ay jaamacadaha qaarkood u oggol yihiin in ay lacagta u kala dhiibaan laba qaybood hadba sida ay ugu suurto gasho uguna sahlanaato ardayga. Marka waxaad arkaysaa in inta badan ardayda Soomaaliyeed marka ay dhameeyaan marxalada jaamacada ayna qaataan shahaadada bachelarka in iyaga oo hami wayn u qaba inay diyaariyaan shahaadada Masterka ay haddana isaga laabtaan waddanka maadaama ay duruufta dhaqaale u diidayso in ay helaan qof ka sii bixiya lacagta loogaga baahan yahay daraasada, laga yaabo in afartii sano ee Jaamacada u dhiganayay ay qoyskiisa si dirqi ah ku soo biilayeen.

Ugu dambayntii waxaan halkaan mahad balaaran uga soo jeedinayaa dalka Suudaan dowlad iyo shacabba oo runtii albaabada u furay walaalahooda Soomaaliyeed, taasna waa abaal aan la iloobi doonin, waxaana xusid mudan oo u baahan in halkaan laga sheego in walaalaheena Sudan ay ku sifoobeen Soomaali-jaceyl iyada oo ardayga Soomaaliyeed uusan dareemin wax qurba ah ama dhib ah, taasna ay dareen walaalnimo ah ku reebayso ardayda Soomaaliyeed meel kasta oo ay ka yimaadeen kuna fekeraayo sidii ay mar uun ugu abaal gudi lahaayeen walaalahooda reer Sudan ee kaalinta wayn ka cayaaray dhisitaanka mustaqbalkooda.

Sidoo kale waxaan mahadnaq u soo jeedinayaa Bahda Somali Education oo ayaga mar walba isku howla sida ay macluumaadka waxbarasho u gaarsiin lahaayeen ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, taasna waa isxilqaamid wayn iyo tallaabo ku dayasho mudan waxaana leenahay Ilaahay ha idinla garab galo dadaalkiina.


Waxaa waraystay:
Axmed Cabdi Adeer
Wakiilka Somali Education ee Sudan
E -mail: xaajiadeer@gmail.com

 Warbixino muhiim ah

Sidee loo xushaa kulliyad, jaamacad, iyo dalka aad wax ka baraneyso? (akhri)
 

Maxaa ardeyga muhiim u ah marka uu u dhoofayo dalka dibeddiisa? (akhri)
 


Sidee wax looga baran karaa dalalkan?

Sidee wax looga baran karaa dalka Suudaan? (akhri)

Sidee wax looga baran karaa dalka Malaysiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Pakistan? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Masar? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Hindiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Urdun? (akhri)

 

Sidee wax looga baran karaa dalka Yemen? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Uganda? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Ruushka? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Shiinaha? (akhri)
 

Contact: somaliedu@yahoo.com
Designed & Hosted by AfroTech