Jaamacadaha Dalka

Amoud University

Alfurqan University

Benadir University

Burao University

East Africa University

Hamar University

Hargeisa University

Hiran University

Indian Ocean University

Islamic University

Kismayo University

Mogadishu University

Puntland State University

Somali University

Taibah University

SIMAD Institute

SOHDEC Institute

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Jaamacadaha aan website-yada lahayn waxaa loogu bishaareynaa in qiimo jaban loogu sameyn doono website dhameystiran. Fadlan la  soo xiriir Somali Education.

Somali Education

Warbixin ku saabsan xaaladda Ardeyda Soomaaliyeed ee dalka Urdun

Irbid (Urdun) - May 29, 2006

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Urdun oo isagu jira wiil iyo gabdho ayaa intooda badan waxay soo galeen dalka Urdun billowgii sanadii 2001, kuwaas oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisaba. Ardayda ayaa waxay sidoo kale ku kula duwan yihiin meelaha ay kasoo kala galeen iyo waliba hababka ay kusoo galeen iyo cidda maal galisa. Hase yeeshee dalalka ugu badan ee ay ka yimaadeen ayaa kala ah Sucuudiga, Suuriya iyo Soomaaliya.

Tirada ardayda Soomaaliyed ee Urdun ayaa waxay kor u dhaafayaan illaa 50, inkastoo aanan hayn tirada dhabta ah ee ay yihiin. Ardadan ayaa waxay kala dhigtaan kulliyado kala duwan sida caafimaadka, engneeringka, dhaqaalaha iyo computer science-ka. Inta badan ardayda ayaa waxay yihiin kuwo kala jooga magaalooyinka dalka Urdun sida Cammaan, Irbid, Mafraq iyo Karak. Hase yeeshee waxay u badan yihiin Irbid oo ay joogaan illaa iyo 35 arday.

Tayada jaamacadaha dalka Urdun ayaa ah mid aad loo ammaano, iyadoo ardeyda Soomaalida ah ee wax ka barata dalkanna ay ku qanacsan yihiin qaabka ay ku socoto waxbarashadadoodu.

Nolosha dalka Urdun ayaa waxay tahay nolol dhexdhexaad ah inkastoo maciishaddu ay qaali tahay. Ardeyda Soomaalida ayay kuu muuqaneysaa inay ka go'an thaya inay wax bartaan duruuf walba oo jirta iyo xaalad walba oo ay ku sugan yihiinba. Waxaa ardeyda Soomaaliyeed ee dalka Urdun waxaa ka mid ah kuwa uu maal-geliyo Bankiga Islaamka oo sanadihii ugu dambeeyay ardey badan oo Soomaali ah u diray jaamacado shisheeye.

Dhanka cimilada sanadku wuxuu u kala qaybsan yahay kulayl iyo qabow.

Waxaa diyaariyay:
Somali Education Center
Axmed-dhayib Maxamed Cabdi
Wakiilka Somali Education ee Urdun

 Warbixino muhiim ah

Sidee loo xushaa kulliyad, jaamacad, iyo dalka aad wax ka baraneyso? (akhri)
 

Maxaa ardeyga muhiim u ah marka uu u dhoofayo dalka dibeddiisa? (akhri)
 


Sidee wax looga baran karaa dalalkan?

Sidee wax looga baran karaa dalka Suudaan? (akhri)

Sidee wax looga baran karaa dalka Malaysiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Pakistan? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Masar? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Hindiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Urdun? (akhri)

 

Sidee wax looga baran karaa dalka Yemen? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Uganda? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Ruushka? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Shiinaha? (akhri)
 

Contact: somaliedu@somaliedu.com
Designed & Hosted by AfroTech