Jaamacadaha Dalka

Amoud University

Alfurqan University

Benadir University

Burao University

East Africa University

Hamar University

Hargeisa University

Hiran University

Indian Ocean University

Islamic University

Kismayo University

Mogadishu University

Puntland State University

Somali University

Taibah University

SIMAD Institute

SOHDEC Institute

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Jaamacadaha aan website-yada lahayn waxaa loogu bishaareynaa in qiimo jaban loogu sameyn doono website dhameystiran. Fadlan la  soo xiriir Somali Education.

Somali Education

Sidee loo xushaa kulliyad, jaamacad iyo dalka aad wax ka baraneyso?

Hordhac

Dhowr iyo tobankii sano ee ugu dambeeyay, shacabka Soomaaliyeed si aad ah ayuu ugu baahay dunida daafaheeda. Dadkaasi dalka dibedda uga baxay waxaa ka mid ah ardey fursado waxbarasho sare baadi-goobeysay. Maadaama dalalka Yurub iyo Mareykanka dal-ku-galkoodu aad u adag yahay, qiimaha jaamacadahooduna aan la goyn karin, waxay Soomaalidu isku shubeen dalalka Aasiya iyo kuwo ka tirsan qaaradda Afrika.

Shaki kuma jiro in qof kasta oo dalkiisa ka socdaala uu dhib iyo dheefba magan u yahay. Dheef uu qurbaha ku helaa waxay kaga qiimo badan tahay kumanyaal uu hoygiisa ku haystay, dhib soo wajahaana wuxuu uga nugul yahay markuu dalkiisii joogay. Qoraalkani wuxuu xoogga saari doona fursadaha u bannaan dhallinta dhaqaale ahaan awoodi karta inay dalka dibeddiisa wax ku bartaan, gara ahaan Pakistan; wuxuu sidoo kale ka digayaa dhibaatooyinka dadkii horay Pakistan wax ku soo bartay ama inta haatan ku barataaba ay muteen.

Waa xaqiiqo aan la dafiri karin ah in dhallinta dalka ku sugan u baahan yihiin xog dhameystiran oo ay ku saleeyaan go’aannadooda, waayo Soomaalidaa horay u tiri “War la helaaba talo la hel”. Waxaa kaloo jira waalidiin Ilaah u deeqay oo heli kara inay ubadkooda waxbarasho jaamacadeed ka bixiyaan, balse aan haysan warbixin lagu kalsoonaan karo. Ka sokow fursadahaasi, waxaa in la iftiimiyo u baahan dhibaatooyinka soo noqnoqda si la isugu dayo in laga hortago.

Warbixintan hay’ad ama cid gaar ah oo taageero dhaqaale ka geysatay ma jirto ee waa dadaal shakhsiyeed iyo iska xil-saarid howl aan aaminsanahay inay ardey Soomaaliyeed ka faa’iieysan karaan. Maadaama qoruhu uusan arrimaha waxbarashada ku takhasusin, wuxuu qirsan yahay in arrintan looga faro-dhuudhuuban yahay, hase yeeshee waxay warbixintan kaalmeyn kartaa qof kasta oo doonaya inuu ballaariyo mashruucan si looga dhigo barnaamij wax tara ardeyda Soomaaliyeed.

 Xulashada xirfadda kugu habboon

Caadi ahaan carruurtu waxay is weydiiyaan su’aasha ah “maxaad jeclaan lahayd inaad noqoto markaad weynaato?” Qaarba wax bay ku jawaabaan, waxaase u badan hadba waxyaabaha ilmuhu ka arko aabe, adeer, abti ama deegaanka kale.

Qoraaga weyn ee caanka ah Dale Carniege ayaa ku qoray buuggiisa “How to stop worrying and start living” in qofka dhallinyarada ah, rag iyo dumar kuu yahayba, uu soo maro xilli uu noloshiisa ugu welwel iyo walbahaar badan yahay, kolkaas oo ah markuu ka qalin jebiyo dugsiga sare, asiise aanu billaabin jaamacadda. Walbahaarkaas labo dhinac ayuu kaga soo faruurmaa: kan koowaad, ahna kan warbixintan khuseeya, wuxuu kaga welwelaa siduu jaamacad ku heli lahaa, hadduu helana wuxuu xirfad ahaan u baran lahaa. Welwelka labaad ayuu qoruhu ku sheegay inuu yahay mid ah qofkii uu nolosha la wadaagi lahaa, mustaqbalkiisana uu ku aamini lahaa; si kale haddii loo dhigona xaaska/seyga ay wada noolaan lahaayeen. Labaduba waxay ka siman yihiin inay yihiin go’aanno adag oo raad weyn ku yeesha aayaha dambe ee qofka, kuwaasoo haddii lagu hungoobana reeba mahadhooyin taariikhdiisa ama taariikhdeeda gala

Sidaasi darteed ayaa xulashada xirafadda kugu habboon u tahay go’aan aan sahlaneyn. Qaar ka mid ah culimada waxbarashada waxay sheegaan 6 qodob oo ay tahay in la tixgeliyo marka la xulanayo xirafadda, waxayna kala yihiin:

1. Sooyaalka Qoyska (Family Background)

Qaab-dhismeedka iyo sooyaalka (taariikhda) qoyska ardeygu ka dhashay waxay saameyn ku leeyihiin wuxuu ardeygu xirfad ahaan u dooran lahaa. La yaab ma laha inaad aragto aabe dhaqtar ama injineer ah oo ubadkiisa u xulaya xirafadda uu soo bartay, weliba tiro ka badan hal qof qoyska kaliya, waxaase taasi loo aaneyn karaa iyadoo aabuhu af-garanayo kulliyaddaas, uuna aad ugu ammaano wiilkiisa ama gabadhiisa.

2. Maaddooyinkii uu Dugsiga Sare ku Xiiseyn Jiray

Maaddooyinka ardeygu ka xiiseyn jiray dugsigiisa sare waxay fure u noqon karaan xulashada xirafadda uu u weecan lahaa. Hadduu ka heli jiray maaddada xisaabta amaba sayniska kale waxaa u wanaagsan inuu kulliyad saynis ah galo, hadduusan ka heli jirina waxaa habboon inuu dhinaca adabka (arts) u leexdo.

3. Hab-Dhaqanka Qofka

Dalalka horumaray ee adeegga la-talinta si caadi ah looga heli karo, waxaa ardeyga la sii odorosaa intuu ku jiro xannaanada carruurta ee ka hor dugsiga. Tusaale ahaan waxaa ardeyga loo sahlaa dhammaan wax kasta oo xirfad la barto u taagan, mana jireyso wax lagu qasbayo inuu sameeyo. Wuxuu ilmo kastaaba toos u abbaarayaa waxa uu jecel yahay inuu ku cayaaro. Tusaale qaar baa ka hela inay guryo dhisaan oo dhoobo ama alwaax isku kabaan, qaar inay baabuur silig ka sameeyaan, kuwa kalena inay carruurta kala agaasimaan. Sidaas ayaa lagu sii saadaalin karaa hadba halka ay carruurta yari ku fiicnaan doonaan mustaqbalka.

4. Yididiilo

Qof walba markuu soo garaadsado wuxuu nolosha ka yeeshaa yididiilo uu qalbiga ku hayo. Qofba waa nasiibkiise, dadka qaar way u dhabowdaa yididiiladooda, qaarna rajadaas ma dhaafto. Waxay taariikhyannada qaarkood sheegaan in Naabiliyoonkii xukumayay Faransiiska uu sheegan jiray isagoo yar inuu Faransiiska u talin doono. Korneel Qaddaafiga Liibiya ayaa isna la sheegaa in, isagoo ardey ka ah jaamacad ku taalla dalka Masar, kadib markii dalkiisa laga soo masaafuriyay, uu sariirtiisa ku qoran jiray inuu yahay “Hoggaamiyaha Liibiya”. Waa hubaal in riyo-maalmeedku marar badan run noqoto, waase haddii dadaal la raaciyo.

5. Is-Qiimeyn Daacad ah

Qof kasta wuu yaqaannaa wuxuu galo iyo wuxuu gudaba, wuxuu qaban karo iyo wuxuusan qaban karin, wuxuu baran karo iyo wuxuusan baran karinba. Haddiise qofku naftiisa buunbuuniyo ama is liido, wuxuu labada goorba ku dambeyn doonaa inuu hungoobo. Sidaasi darteed ayay ardeyda la gudboon tahay inay waalidkood si saraaxad leh ugu sheegaan nooca waxbarasho ee ay ka soo bixi karaan iyo kuwa aysan ka soo bixi karin halkii ay naftooda iyo waalidkoodba khasaarooyin u soo jiidi lahaayeen.

 

Talooyin ku Aaddan Xulashada kulliyadda

Daraasad lagu sameeyay qaar ka mid ah ardeyda Soomaaliyeed ee dalka Pakistan wax ku barata ayaa laga soo saaray in 62% ardeyda ay iyagu xusheen kulliyadda ay dhigtaan, halka 29% ay waalidkood u xuleen, iyadoo 9% kaliya ay isaga soo baxday. Waxaa hoosta laga xarriiqay in ardeyda ay jaamacadda isaga soo baxday iyo kuwa waalidkood u xuleenba ay ugu badnaayeen kuwa aan si aad ah ugu qanacsaneyn waxa ay baranayaan.

Ka hor intaan la xulan xirfadda, waxaa habboon in la qaato tallaabooyin hordhac ah. Waxaa waalidka laga doonayaa inay wada-tashi la sameeyaan asxaabta qoyska ee waayo-aragnimada u leh arrimahaas. Qoraaga Dale Carniege ayaa isla buuggiisa (how to stop worrying and start living) ku qoray talo ku aaddan arrintan, wuxuuna sheegay in marka ardeygu ay ku soo dhacdo inuu xirfad cayiman yeesho uu marka hore la tashadaa dadka xilligaas ka shaqeeya xirfaddaas.

Tusaale hadduu damacsan yahay inuu dhaqtarnimo ama injineernimo soo barto waa inuu u tagaa dhowr ka mid ah dhaqaatiirta ama injineerrada ugu caansan deegaanka uu ku nool yahay, ee weliba muddo fog ku soo shaqeynayay xirfaddaas, waana inuu weydiiyaa su’aalan:

* Sideed u aragtaa xirfaddan aad ku shaqeyso?
* Maxaadse kula talin lahayd qofkii doonaya inuu soo barto xirfaddan?
* Ma aaminsan tahay in go’aankii aad ku gaartay aad xirfaddan soo barato aad ku saxsaneyd?
* Haddiise aad maanta booskeyga joogi lahayd oo ardey hadda jaamacad billaabaya ahaan lahayd ma soo baran lahayd xirfaddan?

Macallimtiinta dugsigii aad soo dhigan jirtay waa il muhiim ah oo aad la-talin fiican ka heli kartid. Qiyaastii bil ka hor intaan magaalada Muqdisho ka soo tegin ayaan la-tashi iyo dardaaran ugu tegay maamulihii dugsigii sare ee aan ka soo baxay, ahaana macallinkii maaddooyinka joqoraafiga iyo taariikhda. Sheeko dheer kadib ayuu macallinkeygii igula dardaarmay inaanan soo baran maaddo saynis ah oo midkuu ahaadaba aan adab (arts) soo barto. Runtii markaas wuxuu i siiyay sababo macquul ah oo uu iigula talinayay inaan arts soo barto. Haddiise aadan meel ku ogeyn macallin wax kuu dhigi jiray oo shakhsi ahaana ku yaqaanna waxaad talo ka qaadan kartaa macallin waayo-arag ah kan ugu dhow ee aad heli karto adigoo xaalkaaga si hagar la’aan ah kaga warramaya.

Isweydii su’aalahan

Markaad aragto inaad u janjeerto barashada xirfad gaar ah is weydii su’aalaha soo socda:

* Miyaan soo qaatay maaddooyinka dugsiga sare ee aasaaska u ah kulliyaddaas?

* Awood ma u leeyahay inaan dhabarka u rito mas’uuliyadaha ku lammaansanaan doona xirfaddaas?

* Ma ku faraxsanaan doonaa inaan howlahaas oo kale qabto?

* Hal-abuurka iyo kartidayda kale ma uga faa’iideyn karaa xirfaddan?

* Xirfaddaas ma qancin kartaa baahideyda?

* Mise waalidka unbaan raalli gareynayaa?

* Ma jiraan fursado wanaagsan oo xirfaddaas u leedahay mustaqbalkayga dhow iyo kan fogba?

* Sideen xirfaddaas ugaga faa’iideyn karaa dadkeyga, dalkeyga iyo nafteydaba?

* Waa noocee dadka aan la shaqeyn doono?

* Illaa heerkee ugu sarreeya ayaan ka gaari karaa xirfaddaas?

Waa inaad awood u leedahay inaad soo dhufato xirfadda kugu habboon. Waxaa la xaqiijiyay in dadku badankiis ay ku habboonaan karaan illaa dhowr xirfadood inay ku shaqeeyaan, kan qofku doortana waa mid isaga ku xiran isagoo duruufo badan qiimeynaya.


Xulashada Jaamacad wanaagsan

Kadib markaad go’aan ka gaarto xirfadda aad jeclaan lahayd inaad barato waxaad ogaataa inaad ka gudubtay caqabaddii ugu weyneyd. Tallaabada xigta waxay noqon kartaa: halkee ayaan ka bartaa? Haddii jaamacaddu tahay mid aad adiga iska bixineysid, waxaa habboon in jaamacadda aad galeyso aad ka fiiriso dhinacyadan:

1. Sumcadda:

Sumacadda iyo magaca jaamacadda/machadka aad galeyso waa mid xaddideysa qiimaha ay shahaadadaadu yeelan doonto. Walow lagu weydiin doono waxaad taqaanno marka tartan shaqo yimaado, haddana shahaadadu waxay kaa kaalmeyn kartaa inaad ka soo gudubto wareegga 1aad oo laga yaabo in dadka qaarkiis ku haraan arrimo shahaadadu tahay sababta ugu weyn.

2. Tirada sanadaha:

Imisa sano ayaa lagu qaadan karaa shahaadada bachelor ama master hadba kii aad dooneyso ama labadoodaba, sidee ayayse fasaxyadu u kala habeysan yihiin?

3. Aqoonsiga jaamacadda:

Illaa iyo heerkee ayaa la aqoonsan yahay jaamacadda aad galeyso, shahaadada ay bixisana ma ka soconeysaa caalamka intiisa kale. Dalalka Koonfur Aasiya sida Pakistan, India, Bangaladesh, iyo kuwa kaleba waxaa ku badan jaamacadaha aan dowladda u diiwaan gashaneyn, sidaasi darteed iska fiiri in jaamacadda la aqoonsan yahay iyo in kale. Haddii aad dooneyso ogaanshaha jaamacadaha Pakistan ee ay dowladdu aqoonsan tahay, waxaad ka ogaan kartaa Hay’adda tacliinta Sare ee Pakistan (Higher Education Commission), horayna loo yaqiinnay UGC, ama web site-ka (www.hec.gov.pk)

4. Manhajka waxbarasho:

Muxuu yahay barnaamijka waxbarasho ee jaamacadda; maxay yihiin koorsooyinka lagu qaadanayo iyo qawaaniinta la xiriira, sidee ayayse ugu kala qeybsan yihiin xilliyo-waxbarashadeedka jaamacadda.

5. Bareyaasha:

Manhaj cinwaanno macaan isaga iskuma kaa sharraxayo, ee isku day inaad macluumaad ka hesho heerka waxbaridda macallimiinta jaamacadda, adigoo xuuraansan kara qaar ka mid ah ardeyda haatan dhigata ama kuwii dhowaanahaas ka qalin-jebiyayba.

6. Lacagta:

Waa intee qiimaha guud ahaan takhasuska aad dooneyso, xilliyadee ayaana lacagta la kala bixin karaa, mana jiraa wax qiimo-jebin loo sameynayo ardeyda (discount).

 

WQ. Axmed Ugaas

Tifaftiraha Somali Education

 Warbixino muhiim ah

Sidee loo xushaa kulliyad, jaamacad, iyo dalka aad wax ka baraneyso? (akhri)
 

Maxaa ardeyga muhiim u ah marka uu u dhoofayo dalka dibeddiisa? (akhri)
 


Sidee wax looga baran karaa dalalkan?

Sidee wax looga baran karaa dalka Suudaan? (akhri)

Sidee wax looga baran karaa dalka Malaysiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Pakistan? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Masar? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Hindiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Urdun? (akhri)

 

Sidee wax looga baran karaa dalka Yemen? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Uganda? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Ruushka? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Shiinaha? (akhri)
 

Contact: somaliedu@yahoo.com
Designed & Hosted by AfroTech