|
Sidee loo xushaa
kulliyad, jaamacad iyo dalka aad wax ka baraneyso?
Hordhac
Dhowr iyo tobankii sano ee ugu
dambeeyay, shacabka Soomaaliyeed si aad ah ayuu ugu baahay
dunida daafaheeda. Dadkaasi dalka dibedda uga baxay waxaa ka mid
ah ardey fursado waxbarasho sare baadi-goobeysay. Maadaama
dalalka Yurub iyo Mareykanka dal-ku-galkoodu aad u adag yahay,
qiimaha jaamacadahooduna aan la goyn karin, waxay Soomaalidu
isku shubeen dalalka Aasiya iyo kuwo ka tirsan qaaradda Afrika.
Shaki kuma jiro in qof kasta oo
dalkiisa ka socdaala uu dhib iyo dheefba magan u yahay. Dheef uu
qurbaha ku helaa waxay kaga qiimo badan tahay kumanyaal uu
hoygiisa ku haystay, dhib soo wajahaana wuxuu uga nugul yahay
markuu dalkiisii joogay. Qoraalkani wuxuu xoogga saari doona
fursadaha u bannaan dhallinta dhaqaale ahaan awoodi karta inay
dalka dibeddiisa wax ku bartaan, gara ahaan Pakistan; wuxuu
sidoo kale ka digayaa dhibaatooyinka dadkii horay Pakistan wax
ku soo bartay ama inta haatan ku barataaba ay muteen.
Waa xaqiiqo aan la dafiri karin
ah in dhallinta dalka ku sugan u baahan yihiin xog dhameystiran
oo ay ku saleeyaan go’aannadooda, waayo Soomaalidaa horay u tiri
“War la helaaba talo la hel”. Waxaa kaloo jira waalidiin Ilaah u
deeqay oo heli kara inay ubadkooda waxbarasho jaamacadeed ka
bixiyaan, balse aan haysan warbixin lagu kalsoonaan karo. Ka
sokow fursadahaasi, waxaa in la iftiimiyo u baahan
dhibaatooyinka soo noqnoqda si la isugu dayo in laga hortago.
Warbixintan hay’ad ama cid gaar
ah oo taageero dhaqaale ka geysatay ma jirto ee waa dadaal
shakhsiyeed iyo iska xil-saarid howl aan aaminsanahay inay ardey
Soomaaliyeed ka faa’iieysan karaan. Maadaama qoruhu uusan
arrimaha waxbarashada ku takhasusin, wuxuu qirsan yahay in
arrintan looga faro-dhuudhuuban yahay, hase yeeshee waxay
warbixintan kaalmeyn kartaa qof kasta oo doonaya inuu ballaariyo
mashruucan si looga dhigo barnaamij wax tara ardeyda
Soomaaliyeed.
Xulashada xirfadda kugu habboon
Caadi ahaan carruurtu waxay is
weydiiyaan su’aasha ah “maxaad jeclaan lahayd inaad noqoto
markaad weynaato?” Qaarba wax bay ku jawaabaan, waxaase u badan
hadba waxyaabaha ilmuhu ka arko aabe, adeer, abti ama deegaanka
kale.
Qoraaga weyn ee caanka ah Dale
Carniege ayaa ku qoray buuggiisa “How to stop worrying and start
living” in qofka dhallinyarada ah, rag iyo dumar kuu yahayba, uu
soo maro xilli uu noloshiisa ugu welwel iyo walbahaar badan
yahay, kolkaas oo ah markuu ka qalin jebiyo dugsiga sare, asiise
aanu billaabin jaamacadda. Walbahaarkaas labo dhinac ayuu kaga
soo faruurmaa: kan koowaad, ahna kan warbixintan khuseeya, wuxuu
kaga welwelaa siduu jaamacad ku heli lahaa, hadduu helana wuxuu
xirfad ahaan u baran lahaa. Welwelka labaad ayuu qoruhu ku
sheegay inuu yahay mid ah qofkii uu nolosha la wadaagi lahaa,
mustaqbalkiisana uu ku aamini lahaa; si kale haddii loo dhigona
xaaska/seyga ay wada noolaan lahaayeen. Labaduba waxay ka siman
yihiin inay yihiin go’aanno adag oo raad weyn ku yeesha aayaha
dambe ee qofka, kuwaasoo haddii lagu hungoobana reeba
mahadhooyin taariikhdiisa ama taariikhdeeda gala
Sidaasi darteed ayaa xulashada
xirafadda kugu habboon u tahay go’aan aan sahlaneyn. Qaar ka mid
ah culimada waxbarashada waxay sheegaan 6 qodob oo ay tahay in
la tixgeliyo marka la xulanayo xirafadda, waxayna kala yihiin:
1. Sooyaalka Qoyska (Family Background)
Qaab-dhismeedka iyo sooyaalka (taariikhda)
qoyska ardeygu ka dhashay waxay saameyn ku leeyihiin wuxuu
ardeygu xirfad ahaan u dooran lahaa. La yaab ma laha inaad
aragto aabe dhaqtar ama injineer ah oo ubadkiisa u xulaya
xirafadda uu soo bartay, weliba tiro ka badan hal qof qoyska
kaliya, waxaase taasi loo aaneyn karaa iyadoo aabuhu af-garanayo
kulliyaddaas, uuna aad ugu ammaano wiilkiisa ama gabadhiisa.
2. Maaddooyinkii uu Dugsiga Sare ku Xiiseyn Jiray
Maaddooyinka ardeygu ka xiiseyn
jiray dugsigiisa sare waxay fure u noqon karaan xulashada
xirafadda uu u weecan lahaa. Hadduu ka heli jiray maaddada
xisaabta amaba sayniska kale waxaa u wanaagsan inuu kulliyad
saynis ah galo, hadduusan ka heli jirina waxaa habboon inuu
dhinaca adabka (arts) u leexdo.
3. Hab-Dhaqanka Qofka
Dalalka horumaray ee adeegga la-talinta
si caadi ah looga heli karo, waxaa ardeyga la sii odorosaa intuu
ku jiro xannaanada carruurta ee ka hor dugsiga. Tusaale ahaan
waxaa ardeyga loo sahlaa dhammaan wax kasta oo xirfad la barto u
taagan, mana jireyso wax lagu qasbayo inuu sameeyo. Wuxuu ilmo
kastaaba toos u abbaarayaa waxa uu jecel yahay inuu ku cayaaro.
Tusaale qaar baa ka hela inay guryo dhisaan oo dhoobo ama alwaax
isku kabaan, qaar inay baabuur silig ka sameeyaan, kuwa kalena
inay carruurta kala agaasimaan. Sidaas ayaa lagu sii saadaalin
karaa hadba halka ay carruurta yari ku fiicnaan doonaan
mustaqbalka.
4. Yididiilo
Qof walba markuu soo garaadsado
wuxuu nolosha ka yeeshaa yididiilo uu qalbiga ku hayo. Qofba waa
nasiibkiise, dadka qaar way u dhabowdaa yididiiladooda, qaarna
rajadaas ma dhaafto. Waxay taariikhyannada qaarkood sheegaan in
Naabiliyoonkii xukumayay Faransiiska uu sheegan jiray isagoo yar
inuu Faransiiska u talin doono. Korneel Qaddaafiga Liibiya ayaa
isna la sheegaa in, isagoo ardey ka ah jaamacad ku taalla dalka
Masar, kadib markii dalkiisa laga soo masaafuriyay, uu
sariirtiisa ku qoran jiray inuu yahay “Hoggaamiyaha Liibiya”.
Waa hubaal in riyo-maalmeedku marar badan run noqoto, waase
haddii dadaal la raaciyo.
5. Is-Qiimeyn Daacad ah
Qof kasta wuu yaqaannaa wuxuu
galo iyo wuxuu gudaba, wuxuu qaban karo iyo wuxuusan qaban karin,
wuxuu baran karo iyo wuxuusan baran karinba. Haddiise qofku
naftiisa buunbuuniyo ama is liido, wuxuu labada goorba ku
dambeyn doonaa inuu hungoobo. Sidaasi darteed ayay ardeyda la
gudboon tahay inay waalidkood si saraaxad leh ugu sheegaan nooca
waxbarasho ee ay ka soo bixi karaan iyo kuwa aysan ka soo bixi
karin halkii ay naftooda iyo waalidkoodba khasaarooyin u soo
jiidi lahaayeen.
Talooyin ku Aaddan Xulashada kulliyadda
Daraasad lagu sameeyay qaar ka
mid ah ardeyda Soomaaliyeed ee dalka Pakistan wax ku barata ayaa
laga soo saaray in 62% ardeyda ay iyagu xusheen kulliyadda ay
dhigtaan, halka 29% ay waalidkood u xuleen, iyadoo 9% kaliya ay
isaga soo baxday. Waxaa hoosta laga xarriiqay in ardeyda ay
jaamacadda isaga soo baxday iyo kuwa waalidkood u xuleenba ay
ugu badnaayeen kuwa aan si aad ah ugu qanacsaneyn waxa ay
baranayaan.
Ka hor intaan la xulan xirfadda,
waxaa habboon in la qaato tallaabooyin hordhac ah. Waxaa
waalidka laga doonayaa inay wada-tashi la sameeyaan asxaabta
qoyska ee waayo-aragnimada u leh arrimahaas. Qoraaga Dale
Carniege ayaa isla buuggiisa (how to stop worrying and start
living) ku qoray talo ku aaddan arrintan, wuxuuna sheegay in
marka ardeygu ay ku soo dhacdo inuu xirfad cayiman yeesho uu
marka hore la tashadaa dadka xilligaas ka shaqeeya xirfaddaas.
Tusaale hadduu damacsan yahay
inuu dhaqtarnimo ama injineernimo soo barto waa inuu u tagaa
dhowr ka mid ah dhaqaatiirta ama injineerrada ugu caansan
deegaanka uu ku nool yahay, ee weliba muddo fog ku soo
shaqeynayay xirfaddaas, waana inuu weydiiyaa su’aalan:
* Sideed u aragtaa xirfaddan aad
ku shaqeyso?
* Maxaadse kula talin lahayd qofkii doonaya inuu soo barto
xirfaddan?
* Ma aaminsan tahay in go’aankii aad ku gaartay aad xirfaddan
soo barato aad ku saxsaneyd?
* Haddiise aad maanta booskeyga joogi lahayd oo ardey hadda
jaamacad billaabaya ahaan lahayd ma soo baran lahayd xirfaddan?
Macallimtiinta dugsigii aad soo
dhigan jirtay waa il muhiim ah oo aad la-talin fiican ka heli
kartid. Qiyaastii bil ka hor intaan magaalada Muqdisho ka soo
tegin ayaan la-tashi iyo dardaaran ugu tegay maamulihii dugsigii
sare ee aan ka soo baxay, ahaana macallinkii maaddooyinka
joqoraafiga iyo taariikhda. Sheeko dheer kadib ayuu
macallinkeygii igula dardaarmay inaanan soo baran maaddo saynis
ah oo midkuu ahaadaba aan adab (arts) soo barto. Runtii markaas
wuxuu i siiyay sababo macquul ah oo uu iigula talinayay inaan
arts soo barto. Haddiise aadan meel ku ogeyn macallin wax kuu
dhigi jiray oo shakhsi ahaana ku yaqaanna waxaad talo ka qaadan
kartaa macallin waayo-arag ah kan ugu dhow ee aad heli karto
adigoo xaalkaaga si hagar la’aan ah kaga warramaya.
Isweydii su’aalahan
Markaad aragto inaad u janjeerto
barashada xirfad gaar ah is weydii su’aalaha soo socda:
* Miyaan soo qaatay maaddooyinka
dugsiga sare ee aasaaska u ah kulliyaddaas?
* Awood ma u leeyahay inaan
dhabarka u rito mas’uuliyadaha ku lammaansanaan doona xirfaddaas?
* Ma ku faraxsanaan doonaa inaan
howlahaas oo kale qabto?
* Hal-abuurka iyo kartidayda kale
ma uga faa’iideyn karaa xirfaddan?
* Xirfaddaas ma qancin kartaa
baahideyda?
* Mise waalidka unbaan raalli
gareynayaa?
* Ma jiraan fursado wanaagsan oo
xirfaddaas u leedahay mustaqbalkayga dhow iyo kan fogba?
* Sideen xirfaddaas ugaga
faa’iideyn karaa dadkeyga, dalkeyga iyo nafteydaba?
* Waa noocee dadka aan la shaqeyn
doono?
* Illaa heerkee ugu sarreeya
ayaan ka gaari karaa xirfaddaas?
Waa inaad awood u leedahay inaad
soo dhufato xirfadda kugu habboon. Waxaa la xaqiijiyay in dadku
badankiis ay ku habboonaan karaan illaa dhowr xirfadood inay ku
shaqeeyaan, kan qofku doortana waa mid isaga ku xiran isagoo
duruufo badan qiimeynaya.
Xulashada Jaamacad wanaagsan
Kadib markaad go’aan ka gaarto
xirfadda aad jeclaan lahayd inaad barato waxaad ogaataa inaad ka
gudubtay caqabaddii ugu weyneyd. Tallaabada xigta waxay noqon
kartaa: halkee ayaan ka bartaa? Haddii jaamacaddu tahay mid aad
adiga iska bixineysid, waxaa habboon in jaamacadda aad galeyso
aad ka fiiriso dhinacyadan:
1. Sumcadda:
Sumacadda iyo magaca jaamacadda/machadka
aad galeyso waa mid xaddideysa qiimaha ay shahaadadaadu yeelan
doonto. Walow lagu weydiin doono waxaad taqaanno marka tartan
shaqo yimaado, haddana shahaadadu waxay kaa kaalmeyn kartaa
inaad ka soo gudubto wareegga 1aad oo laga yaabo in dadka
qaarkiis ku haraan arrimo shahaadadu tahay sababta ugu weyn.
2. Tirada sanadaha:
Imisa sano ayaa lagu qaadan karaa
shahaadada bachelor ama master hadba kii aad dooneyso ama
labadoodaba, sidee ayayse fasaxyadu u kala habeysan yihiin?
3. Aqoonsiga jaamacadda:
Illaa iyo heerkee ayaa la
aqoonsan yahay jaamacadda aad galeyso, shahaadada ay bixisana ma
ka soconeysaa caalamka intiisa kale. Dalalka Koonfur Aasiya sida
Pakistan, India, Bangaladesh, iyo kuwa kaleba waxaa ku badan
jaamacadaha aan dowladda u diiwaan gashaneyn, sidaasi darteed
iska fiiri in jaamacadda la aqoonsan yahay iyo in kale. Haddii
aad dooneyso ogaanshaha jaamacadaha Pakistan ee ay dowladdu
aqoonsan tahay, waxaad ka ogaan kartaa Hay’adda tacliinta Sare
ee Pakistan (Higher Education Commission), horayna loo yaqiinnay
UGC, ama web site-ka (www.hec.gov.pk)
4. Manhajka waxbarasho:
Muxuu yahay barnaamijka
waxbarasho ee jaamacadda; maxay yihiin koorsooyinka lagu
qaadanayo iyo qawaaniinta la xiriira, sidee ayayse ugu kala
qeybsan yihiin xilliyo-waxbarashadeedka jaamacadda.
5. Bareyaasha:
Manhaj cinwaanno macaan isaga
iskuma kaa sharraxayo, ee isku day inaad macluumaad ka hesho
heerka waxbaridda macallimiinta jaamacadda, adigoo xuuraansan
kara qaar ka mid ah ardeyda haatan dhigata ama kuwii
dhowaanahaas ka qalin-jebiyayba.
6. Lacagta:
Waa intee qiimaha guud ahaan
takhasuska aad dooneyso, xilliyadee ayaana lacagta la kala bixin
karaa, mana jiraa wax qiimo-jebin loo sameynayo ardeyda
(discount).
WQ. Axmed Ugaas
Tifaftiraha Somali Education |